Wasiir Samaalle Oo Khudbad Ka Jeediyay shir lagu faaqidayay

0
601

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa caddeeyey in caalamku ku dhiirraday inuu wax la qabto markii ay arkeen nidaamka saxda ah ee loo maamulo hannaanka maaliyeed ee dalka.
Wasiir Samaale oo hadal ka jeediyey kulan ka dhacay xarunta Hay’addda Shaqaalaha Dawladda ee magaalada Hargeysa, lagagana hadlay hannaan casri ah oo loogu talogalay in miisaaniyadda iyo lacagaha Somaliland lagu maamulo, waxa uu sheegay in qorshahan yahay mid hirgelintiisa caalamku lacag badan ku bixinayo, isagoo xusay in tallaabadan tahay mid ka dhalatay hannaanka saxda ah ee dhaqaalaha dalka loo maamulo, sababtayna in caalamku ku taageero.
“Waxa wax lagu farxo ah in dhawrkii sanno ee u dambeyey miisaniyadeenna uu ka muuqday horumar ballaadhan iyo korodh aad u weyn oo adduunku majeertay, la innaguna bogaadiyey, taasoo ah ta maanta keentay barnaamijka aynu maanta ka wadda hadlayno, oo adduunyadu innagu maalgalinayso oo xoolo badan lagu bixinayo, sidii aynnu u wanaajin lahayn maamulka maaliyadeed ee waddankeenna. Markii la arkay korodhka miisaniyadeed ee waddankeenna ka muuqda. Markii la arkay ilaalinta iyo nidaamka sax ee maaliyadeed ee ka muuqda ee aynu masuulka ka nahay ayuu caalamku ku dhiiraday inuu wax innala qabto, la inagala qaybqaato horumarinta mashaariicda la xidhiidha wanaajinta maamulka maaliyadda.
Runtii waxaan jecelahay in aynu si fiican ugu diyaargarowno nidaamka casriga ee dalkeenna iyo shaqadeenaba wax taraya. Hawshan Wasaaradda Maaliyadda oo keli ah uma diyaargaroobayso, laakiin dhammaanteen waynu u wadda diyaargaroobaynaa, innaga oo fulinayna go’aanka madaxweynaha qaranku ku qaatay in la habeeyo oo la wanaajiyo, maamulka maaliyadeed ee qarankan. Innaga oo fulinayna go’aannada aynnu la qaadannay hay’adaha caalamiga ah ee innaga caawinaya mashruucan, markaa waa inaynnu u diyaargaroowna hawshan ballaadhan ee aynnu isugu nimi ee ah habka aynnu u casriyenaynno maamulka maaliyadeed qaranka Somaliland,” ayuu yidhi Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale.
Waxa kaloo uu sheegay in dawladda iyo dadweynaha Somaliland doonayaan, kuna dedaalaan sidii loo gaadhi lahaa horumarka xilligan dunidu gaadhay, “Waxaynnu doonaynnaa in aynu caalamka la tallaabsano, aqoontiisa iyo horumarkiisa, markaa habkii aynnu awal u shaqeynaynay mid ka duwan oo ka horumarsan inaynnu u shaqeynno ayey munaasibadeennu muhiimadeedu tahay. Marka horeba guud ahaan hay’adaha iyo wasaradaha kala duwan waxaynnu ka shaqaynnaa wax allaale iyo wixii la xidhiidha maaliyad, lacag iyo dhaqaale. Runtii waxaad odhan kartaa dhaqaalaha iyo maaliyaddu waa halbowlaha ummadda, waana shayga haddii Ilaahay siiyo ay ummaddu wax qabsan karto, haddii ay waydana burburayso.”
Sidoo kale, waxa uu xusay in aannu reer Somaliland roob lacag ah u di’in, balse marka dakhliga dalka soo gala si fiican loo maamulo, lagana ilaaliyo in la khasaariyo uu Ilaahay siyaabo kala duwan dadka wax u siiyo.
“Waad dhaqaalaheennu ha koobnade meel wanaagsan ayuu marayaa. Waxaynnu doonaynnaa in aynnu gacmaheenna biyo kaga dharagno, tiiyo taageerada caalamka in badan aanay waxba innooga suurtoobin, haddana marba marka ka dambaysa dakhligeenna iyo miisaniyadeennu horumar la taaban karo ayey sameynaysaa, markaa horumarka iyo hore-u-socodkaa ballaadhan iyo waliba korodhkaasi miisaaniyadeed, dadka maanta halkan fadhiya (Agaasimeyaasha Guud iyo masuuliyiinta qaybaha maamulka ee hay’adaha dawladda) ayaa inta badan sababtooda ah. Waxaan odhan karaa oo dhab ah in aannu roob lacag ah inoo di’in, inoona di’i doonin, laakiin marka dadku dedaalo ayuu Ilaahay (SWT) siyaabo kala duwan waxa u siiyaa, una caawiyaa, markaa waxa ku soo galaya ee dakhli ah oo aad hagaajiso oo aanad si xun u isticmaalin waxay ka mid tahay wanaag Ilaahay ku siiyo, markaa inaad ilaaliso oo aanad daadaadin, si xunna u adeegsan waxay ka mid tahay waxbaha Ilahay kaa doonayo. Xoolaha oo la daadadiyo Ilaahay wuxuu ku tilmaamay shay aan wanaagsanayn,” ayuu yidhi Wasiirka Maaliyadda.

Leave a Reply