UN.ka Oo Ku Baaqay Xabad Joojin Ka Hirgasha Gaza

0
600

Gaza (Dawan)- Isra’iil ayaa dhowr iyo toban maalmood Qaza ka wadda duqeyn xaga cirka, dhulka iyo badda

Golaha ammaanka ee Qaramada midoobay ayaa ku baaqay xabad joojin deg deg ah oo laga dhaqan geliyo marinka Qaza.

Arrintan ayaa xigtay shir deg deg ah oo goluhu yeeshay oo ay albaabada u laabnayeen.
Kulanka deg deg ah ayaa la qabtay kaddib markii xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon uu ku tilmaamay duqeynta ay Israa’iil ka waddo degaanka ka tirsan Qaza “fal xadgudub ah”.
Axadii ayaa Isra’iil waxay Qaza ka gaysatay weerarkii ugu xumaa oo ay ku dhinteen in ka badan 100 falastiini ah iyo 13 ka tirsanaa Askarta Isra’iil.

 Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply