Kooxo Hubaysan Oo Dilal Ka Fuliyey Suuqa Bakaaraha Ee Muqdisho

0
534

Muqdisho (Dawan)- Waxaa magaalada Muqdisho maanta gaar ahaan  Suuqa-bakaaraha  ay  Kooxo Bastoolado ku hubeysnaa ay gudaha Suuqa ku toogteen Labo Askari oo ka tirsanaa Ciidamada Nabadsugida Dowlada Federaalka Somalia.
Dilka ayaa waxaa fuliyay Laba ruux oo ku hubeysnaa Bastoolado, waxa ayna Rasaasta uga dhufteen Madaxa, iyagoona dilka kadib goobta isaga baxsaday.
Sidoo kale Kooxo Bastoolado ku hubeysnaa, ayaa waxa ay isla Suuqa Bakaaraha ku dileen Nabadoon Magaciisa loosoo gaabiyay Xujaale, waxaana dilkiisa fuliyay dhalinyaro ku hubeysnaa Bastoolado.
Dil kaasi lamid ah ayaa waxaa isla habeenimadii xalay Xaafada suuqa-xoolaha loogu geystay Askari ka tirsanaa Ciidamada Dowlada, iyadoona ay dilkiisa fuliyeen dhalinyaro gaaraya illaa 4-ruux oo goobta ka baxsaday dilka kadib, waxaana dilkaasi loo qabqabtay dad goobta ku sugnaa.
Kooxo Bastoolado ku hubeysnaa ayaa waxa ay isla habeenimadii xalay sidoo kale Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir ku dileen Sargaal ka tirsanaa Militeriga Dowlada, waxaana dilkiisa geystay dhalinyaro gaaraya illa Seddex ruux.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply