Xukuumadda Siilaanyo waxay ku Dhiirratay Arrimo ay Xukuumadihii ka horrreyey ku-dhici-waayeen!

0
89

Hoggaamiye kasta oo isu daya inuu ambaqaado dariiq hore looga maagay, in qaar bulshadiisa ka mid ahi ay ka daba tumaan durbaanka dhaleecada iyo saadaasha-dhiilo aan jirin, waa arrin la fili karo. Sidoo kale, Hoggaamiye guntiga u xidhay inuu ummaddiisa guul iyo horumar u horseedo, waxa hubaal ah inuu la kulmi doono carqalado iyo xag-xagasho kaga timaada shakhsiyaad ka mid ah bulshadiisa oo iyagu ku xajiimooda horumarka iyo wanaagga ummaddooda u soo kordha. Dhinaca kale, Hoggaamiye walba isagaa ka taga raad-raaca iyo sooyaalka taariikhdiisa ee ay dadkiisa iyo duniduba ku xasuusan doonaan. Waa hoggaamiyaha ka ka taga aragtida ama fikirka isaga u meelmara ee taariikhda u gala.
 
M/weyne Ahmed Silaanyo wuxuu doorashada madaxweynennimada dalka ku guulaysatay xilli ay lama huraan ahayd inuu dalka ka dhaco isbeddel dhab ah oo wata hannaan dawladnimo, hadaf iyo himilo siyaasadeed oo dalka iyo dadkaba ka bed-baadiya haadaantii (jarkii) ay danta-guud ka sii laalaaday. M/w. Ahmed Silaanyo iyo Xisbigiisa KULMIYE guusha ay  01-07-2010-kii ku guulaysteen talada iyo hoggaanka dalka, may ahayn guul ku kooban intii isaga (M/weynaha) u codaysay ama Xisbigiisa taageerayaasha u ahaa oo keliya. Guusha M/weyne Ahmed Silaanyo iyo Xisbigiisa KULMIYE waxay ahayd Bed-baado Qaran oo ay dadka iyo dalka JSL u baahnaayeen taasoo ummadda ka bed-baadisay kana sabato-bixisay jaahwareerkii shacbiga haystay iyo xagal-daacii ku dhacay qarannimada.
 
Sida aad ka dhadhansan karto Cinwaanka Maqaalkan, waxaan si buuxda u aaminsanahay in Xukuumadda M/weyne Ahmed Silaanyo ay ku dhiirratay arrimo iyo tallaabooyin hore loogu dhici waayey amaba arrimo loo arkayey in aanay suurtogal ahayn in laga midho dhaliyo. Waan fahmi karaa inaan dadka qaar igu raacsanayn  aragtidaydan, balse waa arrin u baahan is-qancin iyo qiraal la isku qiro wixii xaqiiqada ah. Arrimo indhaha bulshada oo dhammi ay arkayaana muran ma geli karaan. Haddaba, dadka ku doodaya inaan Xukuumaddani waxba qaban, waxaa looga baahan yahay inay si cilmiyeysan oo lexejeclo iyo dal-jacayl ku jiro ay u naqdiyaan una iftiimiyaan meelaha ay Xukuumaddan ku dhalliilayaan isla markaana ay ummadda u soo bandhigaan waxay iyagu ku dhaami lahaayeen Xukuumadda hadda jirta. Looma baahna indho-adayg iyo hadallo bulshada naxli ku dhex beeraya oo mar walba warbaahinta lala horfadhiyo.
 
 
Maqaalkaygan Qaybtiisa 1-aad waxaan ku soo bandhigayaa saddex (3) arrimood oo ay Xukuumadda M/weyne Axmed Silaanyo ku dhiirratay kuwaasoo ay Xukuumadihii ka horrreyey ku-dhici-waayeen: 1) Korodhka Miisaaniyadda 2) Siyaasad Arrimo Dibadeed oo ku dhac leh 3) Bixinta Derajada Ciidamada
 
2.         Koboca Miisaaniyadda Qaranka iyo korodhka Dhaqaalaha Dalka:
Xukuumadda M/weyne Ahmed Silaanyo markii ay talada dalka la wareegtay waxay dhaxashay deyn iyo amaah baaxad leh taasoo ay gashay xukuumaddii talada wareejisay intii u dhaxaysay Jan illaa July 2010. Xukuumaddii Daahir Riyaale waxa muddadaa 7-da bilood ah soo galay Dakhli, waxay samaysay Kharash isla markaana waxay gashay Deyn culus iyadoo Sannad Miisaaniyadeedkii uu kala badh marayo. Khasnadda dawladdu way madhnayd, Bangigana waxaa laga waayey in ka badan 7 Milyan oo Dollar. Deynta ay Xukuumaddii hore gashay waxay ka koobnayd: deyn ay muwaadiniintu ku lahaayeen xukuumadda, mushaharkii shaqaalaha oo 4 bilood ah, raashinka ciidamada oo hal bil ah, kharshkii ku baxayey socodsiinta hawlaha qaranka intii u dhaxaysay Jan—July 2010, iwm. Deynta ay Xukuumaddii hore ka tagtay waxay ahayd qiyaastii in ka badan 28 Milyan oo Dollar. Dalka itaalkaa leh ayay dhaxashay Xukuumadda hadda talada haysaa.
 
