Maayarka Iyo Badhasaabka Saraar Oo Lagu Eedeeyay Inay Suuqa Ku Faasaxeen Raashin Muwaacimo ah

0
606

Caynaba (Dawan):- Xubno ka tirsan Golaha Deegaanka ee degmadda Caynaba ayaa ku eedeeyay maamulka dawladda hoose iyo ka gobolka Saraar  in ay musuq maasuqeen raashin ay hay’adda bisha Cas ee Garoowe soo gaadhsiisay, isla markaana loogu tallo galay  dadka danyarta ah ee magaaladaasi ku nool.kaasi oo la sheegay in suuqyadda lagu iibiyay.

 Faysal Axmed Jaamac oo ah maayarkii hore ee Caynaba, ahna xildhibaan ka tirsan golaha deegaanka  Caynaba oo xalay khadka telefoonka kula soo xidhiidhay wargeyska DAWAN,  ayaa sheegay in raashinkaasi oo sanad kasta la soo gaadhsiiyo dadka danyarta ah ee ku nool caynaba in ay leexsadeen maayarka iyo badhasaabka gobolka Saraar oo ay hay’adda bisha Cas ee Garoowe  ku warejisay. Isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Raashinka waxaa keentay Bisha Cas ee Garoowe, waxa uu ku yimaaadaa degmo ahaan, waayo Caynaba waxay markii hore ka tirsanayd gobolka Sool degmo ahaan, horeba waa loo keeni jiray intii aan anigu  haystay iyo intii ka horaysaba. Waxa la keenay 1500 oo baag oo isugu jira  Saliid,  Boorash,  Bariis iyo  Digir, raashinkaasi waa la musuqmaasuqay,   waxaa loogu tallo-galay 500-oo qoys  in loo qeybiyo, cid loo qaybiyayna ma jirto, raashinkaasi waa la iibiyay, waxaa iibiyay maamulka gobolka iyo ka degmadda Caynaba, bakhaarada ayaanu yaallaa, aniga iyo xildhibaano kale ayaa ka hadalnay arrintaasi waana la naga dhegaysan waayay, maanta (shalay)  xataa culimada  magaalada ayaa masaajidadda  kaga hadlay oo yidhi raashinkaasi  Fidridda    kuma  bixi karo.”

Xildhibaan  Faysal Axmed Jaamac, oo ka hadlayay tiradda raashinka uu sheegay in la iibiyay, waxa uu yidhi  “Bariiska waxaa laga iibiyay 350 kiish, digirta waxaa la iibiyay 370 kiish, saliida waxaa la iibiyay 250, boorashka 375, waxaanu ku cadaynaynaa  in la iibiyay Bakhaaradda ayuu yaalaa oo wax  qarsoon ma aha, maayarka iyo badhasaabka ayay Bisha Cas ee Garoowe u dhiibtay oo ka masuul ahaa.”

Waxa oo uu intaasi raaciyay xildhibaan Faysal in ay ka codsanayaan xukuumadda dhexe in  dhacdadaasi ay u soo dirto baadhis, isla markaana ay iyagu xildhibaano ahaan cadaynayaan sida uu u dhacay raashinkaasi uu sheegay in la xaday oo la iibiyay.

Isaga oo arrintaasi ka  hadlayayna waxa uu yidhi  “Dawladda waxaanu ka codsanaynaa in arrintani loo soo diro baadhis, annaga  ayaana cadaynayna musuqa dhacay, annaguna haddii aanu nahay golaha deegaanka kal-fadhiga ayaanu maayarka kula hadli doonaa, maayarku markii aanu arrintaasi ka balanay Burco  ayuu qabtay, telefoonkana wuu naga xidhay.”

Dhinac kale  maayarka degmadda Caynaba Axmed Cabdi Yuusuf, oo aanu isna arrintani wax ka waydiinay  isaga oo joogay Burco, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedaymaha musuqmaasuq ee la xidhiidha raashinkaasi ee ay u soo jeediyeen xildhibaanadu, waxaanu ku dooday maayarku in raashinkaasi ay u  qaybiyeen dadkii loogu tallo-galay, isla markaan aanu  jirin wax la musuqmaasuqay. waxaanu yidhi “Horta anigu beryahanba ma joogin Caynaba oo Burco ayaan joogaa, oo gawaadhi ayaan ka shaqaynayay, anigu ma ogi wax la musuqmaasuqay, raashinku wuu na soo gaadhay, waananu qaybinay, qofka bani’aadamka ah marka wax laga  sheego imika dadkeenna inta xumaanta ah ayay  ka shaqeeyaan, culimo ka hadashayna ma jirto, cid kale  oo ka hadashayna ma jirto, xildhibaanno ka hadlayna ma  ogi, raashinku saddex gaadhi ayuu  ahaa oo wax la musuqmaasuqi  karaba  ma aha,   oo dad masaakiin ah ayaa loogu tallo galay.”

Waxa kale oo uu sheegay in raashinkaasi oo markii hore loogu tallo galay in loo qaybiyo laba magaallo oo qudha in ay balaadhiyeen, isla markaana ay u qaybiyeen dhammaanba dadka danyarta ah ee degan magaalooyinka iyo degmooyinka jidka Laamiga ah ku teedsan. “Raashinkaasi wuxuu isugu jiray Saliid,Bariis iyo Digir,  weliba laba magaalo ayaa markii hore loogu tallo-galay ee annaga ayaa kordhinay oo waxaanu siinay magaalooyinka laamiga ku teedsan oo dhan. Wax la xaday iyo wax la musuqmaasuqay midna ma jiro, laakiin ninkii wax xumaynayaa ee wixii uu doono ku hadlayaa way u banaan tahay,” ayuu yidhi maayarka Caynaba.

By: Khadar  Cabdi Muuse

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply