M/Ku-xigeenka Oo Shacabka Ka Tacsiyadeeyay Geerida Chief Caaqil Abokor Xasan Dhunkaal

0
93

Hargeysa, (Dawan)- Madaxweyne ku-xigeenka jamhuuriyada Somaliland, ahna ku simaha Madaxweynaha Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa tacsi u diray Garaadada, Ugaasyada, Sulaadiinta, Cuqaasha, Qoyskii, Qaraabadii, Ehelkii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland, isaga oo ka tacsiyadaynaya geerida ku timi Chief Caaqil Abokor Xasan Dhunkaal oo ku geeriyooday  dalka Yeman,sida lagu sheegay dhambaal tacsi ah oo uu soo saaray afhayeenka madaxtooyadda Md. Axmed Saleebaan Dhuxul.

Madaxweyne ku-xigeenku waxa uu  Marxuumka ku tilmaamay oday dhaqameed taariikh ma guurto ah ku leh dalka, kana soo shaqeeyey dibu dhiska dalka iyo dadkaba waqtigii uu xilka chief caaqilka ahaana lagu xasuusan doono sidii qiimaha badnayd ee uu uga dhex muuqan jiray shacbiga, isagoo u adeegaya dadkiisa iyo dalkiisaba, waxaanu Alle uga baryayaa marxuumka inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Garaadada, Ugaasyada, Sulaadiinta, Cuqaasha, Shacbiga Somaliland, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, iyo Asxaabtii uu ka baxayna Samir iyo Imaan saadiqa Alle ka siiyo.

Dawannews Hargeysa office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here