“Warshad Yar Ayaan Gacantayda Ku Samaystay,Waanan Ka lacag badan nahay….”

0
739

Maxamuud Axmed Xuseen waa nin dhalinyarro ah waxa uu gacantiisa ku samaystay Wershad Dhagaxaanta ka samaysa jayga guryaha lagu dhiso, taasi oo ku taalla dhinaca galbeed ee caasimadda Hargeysa magaceedana la yidhaahdo Kaadiye Karasher.
Maxamuud waxa uu sheegay in Wershsadaasi dhagaxa ridiqda ee jayga ka dhigta ay tahay mid uu isagu gacantiisa ku sameeyay qaybaha kala duwan ee qalabka ay ka kooban tahay. Taasi oo sida uu sheegay uu sameeyay bilawgii sanadkan aynu ku jirno ee 2014-ka.
Maxamuud Axmed Xuseen oo ah mulkiilaha iyomuhindiskii Wershadaasi ikhtiraacay oo xalay u waramay wargeyska DAWAN, ayaa noo sheegay in Wershadaasi Jayga samaysa oo muddo billo ah jirtay ay hada si wanaagsan u shaqayso isla markaana ay ka shaqeeyaan dad gaadhaya dhawr iyo toban qof. Waxana uu sheegay markii uu samaynayay bilawga hawsha Wershadaasi in aanay jirin haba yaraatee cid dhinaca dhaqaalaha ka caawisay balse uu kelidii ismaal-geliyay.
Wershadan Jayga ridiqda ayaa noqonaysa tii ugu horaysay ee nooceeda ah ee dalka, sababta oo ah dhammaanba qalabka kala duwan ee uu ka kooban yahay qalabka ay Wershadani ku shaqayso ayaa ah mid uu mulkiiluhu isagu gacantiisa ku sameeyay oo isku keen-keen ah.
karasharka2
Waxaanu sheegay in markii hore ay shaqada ku bilaabeen inay dhagaxaanta ku soo guraan Kooryooneyaal ama gaadhi gacan, iyaga oo aanay wax gaadiid ah haysan balse ay hada haystaan hal gaadhi oo ah Iska-rogo taasi oo uu sheegay in uu aabihii u iibiyay ka dib markii uu arkay dedaalka uu sameeyay. Waxaanu tilmaamay in wershadiisu ay wax badan dalka ku soo kordhisay sida dhiancyada horuamrka iyo shaqo-abuurkaba.
Maxamuud Axmed Xuseen, oo ah mulkiilaha Wershadan Jayga samaysa ee Kaadiye Karasher isaga oo ka waramay goorta uu Wershadan aasaasay iyo waxa ku dhaliyay, waxa uu yidhi “Wershadan Kaaliye Karasher ee Jayga samaysa oo ah mid lagu sameeyay wadanka gudihiisa, oo aan anigu a gacantayda ku sameeyay, waxaan aasaasay bishii koowaad ee sanadkan aynu jirno, imikana way shaqaysaa wershadaasi, si toos ah waxa uga shaqeeya ilaa toban qof, si dad-bana waxaa uga shaqeeya ku Jayga rarra iyo ku soo qaadaba ilaa dhawr iyo toban qof, wax badan ayay shaqo abuurka ku soo kordhisay. Ma jirto cid iga caawisay oo ganacsato ama cid kale, laakiin aniga ayuun baa ikhtiraacay keliday oo ismaalgeliyay, waxaanan ku fikiray maadaama oo wadanku dhismayo baahi weyna loo qabo in shaqo abuur laga sameeyo, ama wershado la kiciyo ama si kaleba hala sameeyo, waxaan ku fikiray macdanta iyo dhagaxaanta iyo khayraadkan Illaahay ina siiyay ee buuraha wixii lagaga faa’iidaysan lahaa, inta ay dhalinyaradu ku mashquuleen siyaasadda iyo tahriibka waxaan is idhi halkan wadankiina wax kala soo baxa aad iyo aadna waan ugu wanaagsanahay imika”.
