WORLD CUP:- Hordhaca Kulanka Kala Xoogsiga Kaalinta Sadexaad Ee NETHERLAND Iyo BRAZIL

0
689

WORLD CUP:- Hordhaca Kulanka Kala Xoogsiga Kaalinta Sadexaad Ee NETHERLAND Iyo BRAZIL
Garoonka: Estadio Nacional Brasilia.
Saacadda: 11:00
Brazil ayaa heysato fursad ayaa madax ciida kaga ceshato marka ay maantay galinka danbe Brasillia isku arkaan Netherland, halka kooxda reer Europe ay dhankeeda ay tahay inay isku qanciso kaalinta seddexaad.
Wiilasha Luis Felipe Scolari waxa kobaha kula tuntay xulka qaranka Germany, natiijo culus oo 7-1 ah waxey u aheyd habeen aysan reer Samba hurdo ladin, keliya ma aheyn dhamaadka riyadii reer Brazil balse waxey lamicno aheyd dhacdo xun oo taariikhda kubada cagta Brazil gashay.
Netherland waa markii labaad oo rajada laga garaaco, koobkii adduunka ee Koonfur Afrika waxaa si silac ah uga qaaday La Rojo, halka tartanka hadda socdaana ay uga hartay si dhib ah kadib gool kulaad ay isla tageen Argentina.
Maxaa Cusub?.
Brazil ayaa dib usoo dhaweyn doonto kabtankeeda Thiago Silva oo ganaax ku maqnaa kulankii guuldarada ee 7-1, isagoo lafilaayo in khadka dhexe kula mataanoobo saaxiibkiisa PSG David Luis.
Macalin Luiz Felipe Scolari ayaa laga filayaa inuu sameeyo badalo dhowr ah, kulankaan ayaa u ah mid ay sharaf yar kuraadsanayaan waaba haddi ay uhartay.
Si lamid ah waxaa macquul ah in Netherland ay sameeso badalo dhowr ah, Memphis Depay iyo Huntelaar ayaa laga yaabaa inay kusoo bilowdaan.
Goolhayeha Dutch ka Michel Vorm ayaa ah laacibka keliya ee kooxda kujiro ee aan weli ciyaarin tartanka kasocdo Brazil.
Shaxda Macquulka Ah:
Netherland: Cillessen, De Vrij, Vlaar, Martins Indi, Kuyt, De Jong, Sneider, Wijnaldum, Blind, Robben, Van Persie.
Brazil: Cesar, Maicon, Silva, Luiz, Marcelo, Ramires, Paulinho, Gustavo, Hulk, Oscar, iyo Fred.
Dawannews  Hargeysa office

Leave a Reply