Hogaamiyayaasha Caalamka Oo Baaq U Jeediyey Falaagada Ukraine

0
624

Hoggaamiyaasha caalamka ayaa ugu baaqay falaagada bariga Ukraine in ay u ogolaadaan kormeerayaasha in ay si aan xaddidnayn ay u gaaran goobta ay Khamiistii ku dhacday diyaaradii rakaabka ee ay saarnayeen ku dhowaad 300 oo qof.
Kormeerayaasha ka socday midowga yurub ee loo diray goobta ay gacanta ku hayaan falaagada dalka Ukrain ee sida muuqata lagu soo riday diyaaradii Malaysia ayaa sheegaya in rag hubaysan ay ka hor istaageen in ay gaaraan ama ay arkaan burburkii diyaarada dhacday.
Afhayeenka kooxda kormeerayaasha ayaa waxa uu sheegay in rag hubaysan oo qaarkood saqraansan ay is hortaageen iyagoo weliba buu yidhi mid ka mid ah uu rasaas kor u ridayey.
Kormeerayaasha ayaa doonayey in ay halkaas ka sameeyeen xeendaab, si loo bilaabo baaritaano loona soo saaro maydadka.
Dhinaca kale madaxweynaha maraykanka Barack Obama ayaa sheegay in ay jiraan cadeymo muujinaya in diyaarada lagu soo riday gataal, gantaalkana laga tuuray dhulka ay maamulaan falaagada Ruushka uu taageero.
Barack Obama Hadalkiisa ayaa ku soo beegmaya iyadoo madaxda caalamka ay jawaabo ka bixinayeen diyaarada dhacday.
Dawannews Hargeysa office
 

Leave a Reply