Xildhibaan Guurtida Ka Tirsan Oo Xukuumadda Ku Amaanay Mashruuca Seeraha Qool-caday

0
518

Hargeysa (Dawan) – Xildhibaan Siciid Maxamed Cismaan (libaaxo)  oo ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland ayaa xukuumadda ku amaanay mashruuca samaynta seeraha ee qool caday, xildhibaanku waxa sheegay in mashruucani wax badan ka taray xidhiidhka u dhexeeya Somaliland  iyo caalamka.

Xildhibaanka oo shalay warbaahinta u warramayay waxa uu ka hadlay ahmiyadda uu dalka u leeyahay hirgelinta mashruucani waxaanu yidhi  “Mashruuca banka qool-caday oo ay hormuud ka tahay wasaaradda xanaanada xoolaha ee Somliland waa mashruuc aad u muhiim ah, mashruucani waxa qorshuhu yahay in uu socdo muddo laba sanno. Mashruucan waxa ka faa’iidaysan  doona xoolo dhan hal milyan oo neef waxaana la beerayaa 10 kiiloo mitir oo isku wareeg ah.”

 Xildhibaanku isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Mashruucan waxa inaga caawinaya dawladaha  Ingiriiska, Norway iyo Danmark. Lacagta mashruucan ku baxaysa  waxa laga bixinayaa sanduuqa horumarinta Somliland ee dhanka dhaqaalaha.”

Xildhibaan Maxamed Siciid Libaax waxa uu ku dooday in siyaasadda hufan ee xukuumadda Somaliland uu sababay in qaadhaan-bixiyeyaashu dalka ku aaminaan  fulinta mashaariic waaweyn, waxaanu yidhi  “In Somliland waxa loogu deeqo si fiican oo habsami ah u maamulato waxa uu keenay in layna taageero oo isla markaana laynagu aamino mashaariic waawayn oo uu ka mid yahay kan seerayaasha ee qool caday, taasina waa guul balaadhan oo u soo hoyatay Somliland.”

Xildhibaanku waxa uu shacabka Somliland u soo jeediyay in ay ilaashadaan mashruuca qool-caday iyo dhammaan mashaariicda kale ee dalka ka socota kuwaas oo haddii sidooda looga faa’iidaysto wax badan ka tari doono horumarinta bulshadeenna.

By: Jamaal C/raxmaan Macalin

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply