Wadamada Reer Galbeedka Oo Joojiyay Duulimaadyadoodii Israel ka Dib Gantaal Xamaas Riday Oo ku Ag Dhacay Garoonka Tel Viv

0
690

Qaza(Dawan)-Wadamada Reer Galbeedka ayaa joojiyay Duulimaadyadii Diyaaradahoodu ku tagi jireen Caasimada Israel ee Tel VIV ka dib markii Gantaal Ururka Xamaas ku riday ku dhacay meel Garoonka ugu Wey n ee Ben Gurion u jirta Hal Kilomitir iyo Badh(1.5KM).
Hay’adda maamusha hawada Maraykan (FAA), ayaa amartay saddexda diyaaradood ee Delta, United iyo US Airways oo u kala goosha Maraykanka iyo Israa’iil inay hakiyaan duulimaadyadooda Tel Aviv muddo 24 saacadood ah.
Amarkaasi hay’adda Hawada Maraykanka waxa markiiba qaatay shirkadaha diyaaradaha Delta iyo United oo labadoodu sheegay inay mamnuuceen hawlahoodii Israa’iil ilaa mustaqalka dhaw, iyadoo diyaaradda Delta duulimaadkeedii Salaasaddii oo ka baxayey magaalada New York u weecisay magaalada Paris ee xarunta Faransiiska, halka diyaaradda US Airways sheegtay in aanay weli go’aan ka gaadhin amarka joojinta duulimaadyada.
 
Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, ayaa telefoonka kula xiriiray xoghayaha arrimaha dibada ee Mareykanka, John Kerry, waxaana uu ka codsaday in xanibaada laga qaado garoonkaasi. Israel waxay ku doodaysaa in Garoonka Diyaaraduhu yahay Amaan.
Sidoo kale, shirkadaha diyaaradaha ugu waawayn Yurub oo ay ka mid yihiin Lufthansa, Swiss, Germanwings iyo Austrian Airlines, ayaa dhammaantood ku dhawaaqay inay joojiyeen duulimaadyadoodii tagayey Israa’iil muddo laba maalmood ah, shirkadaha KLM iyo Air France ay iyagu sheegeen inay mamnuuceen duulimaadyadii Salaasaddii shalay oo keliya.
 
Dhinaca kale, shirkadda diyaaraha ugu wayn Ingiriiska ee British Airways oo bogeeda ay ku leedahay shabakadda bulshadu ku xidhiidho ee Twitter-ka kaga jawaabtay su’aalo macaamiisheedu ku waydiiyeen, ayaa sheegtay inay qiimaynayso xaaladda, isla markaana ay sidoodii yihiin duulimaadyadeedii qorshaysnaa.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply