Ciidammada Amaanka Ingiriiska Oo Ka Xishooday Diblomaasi Sucuudi ah Oo Isagoo Sikhraansan Baabuur Waday

0
711

London (Dawan)- Ciidammada Ammaanka ee dalka Ingiriiska, ayaa ka xishooday inay xidhaan diblomaasi u dhashay dalka Sucuudiga oo isagoo xoog u sikhraansan, khamri badana cabay baabuur dhex watay waddooyinka magaalada caasimadda ah ee London.
Warkan oo lagu baahiyey wargeyska daily mail ee Ingiriiska ka soo baxa oo Jamhuuriya soo turjumay, ciidanka amniga iyo sharciga Boqoqrtooyada UK, ayaa ka xishooday, wax tallaabo ahna aan ka qaadin nin diblomaasi ah oo ka tirsan safaarada Sucuudigu ku leeyahay Ingiriiska, kaasoo la arkay inuu baabuur watay isagoo aad u sikhraansan, iyadoo xasaannada diblomaasiyiintu leeyihiin u saamaxday in aan la qaban, lana xidhin.
Sharciga dalka Ingiriiska u yaal, ayaa dhigaya in ciqaab adag la mariyo dadka lagu qabto inay baabuur kaxaystaan iyagoo xoog u sikhraansan, iyadoo ciqaabtaasina isugu jirto xadhig, ganaax lacageed, liisanka waddista oo laga xayuubiyo iyo in muddo qofka laga mamnuuco inuu gaadiid wado, arrintaasoo ku xidhan hadba heerka sakhrada qofka gaadiidka wada gaadhsiisan tahay.
Wasiirka Xafiiska Arrimaha Dibadda ee UK Mr. Mark Simmonds, ayaa warbixin uu soo saaray maalintii Arbacada ku shaaciyey in nin diblomaasi ah oo u dhashay dalka Sucuudiga sharcigu ka xishooday, wax tallaabo ahna laga qaadin, kadib markii la arkay inuu baabuur watay isagoo khamri badan cabsan, kaasoo lagu saamaxay sharciga xasaannada ee lagu ilaaliyo dadka diblomaasiyiinta ah.
Dalka Sucuudiga oo ku dhaqma shareecada islaamka, ayaa qofka la arko inuu khamri cabay, waxa lagu dhuftaa 8 boqol oo shaabuug ah, lamana garanayo tallaabada Boqortooyada Sucuudigu ka qaadi doonto diblomaasigooda jidadka London lagu arkay isagoo sikhraansan.
Dawladda Sucuudiga ayaa la sheegay inay sannadkii 2002, waxay nin ganacsade ah oo u dhashay Ingiriiska ku dhufatay 8 boqol oo shaabuug ah, kuna xukuntay 8 sanno oo xadhig iyo ganaax dhan £400 kun oo giniga Ingiriiska, kadib markii lagu helay inuu gudaha Sucuudiga ka furtay mehered lagu iibiyo waxyaabaha maandooriyaha.
Xafiiska Arrimaha Dibedda Ingiriiska, ayaa faafiyey in diblomaasiyiin u dhashay Sucuudigu ay hore dambiyo kala duwan uga sameeyeen gudaha Ingiriiska, balse aan wax tallaabo laga qaadin, kuwaasoo haystay xasaannada diblomaasino.
Waxa kaloo warbixinta Ingiriisku soo saaray ku jira in diblomaasiyiin dalal caalamka ah ka socda ay gudaha UK ka sameeyeen fal-dambiyoodyo kala duwan, kuwaasoo aan sharciga lala tiigsan, iyadoo diblomaasiyiinta dambiyada galay ay ka kala socdeen dalalka Pakistan, Siiraaliyoon (Sierra Leone), El Salvador, Kuwait, Zambia, Belarus, Cameroon iyo dalal kale oo adduunka ah.
Wasiirka Xafiiska Arrimaha Dibedda ee UK Mr. Mark Simmonds, ayaa sheegay in ilaa 21,500 (kow iyo labaatan kun iyo shan boqol) oo diblomaasiyiin xasaannad haysta ay ku nool yihiin gudaha wadanka Ingiriiska, isagoo ku baaqay in dadka diblomaasiyiinta ah u hoggaansamayaan shuruucda iyo xeerarka u yaal Boqortooyada Ingiriiska.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply