Isra'iil Oo qiratay inay la'dahay askari Ka Mid Ah Ciidankooda

0
644

Gaza (Dawan)- Dowlada Isra’iil ayaa markii ugu horreysay qiratay inay la’dahay mid ka mid ah askarteeda maalmo kaddib markii ay Xamaas ku dhawaaqday inay qafaalatay askari Isra’iili ah.

Isra’iil waxay sheegtay in arortii Axada la weeraray baabuur kuwa dagaalka oo ay wateen ciidammada Isra’il, oo ay saarnaayeen toddoba askari.

Warbixin ka soo baxday ciidammada Isra’iil ayaa sheegtay in la helay maydka 6 askari, halka la la’yahay askarigii todobaad ee la socday.

Waa markii koobaad oo Isra’iil qiranayso maqnaashaha mid ka mid ah askarteeda, tan iyo markii ay Xamaas ku dhawaaqday inay qafaalatay askari ay magaciisu ku sheegtay Sha’ool Aaron.

Horey ayuu Wakiilka Isra’iil ee Qaramada Midoobay u beeniyay warka sheegayay in la qafaashay mid ka mid askarta Isra’iil.
Askari ay horey Xamaas u qafaalatay ayay ku baddalatay boqolaal maxaabiis oo reer Falastiin ah.
DawannewsHargeysa office

 

Leave a Reply