Sidoo kale Maxamuud oo aanu waydiinay in laga iibsado jayga ay soo saaraan iyo sidoo kale halka uu ka keeno Dhagaxanta uu Jayga ka sameeyo waxa uu ku jawaabay. “Waa lanaga iibsadaa wixii aan soo saarnaba maalin kasta intii itaalkagu gaadho, cagaf ma haysano ee gacanta ayaanu kaga shaqaynaa, haddii aanu cagaf helana waanu ka sii badin lahayn, shan ilaa lix lawdh ayaanu soo saarnaa maalintii, shirdaha dhismaha ayaa aad nooga iibsada. Dhagaxa aanu jayga ka samayno wadxaanu ka soo gurnaa buuraha, markii u horaysay waxaan ku soo guri jirnay dhagaxa kaaryoone, ayaan ku bilaabay laakin markii danbe aabahay ayaa iska rogo ii iibiyay markii uu arkay in aan dedaalayo halkaa gaadhi ee iska rogada ah ayaan imika ku shaqaynaa, inaga aad ayuu inoogu badan yahay nooca ugu tayada wanaagsan ee dhagaxa jayga laga dhigaa, waa nooc cadcad ee buuraheena ku badan weeye, oo sibidhka la falgala, laakiin wadan waliba dhagaxa uu leeyahay ayuun buu ridqadaa oo uu jay ka dhigtaa” ayuu yidhi Maxamuud axmed Xuseen oo ah mulkiilaha Wershadda jayga samaysa ee Kaadiye Karasher.
mulkiilaha Wershadan Jayga samaysa ee Kaadiye Karasher, oo aanu waydiinay in uu aqoon u leeyahay hawlaha samaynta Wershadaha noocan oo kale ah iyo in uu hore uga soo shaqeeyay waxa uu yidhi “Anigu horta markii hore dhismaha ayaan ka shaqayn jiray iyo xaga darawallnimada gaadiidka, wax aqoon ah mid jaamacadeed iyo mid kaleba ma jirto. laakiin hadana qof waliba wuu garan karaa wixii jayga noqonaya ee tayada fiican wanaga wershadaydu waxay samaysaa ridiqdaa dhagaxa ku ugu adage e aanay kuwa kale ee shiinaha laga keenaa ridqi Karin. Makiinaduhu dalka way yaalaan oo waa la iibsan karaa mishiin electric ah laakin waxa ay mushkiladu tahay dubaha dhagaxa jebiya kaasina dalka ma yaalo, anagu waxaanu ka samaynay biraha duuga ah ee dalka yaala, markaa anaga xataa marka ay wax naga xumaadaan ama naga jabaan way noo dhib yar tahay in aanu samaysano, ilayn waa wax aaanu markii horeba anagu gacantayada ku samaysanaye”.
Sidoo kale Maxamuud Axmed Xuseen, waxa uu sheegay in dhaqaale fiicani ka soo gala Wershadan ama uu ka hello, isla markaana uu halka Lawdh ku iibiyo $80 Doolar. Isaga oo taasi ku tilmaamay in haddii si kale uu macnaheedu yahay in uu isaga oo ka shaqeeya Dhagaxaan hadana uu ka dhaqaale badan yahay xildhibaano iyo Wasiirro ay dadku u haystaan in ay lacag leeyihiin.
Isaga oo arrintaasi ka ahdlayayna waxa uu yidhi “Dhaqaale wanaagsan ayaa iga soo gala, waxaa laga yaabaa in aan xildhibaaanada iyo wasiiraddaba ka lacag badanahay, waxaanan sameeyay shaqo abuur, halka lawdh ee jayga ah waxaan ku iibiyaa ama lanaga siistaa $ 80 Dollar dhagaxana anaa buurta ka soo gurtay, wershada wax ridqaysana aniga ayaa gacantayda ku samaystay dhagaxana la igama soo iibiyo, intaa ay inamadu iska rogada ku soo rarayaan ayuun baan bixiyaa”.
Waxa kale oo uu intaasi raaciyay Maxamuud in uu doonayo ama hamigiisu hayay inuu shaqadan baro isla markaana gaadhsiiyo dhalinyarada jecel in ay shaqadan qabtaan, waxaanu u balan qaaday inuu isagu tababar ku siinayo wershadiisa dhalinyarada iyo cid kasta oo danaynaysa. Waxaanu tilmaamay in haddii uu taageero dhaqaale cid kale ka heli lahaa in Wershadda shaqadeedu ay sidan ka sii wanaagsanaan lahay.
“Waxaan ku hamiyaynaa in gaadhsiiyo aqoontan anaga noo suurto gashay dhalinyaradeena wixii jecel inay shaqadan oo kale ka shaqeeyaan aan tababarsiiyo, haddii dhaqaale iyo taageero aan helana waynoo sii balaadhanaysaa, oo waanu sii horumarin lahayn” ayuu yidhi Maxamuud Axmed.

Leave a Reply