Shirkadda ALNUUR oo 429 Caruurta Xarunta Agoomaha Hargeysa Dharkii Ciida Uga Deeqay

0
516

Hargeysa  (DAWAN) – Shirkadda qalabka guryaha iyo xafiisyada ee ALNUUR Furniture ayaa dhar, kabo iyo agabka carruurtu ku ciyaaraan kaga farxisay 429 carruur ah oo ku jira xarunta agoomaha ee magaalada Hargeysa, si ay munaasibadda Ciidda Fitriga farxadda ula qaybsadaan carruurta kale ee nasiibka u helay in waalidkood nool yahay.

Maxamed Yuusuf Cilmi oo ku hadlayay magaca mulkiilaha Shirkadda ALNUUR Md. Cabdiraxmaan Maxamed Nuur,  waxa uu sheegay: “Deeqdan dharka Ciidda ah waxa uu ganacsade Cabdiraxmaan ALNUUR ku ciidsiiyey 429-ka agoomood ee ku jira xarunta agoomaha ee Hargeysa, mana aha markii ugu horreysay ee ay Shirkadda ALNUUR deeqdan oo kale u keento, laakiin sannad kasta waannu ciidsiinnaa agoomaha si ay u farxaan, waxaanu Ganacsade Cabdiraxmaan ALNUUR dammaanad-qaaday ILAAHAY ka sakow inuu sannad kasta labada Ciidood ee muslimiintu ciiddo uu ciidsiiyo agoomaha xarunta ku jira oo ay farxadda kala qaybqaataan ummadda kale”.

Maxamed Yuusuf, waxa uu xusay in deeqdani ka kooban tahay dhammaan dharkii (shaadh iyo surwaal, garan, nigis, i.w.m), kabihii (sandhal ama buudh) iyo qalabkii kale ee carruurta yaryari ku ciyaari lahayd maalmaha ciidda.

Agaasimaha xarunta agoomaha ee Hargeysa Marwo Caasha Maxamuud Qaalib oo shirkadda ALNUUR ka guddoontay deeqdan dharka ah ayaa iyaduna munaasibaddaasi ka hadashay, iyada oo mahadnaq weyn u jeedisay shirkadda ALNUUR.

“Waxaan aad iyo aad ugu duceynayaa mulkiilaha Shirkadda Md. Cabdiraxmaan-ALNUUR oo had iyo jeer xeradan agoomaha ah aad iyo aad uga war haya, muddadii aan imid ilaa imika dhammaadkii 2010-kii labada Ciidood (Ciidal Fidriga iyo Adxada) iyo inta u dhexaysa marka baahiyi jirto waxa uu ka mid yahay dadka gargaara ee wax u keena” ayay tidhi Marwo Caasha Maxamuud Qaalib.

“Ganacsade Cabdiraxmaan ALNUUR waxaan ILAAHAY uga rajaynayaa halka uu deeqdan ka soo saaray boqol laabkeed u gasho Jasaa’akallaahu Khayran ayaan leeyahay, Cabdiraxmaan-ALNUUR waxa uu xarunta agoomaha Hargeysa taray hadal kuma soo koobi karayo. Aad ayuu u mahadsan yahay” ayay Marwo Qaalib raacisay hadalkeeda iyada oo wejigeeda dareen qiiro lihi ka muuqdo.

Maaha markii ugu horreysay ee ay Shirkadda ALNUUR FURNITURE ciidsiiso agoomaha ku jira xarunta agoomaha magaalada Hargeysa, hase yeeshee sannad kasta waxay shirkaddani kafaalo qaaddaa farxadda ku-dhowaad 500 oo carruur ah oo ku jira xarunta agoomaha ee Hargeysa.

By: Idiris M. Xasan

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply