Ururka Xusbulah Sheekh Xasan Nasrallah Oo Wacad Ku Maray In Ay Taageero Siin Doonaan Xaq U Dirirka Reer Falastiin

0
758

Bayruud (Dawan)- Ururka islaamiga ah ee Xisbullah ee fadhigiisu yahay Lubnaan ayaa shaaca ka qaadey inay taageero nooc walba leh la garab istaagayaan xarakaatka xaq udirirka ah ee Yahuuda kula dagaalamaya magaalada Gaza oo in muddo ah ay ka socoto xasuuq iyo cidhibtir ay wadaan ciidamada cadowga ah ee Israa’iil.
Gudoomiyaha guud ee ururka Xisbullah Xasan Nasrallah ayaa xaqiijiyay inuu xidhiid la sameeyay gudoomiyaha kooxda Xamaas dhinaca siyaasada Khalid Mishcal, waxa uuna Nasrallah sheegay inay ka wada hadleen dhibaatooyinka lagu hayo shacabka dulman ee Falastiin gaar ahaana marinka Gaza.
Xasan Nasrallah ayaa intaas ku daray inuu Khalid Mishcal u sheegay in ururka Xisbullah diyaar la yahay wax walba oo muqaawamada Falastiiniyiinta u hiilinaya, isla markaana suura gelinaya in laga adkaado ciidanka cadowga Yahuuda sidii looga adkaadey dagaalkii 2006-da sida uu sheegay Xasan Nasrallah, isagoo ula jeeday dagaalkii waqooyiga Lubnaan ku dhex maray Israel iyo Xisbullah, xiligaasoo Xisbullah ay wacdaro caalamku la yaabeen dhigeen, khasaaro aad u weyna gaadhsiiyeen Yahuuda, walow si weyn loo bur buriyay qeybo badan oo Lubnaan ka tirsan, shacab aad u badana lagu xasuuqay.
Hadalka Xasan Nasrallah amiirka guud ee ururka Xisbullah ayaa noqonaya taageeradii ugu waynayd ee ilaa iyo iminka loo balan qaado Falastiiniyiinta la dagaalamaya Yahuuda duulaanka dulmiga ah kusoo qaadey marinka Gaza.
Sagal Abdirahmaan Ahmed(filibiin)
Dawannews Hargeysa office
 

Leave a Reply