“Waxaan qabaa inay anshax xumo tahay inuu qofku ka sheekeeyo shaqadiisii iyo masuuliyaddii uu qaranka u hayay” Taliyihii Hore Ee Sirdoonka

0
608

Hargeysa (Dawan)- Jen. Maxamed Nuur Cismaan (Cansharaar ) ayaa beeniyay qaar ka mid ah mareegaha Internet-ka qaarkood oo war aanu bixin si khaldan sawirkiisii iyo magaciisiisii u raaciyay waraysi uu dhawaan warbaahinta ku baahiyay Taliyihii isaga ka dambeeyay oo la yidhaahdo Maxamed Nuur Xirsi.
“Waxaan Telefoonno badan ka helay dad aad u badan oo muwaadiniin ah oo gudaha iyo dibadaba jooga. Waxaanay I weydiinayeen qofka Madaxweynaha iyo dawladda cambaareeyay ma adigaa?. Waxaan shacbiga Somaliland leeyahay xaasha aniga ma aha qofkaasi isla markaana igama suurtowdo inaan si anshaxa ka baxsan uga warramo xirfadaydii iyo masuuliyadii aan qaranka u hayay,”ayuu yidhi Taliyihii hore ee sirdoonka Somaliland Jen. Maxamed Nuur Cismaan (Cansharaar) oo xalay khadka Telefoonka ugu warramayay wargeyska DAWAN isagoo ku sugan Dalka Ingiriiska.
Taliye Maxamed Nuur Cansharaar oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi “Ninka warbixinta siiyay warbaahintu waa Maxamed Nuur Xirsi oo ka mid ahaa madaxdii iga dambeysay. Sidoo kale waxaan bulshadda u iftiiminayaa inaanan anigu ahayn qofka WADDANI ku biiray ee waa Taliyaha warbixintaas bixiyay ninka xisbigaas ku biiray.” Taliyuhu waxa uu shabakadaha Internet-ka ugu baaqay inaanay ku gabood falin xuquuqdiisa muwaadinimo isla markaana aanay sifo xaaraan ah u adeegsan sawirkiisa iyo magaciisa.
“Websiteyadda qaarkood waxay sawirkaygii iyo naanaystaydii ku daabaceen warbixin aanan anigu bixin hase yeeshee uu warbaahinta uga warramay Taliyihii iga dambeeyay, markaa waa inay masuuliyad isa saaraan oo ay cadeeyaan inay sawirka ay qaadanayaan uu yahay qofkii ay waraysteen iyo in kale,”ayuu yidhi Maxamed Nuur. Taliyihii hore ee sirdoonku waxa uu wax lala yaabo ku tilmaamay in qof uu masuul ahi uu ka warramo waajibaadkii uu qaranka u hayay iyo sirihii dalkiisa hooyo, waxaanu yidhi “Anigu waxaan qabaa inay ceeb iyo anshax xumo tahay inuu qofku ka sheekeeyo shaqadiisii iyo masuuliyaddii uu qaranka u hayay, waxay ahayd Taliyihii hore ee Sirdoonka ee hadlay inuu ilaaliyo xirfadiisa iyo sumcadiisa wixii uu tabanayana kala hadlo masuuliyiinta qaranka.
Maxamed Nuur Cansharaar waxa uu ahaa Taliyihii Ciidanka Sirdoonka qaranka sanadihii 2008 illaa 2010-kii, sidoo kale waxa uu muddo toban sanadood ah oo xidhiidh ah hayay xilka Taliye Ku xigeenka sirdoonka qaranka.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply