Wasiirul-dawlaha Waxbarashadda Oo Dhagax dhigay Dhisme Cusub Oo Loo Binaynayo Dugsiga Quulle Aadan

0
493

HARGEYSA (DAWAN)- Wasiirul dawlaha wasaaradda waxbarashadda iyo tacliinta sare ee  Somaliland Axmed Nuur Faahiye, ayaa dhagax dhigay  dhismaha  cusub ee dugsiga Quulle Aadan Dool Oo laga binaynayo  xaafadda Masalaha  ee caasimadda Hargyesa, halka afar fasal oo cusub oo lagu kordhinayo goobta ku meel gaadhka ah ee ardayda dugsiga Quulle Aadan  wax ku sii bartaan.
Xafladii loo sameeyay dhagax dhiga dhismaha cusub ee Dugsiga Quulle Aadan, waxa kale oo ka soo qeyb galay Wasiir Ku xigeenka Arrimaha dibadda Mawliid Maxamed Ibraahim, La Taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha dhalinyaradda C/Najax Siyaad Aw Cabdi, Guddoomiyaha xafiiska  Imtixaanaadka Somaliland Daa’uud Axmed Faarax iyo inta badan Agaasimeyaasha waaxaha kala duwan ee wasaaradda waxbarashadda.
Waxa   la dhagax dhigay  afar fasal oo lagu daray dhismaha ku meel-gaadhka ah ee Ardayda dugsiga Quulle Aadan ay wax ku bartaan oo ku yaalla dugsiga Axmed Guray ee caasimadda Hargeysa.
Iskuduwaha wasaaradda waxbarashadda ee gobolka Hawd ahna Maamulaha Dugsiga sare ee Quulle Aadan, Mr. Cabdilaahi Ibraahim Xaaji Xasan oo ka hadlay xafladaasi ayaa sheegay  in uu uga mahad celinayo wasaaradda waxbarashada sida ay uga dhabaysay balan-qaadkii ay u samaysay dugsiga Quulle Aadan.
 
“Waxaan wasaaradda waxbarashada uga mahad celinayaa siday u fulisay balan-qaadkeedii ahaa  dugsiga u dhisi doonto dhisme weyn oo cusub, waxay  na siiyeen dhul saddex baloog ah oo loo binaynayo dugsiga, iyadoo sidoo kalena afar fasal loogu kordhiyay dhismaha ku meel gaadhka ah ee uu ku jiro dugsiga Quulle Aadan. Waxay wasaaraddu ficil ku muujisay inay hirgeliso balan-qaadkeedii, waana mid ka turjumaysa sida ay xil kaska u tahay xukuumadda madaxweyne Siilaanyo,”ayuu yidhi Cabdilaahi Ibraahim Xaaji Xasan.
Maamuluhu waxa uu sheegay in Dugsiga Quulle Aadan uu yahay kii u horeeyay ee tabo-rucaadkii u horeeyay ugu deeqay dhismaha jidka Ceerigaabo.
Ku simaha Wasiirka waxbarashadda ahna Wasiirul dawlaha wasaaradaasi  Axmed Nuur Faahiye ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu ka dhabeeyaan fulinta balan-qaadkii ahaa inay horumarin doonaan dugsiga Quulle Aadan Dool, waxaanu ku dooday in wixii awoodi  u saamaxdo aanay waxba ka hagran doonin dugsigaasi.
Waxa kale oo iyaguna halkaasi ka hadlay Wasiir Ku xigeenka wasaaradda  Arrimaha dibadda Mawliid Muxumed Ibraahim Iyo La Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha dhalinyaradda C/Najax Siyaad Aw Cabdi.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply