Wasiirka Duulista Hawada Somaliland Oo Ka War Bixiyay Shir Uu Kaga Qayb Galay London

0
584

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka wasaaradda Duulista Hawada iyo Gadiidka Cirka Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa faahfaahin ka bixiyey shir caalami ah oo isaga iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminayaa ay maanta kaga qayb galeen London.
Waftigaasi ka socday Somaliland ee Wasiirka Duulistu uu hogaaminayey ayaa kale ahaa Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland Gaashaanle Dhaxe Maxamed Cali Yuusuf (Ina Canbaro), Taliyaha Ciidanka Sirdoonka qaranka, iyo saraakiil ka socotay Wasaarada arimaha Gudaha.
Wasiir Maxamuud Xaashi ayaa sheegay inay ka qayb galeen shir balaadhan oo ka dhacay badhtamaha Magaaladda London, kaas oo si toosa loogu casumar, shirkaasina ay ka soo qayb galeen ku dhawaad 30 dalalka oo ku yaala Asia iyo Afrika.
Wasiirka wasaaradda Duulista Hawada iyo Gadiidka Cirka Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo ujeeda shirkaasi ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi “ waxa halkan ka socda shir weyn oo qiimo badan oo laga hadlayo arimaha amaanka hadii ay tahay Duulimaadyada madanig ah, socdaalka, iyo sirdoonkaba, waxa aanu shirkan ku nimid wafti ka socda Xukuumadda Somaliland, waxa aanu halkan kaga qayb galaynaa shirkaas, oo si qiimo leh naloogu casuumay, waxa ila socda Taliyii Laanta socdaalka, Taliyaha Sirdoonka iyo sarkaal sare oo ka tirsan Wasaarada arrimaha gudaha, waxa aanu u nimid in aanu xubanaha shirka la wadaago khibradaya, dunidu maanta amaanka way ka wada shaqaysaa maadaama uu xasaasi yahay, isla markaana waa waxa ugu qiimaha badan ee aduun lagu bixiyo, caalamka waxa u xeer ah inuu ka wada shaqeeyo.”
Wasiirka Duulistu waxa uu intaa raaciyay “shirka aqoon iyo waayo aragnimo ayaanu ka koransan karnaa, anaguna wax ayaanu ku kordhinaynaa laba maalmood ayuu halkan shirku ka soconayaa, waxana ka soo qayb galay ilaa sodon dawladood.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply