Sarrifleyaasha Caasimadda Oo Majeertay Kaalinta Baanka Dhexe Ee Xakamaynta Sixir-bararka Lacagaha

0
646

Masuuliyiinta Baanka dhexe ee Somaliland ayaa lagu ammaanay inay dedaal balaadhan ugu jiraan sidii ay suuqa sarifka lacagaha qalaad uga ilaalin lahaayeen baaxaa dega iyo qiimo bararka.
Qaar ka mid ah Ganacsatadda sarifka lacagaha qalaad ee caasimadda Hargeysa ayaa shalay uga warramay wargeyska DAWAN, kaalinta baanku ku leeyahay xasilinta sarifka dollar-ka. Waxaanay sheegeen In marka sarifka Dollarku cirka isku shareero ay suuqa soo geliyaan Guddoomiyaha iyo Agaasimaha Guud ee Baanka dhexe lacag kaash ah taasina waxay dhabarka ka jabisaa sixir-bararka sarifka ku yimaadda.
Maxamed Ibraahim Aadan oo ka mid ah sarifleyaasha caasimadda Hargeysa ayaa Baanka dhexe ee Somaliland ku bogaadiyay sida ay u xakameeyaan inaanu sarifka dollarku xadhkaha goosan, waxaanu yidhi “Qiimuhu marba meel ayuu marayaa waxaana uu sabab ah kolba sida lacagaha Dollarka ahi suuqa u soo galaan ee kaashka rabitaankiisu noqdo ayay ku xidhan tahay, marba marka kaashku bato ayuu sixirkuna kor u kacaa, kolna hoos ayuu u dhaca, jabitaankiisuna had iyo goor markuu kaco Baanka ayaa naga jabiya, marka uu qaaligaroobo ee uu todoba Boqol iyo saayiddo noqdana Baanka ayuun baa Dollar soo saara, oo isaga ayuun baa jebiya”.
“Guddoomiyaha Baanka iyo Agaasimaha Guud ee Baanku waa masuuliyiin xil kas ah oo suuqa sarrifka ka ilaaliya baaxaa dega, waxaana aanu leenahay iskaashi balaadhan waxaanay noo gacan qabtaan inay naga jabiyaan sarifku marka uu qaaliyoobo,”ayuu intaas ku ladhay Maxamed Ibraahim Aadan.
Khadar Cali Axmed oo ka mid ah Ganacsatada sarifka lacagaha qalaad ayaa sheegay in baanku masuuliyad iska saaro inaanu qiimaha doolarku halka imika uu taagan yahay aanu dhaafin, isagoo ka hadlayay arrintaasna waxa uu yidhi “Waxa jira marka Dollarku kaco, waxa hoos u dhacda qiimaha shilinka oo maceeshadiina qoyskii Boqol Dollar soo gelayay waxba uma goynayo, markaa baanku isagoo u nasteexaynaya shicibka danyarta ah iyo shaqaalaha dawladda waxa uu lacag badan oo kaash suuqa soo geliyaa, iyadoo ay hor kacayaan Guddoomiyaha iyo Agaasimaha Guud ee Baanka oo ah masuuliyiin xilkooda fahamsan.”
“Waxa kale oo aan rajaynayaa in baanku mjustaqbalka dhow uu si toos ah u cayimi doono qiimaha sarifka si meesha uu uga baxo is bed-bedal badani ugu iman. Taasina waxay noqon doontaa mid aanu soo dhawayn doono haddii aanu nahay sarrifleyaasha caasimadda,”ayuu yidhi Khadar Cali. Sarifka Boqolka Dollar ayaa shalay gacanta hore lagu kala bedalanayay 680.000/SL ah, halka gacanta dambena ay ahayd 690.000/SL ah. Sidoo kale Boqolka Bir ee Itoobiya waxa shalay gacanta hore ay taagnayd 33000/SL ah, halka gacanta dambena ay lagu sarifayay 34200/SL ah.

Leave a Reply