Lixdan Qof Oo Lagu Dilay Duqaymaha Israali Ka Wado Marinka Qaza

0
604

Gaza (Dawan)- In ka badan lixdan falastiiniyiin, iyo saddex iyo toban Israeliyiin askar ah ayaa ku dhintay dagaalka Qaza ka socda oo ahaa maanta kii ugu xooganaa tan iyo markii uu bilowday laba toddobaad ka hor.

Dagaalka ayaa ka socday xaafada Shejaiya oo dad badan ay degan yihiin ee bariga Qaza. Dowladda Falastiin ayaa ugu yeertay dilka xasuuq.
Israaiil ayaa sheegtay in saddex iyo toban askari ay ka dhinteen. Guryo badan ayaa ku dumay Shejaiya, kumanaan qofna waxaa lagu qasbay inay ka qaxaan guryahooda.
Xabad joojin waqti gaaban jirtay ayaa lagu ogolaaday in la gaaro dhaawaca iyo dadka dhintay. In kabadan afar boqol oo Falastiiniyiin ah ayaa ku dhintay, Israelna waxaa ka dhintay labaatan tan iyo intuu dagaalka bilowday.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply