Hogaamiyaha Xamas Oo Sheegay In Aanay Ku Degdegeyn Xabbad Joojin

0
534

Qaza (Dawan)- Hoggaamiyaha Xamas Khalid Mishcal ayaa sheegay in aanu aqbali doonin xabbad joojin buuxda oo uu Israa’iil la galo, ilaa iyo inta marinka Gaza laga qaadayo xayiraadda muddada saaran.

Mr Mishcal ayaa intaa ku duray in Xamas aanay ku deg degayn xabbad joojin aanay dan ugu jirin.

Mr Mishcal ayaa dhanka kale sheegay in ay diyaar u yihiin hakinta dagaalka si dadka ku dhibaateysan Gaza loo gaarsiiyo gargaar bani’aadannimo.

Dhanka kale waxaa sii socda dagaalka Gaza, iyadoo ay duqeymo xooggan geysteen taangiyada iyo diyaaradaha Israa’iil.

Matoorka keliyah ee korontada siiya Gaza ayaa la duqeeyay, taasoo keentay in si kumeel gaar ah loo xiro.

Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa sheegaysa in Falastiiniyiin ka badan 700 oo qof ay ku dhinteen dagaalka labada todobaad socday, halka Israa’iilna ay kaga dhinteen 34 qof.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply