“Somaliland Cidna Gorgortan Kalama Galayso Xuduudaheeda Dhuleed iyo Baddeedba, Heshiiskaasina waxa uu Khuseeyaa Soomaaliya” Madaxweyne ku xigeenka Somaliland

0
475

Hargeysa (DAWAN)-  Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ahna Ku simaha Madaxweynaha  Md. C/raxmaan C/laahi Ismaaciil  “Saylici” ayaa sheegay in aanay Somaliland cidna gorgortan kala galayn xuduudaheeda baddeed iyo hawo oo ay dhawaan sheegatay dawladda  itaalka daran ee Soomaaliya.

C/Raxmaan C/laahi Ismaaciil “Saylici” oo shalay u waramayay TV-ga qaranka,  waxa kale oo uu sheegay in dhawaan la furi doono  xuduudaha ay Somaliland la leedahay dawladaha Jabuuti iyo Itoobiya, waxaanu uu tilmaamay in ay u xidhan yihiin arrimo farsamo xuduudaha ay Somaliland  la wadaagto dalalkaas.

“Somaliland Somalia ka mid aha wakhti ayay ka mid ahayd Somalia laga soo bilaabo  bishii May 1991-kii   ummadda Somaliland waxay go’aansatay in ay dib u la soo noqoto xornimaddii ay heshay 1960-kii  ee ay koonfur ula tagnay in ay dib ula soo noqoto markaa sheegashadda ay maanta sheeganayaan mid ay wax ka  jiraan ma’aha reer Soomaaliya hawada Somaliland,”ayuu yidhi Ku simaha Madaxweynaha Somaliland.

Madaxeyne Ku xigeenku waxa uu si adag uga hadlay heshiiska Soomaaliya ay sheegtay inay qarramadda midoobay kula gashay maamulka hawadda wixii la isku odhan jiray Soomaaliya, waxaanu yidhi  “Xuduudaha dalkayaga iyo maamulka hawadayada  cidna aanu gorgortan kala galaynaa ma jirto, , cida heshiiska  Soomaaliya kula gashay hawadda Somaliland wax naga khuseeyaa ma jirto, waxaanu uga digaynaa, in aanu ahayn heshiiskaasi mid khuseeya xuduuda Somaliland oo ah xuduudihii gumeystuhu uu Afrika u qaybiyay ee la wada yaqaanno. waxa  heshiiskaasi uu  ku koobnaanayaa  dhulkii Soomaaliya la odhan jiray gumesytihii uu Talyaanigu gumaysan jiray “Italian Somalia.”

 “C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici) waxa uu sheegay in Somaliland waxa uu sheegay in Somaliland ay dalalka dariska ah kala shaqeyso sidii loola dagaalimi lahaa kooxaha argagixisadda, waxaanu yidhi  “Waa aafo caalamiya  argagaxisadu,  dhacdo ayaa ka dhacday Jabuuti  laakiin, dalalka dariska ah haddii ay tahay Jabuuti iyo haddii ay tahay Itoobiya  dedaal badan iyo wada shaqayn badan ayaana naga dhexeeya xaga amniga ah, dhacdadii dhacday awgeed, iyo waxyaabo badan oo  la is-wadaarsan jiray darteed,  ayay ku dhacday in xuduudaha la xidho, wadan waliba  isagaa u madax banaan  oo ikhtiyaar  u leh, xuduudaha wadanka inuu xidho ama uu furto, laakiinse hadda meel fiican bay noo maraysaa.”

“Waxaa Itoobiya jooga Wasiirka arrimaha gudaha iyo hay’adihii amniga oo la socda, madaxweynuhuna waa kii sii maray illaa heer ay  dhiggiisa Ra’iisal wasaaraha  kulmeen kana wada hadleen arrimaha nabadgelyadda sidii loo sii xoojin lahaa, iyadoo aanu horeba uga wada shaqayn jirnay Itoobiya  oo aanu xidhiidh wanaagsan  leenahay Itoobiya iyo Jabuuti, waxaanu ku heshiinay in xadka la furo labada dal, arrin farsamo ayaanay dib ugu dhacday, laakiinse waxaanu rajaynaynaa in si degdeg ah dib loo furo,”ayuu yidhi Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland.

Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland waxa uu shacbiga ugu baaqay inay indhaha furaan oo ay ilaashadaan nabad-gelyadooda, waxaanu yidhi  ” iyadoo bishii Barakaysanayd ee Ramadaan aynu ku jirno, Ciidina fooda innagu soo hayso, ummada reer Somaliland waxa aan ugu baaqayaa meel ay joogaanba  in ay nabadgelyaddooda ilaashadaan, nabadda aanu ku faano waxa haya shacabka Somaliland,  intii  itaalkeeda mooyaane’, inta kale, waxa haya shacabka Somaliland oo aan aad ugu hambalyeynayno, waxaanan ugu baaqayaa in ay indhahoodu furnaadaan  inta ka hadhay bisha barakaysan ee Ramadaanta.”

By: Khadar M. Dhako

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply