Wasiirka Arrimaha dibadda Oo Kulan la Yeeshay Masuul ka socday Turkiga

0
697

Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa xafiiskiisa shalay kulan kula yeeshay qunsulka guud ee Turkiga u qaabilsan Somaliland, Muzaffer Yuksel.
Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu kulankaasi ka dib soo saaray afhayeenka wasaaradda khaarajiga Siciid Cali Muuse, waxaanu u dhignaa sidan:-
“Axaddii shalay Wasiirka Arrimaha Debedda ee Somaliland, Mohamed Biixii Yonis, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Qunsulka Guud ee Turkeyga u fadhiya Somaliland, Muzaffer Yuksel. Booqashada Yuksel ee Wasaarada Arrimha Debedda ayaa la xidhiidhay is-barasho waxaana laga wadahadlay xidhiidhka Turkeyga iyo Somaliland.
Arrimaha kale ee laga wada hadlay waxa ka mid ahaa mashaariicda dawlada Turkeygu ka fulinayso jamhuuriyada Somaliland, oo ay cusbitaaladu ka mid yihiin iyo mashaariic kale. Qunsulka Guud wuxuu halkaas ka sheegay in intii uu joogay Somaliland uu wax badan oo uusan hore u ogayn haatan ogaaday, kuna faraxsan yahay joogitaanka caasimada Somaliland ee Hargeisa. Arrin kale oo labada geesood isla soo qaadeen waxay ahayd sidii loo dedejin lahaa xafiiska Xoghaynta ee Somaliland ee dalka Turkeyga xafiiskaas oo qaabilsan wadahadalada ka dhexeeya Somaliland iyo Somalia.
Munaasabada waxa joogay Wasiir ku xigeenka Arrimaha Debeda, Mowleed Mohamed Ibrahim iyo Safiirka Somaliland u magcawday dalka Turkeyga, Ali Ahmed Osman, oo la filaayo in uu dhowaan ka hawl galo dalka Turkeyga.

Leave a Reply