Wasiirkii Arimaha Debeda Ingiriiska Mr William Hague, Oo Iska Casilay Jagadii Wasiirnimo

0
92

London (Dawan)- Wasiirka Arimaha debeda dalka UK Mr William Hague  ayaa habeenkii isniinta goor danbe  ku dhawaaqay in uu iska casilay jagadii wasiirnimo ee uu dalka UK u hayay. Warbaahinta UK ayaa iscasilaada William Hague ku tilmaantay mid dhabaha u xaadhaysa in Ra’iisul wasaare David Cameron uu isbedel mug leh ku sameeyo gollihiihsa wasiirada.

Saadaasha ama aragtiyaha doorashooyinka baarlamaanka ee la filayo in la qabto ayaa xisbiga David Cameron waxay wax yar ka hooseeyaan qiyaasta tirada kuraasta ee la saadaaliyay in uu xisbiga Shaqaaluhu heli doono, arintaasi ayaana loo sababaynayaa in ay salka ku hayso iscasilaada wasiirka.

David Cameron ayaa la filayaa in uu gollihiisa wasiirada isbedel mug leh ku sameeyo, waxaana la saadaalinayaa in uu ku soo kordhin doono tiro u badan haween iyo dhalinyaro.

Si cad looma sheegin cida bedeli doonta wasiirka iscasiley, waxaase la filayaa in uu jagadaasi buuxin doono wasiirka haatan haya jagada wasaarada gaashaandhiga Mr Philip Hammond.

Dawannews Hargeysa office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here