M/weyn Ahmed Silaanyo markii ay xukuumaddiisu talada dalka la wareegatay, waxa uu arkay baahida Qaran ee loo qabo in la kobciyo oo kor loo qaado Dhaqaalaha Dalaka, taasoo uu yaqiinsaday inay daruuri iyo lagama maar-maanba tahay in la dardargeliyo koboca Dhaqaalaha Dalka iyo kordhinta Dakhliga Dawlada. M/weynaha JamSomaliland waxa uu dib u qiimayn ku sameeyey guud ahaanba qaabka iyo hannaanka Siyaasadda Dhaqaalaha ee xukuumadihii isaga ka horreeyey ay dhaqmi jireen.
 
Xukuumadda M/weyne Ahmed Silaanyo waxay diyaarisay qorshe cad iyo tallaabooyin lagu bedbaadinayo Qaranka, iyadoo ay culayska saartay sidii looga gudbi lahaa marxaladda adag iyo dhaqaale xumada ay ka dhaxashay Xukuumaddii Daahir Riyaale. Xukuumaddu waxay qaaday tallaabooyin door ah oo culayska lagu saarayo kordhinta dakhliga, siiba Cashuuraha Kastamada. Ariintani waxay keentay in Kastamada Berbera, Kalabaydh iyo Seylac uu dakhligoodu kor u kacay 100%.  Dhinaca kale, waxa xoogga la saaray dakhliga Cashuuraha Berriga oo ah laf-dhabarta dhaqaalaha ee ay Dawladaha Dalalka dunidu ku shaqeeyaan, balse nasiib darro intii ay JSL jirtay aanay cidiba hoos u eegi jirin. Xukuumadda cusubi waxay kordhisay Dakhliga ka soo gala Cashuuraha Berriga, waxa kale ay Diwaan-gelisay dhammaanba guryaha magaalooyinka Hargeysa, Boorama, Burco, Gabiley, Wajaale, Ceerigaabo, Arabsiyo, iwm. Waxa kale oo ay xukuumaddu wax ka qabatay lacago badan oo aan Khasnadda Dawladda ku dhici jirin oo si qaldan loo isticmaali jiray.
 
Haddaba, waxaynu markhaati ka nahay carqaladaha ay Xukuumaddani ka soo gudubtay iyo halka maanta uu dalkeenu hiigsanayo. Jaangooyada Dhaqaale ee Xuk. M/weyne Silaanyo waxay horseeday in 4 sano kaddib ay Miisaaniyaddii Qaranku ay 4 jibbaar kor u kacdo. Waxay horseeday in Mushaharka Shaqaalaha iyo Ciidamada la kordhiyo 100%. Waxay horseeday in dhammaanba Guryaha haya’adaha Dawladda dib u dhis lagu sameeyo isla markaana ay helaan miisaaniyad ku filan oo ah ku shaqeeyaan. Jaangooyada Dhaqaale ee Xuk. M/weyne Silaanyo waxay horseeday in adeegyada bulshadu ay tayo ahaan iyo tiro ahaanba kor u kacaan, sida Waxbarashada, Caafimaadka, Beerhay, Xannaanada Xoolaha, Kalluumaysiga, iwm.
 
3.        Siyaasad Arrimo-Dibadeed oo ku dhac leh
Hadda ka hor, Bulshada caalamka in badan oo ka mid ah ayaa waxay isku qaldi jireen Jam. Somaliland iyo Soomaaliya, isla markaana u haystay in Jam.Somaliland ay weli tahay qayb ka mid ah Soomaaliya, maadaama ayna illaa hadda jirin meel la inagu kala jaray iyo heshiis ay bulshada caalamku goob joog iyo markhaatiba ka ahayd oo la inagu kala raray. Faylka Jam. Somaliland wuxuu ku dhex jiray Fayla Soomaaliya, marka ay beesha caalamku ka hadalaysoJSL waxa laga hadli jiray Soomaaliya. Xukuumadda M/weyne Ahmed Silaanyo waxay ku guulaysatay inay Faylkii JSL ay ka dhex saarto ka Soomaaliya, beesha caalamkana waxay ka dhaadhicisay kuna qanciso inaan dunidu isku qaldin  JSL iyo Soomaaliya ee ay yihiin labada dal oo gebi ahaanba kala duwanmarka dhan kastaba la eegotaariikh ahaanummad ahaan, xuduud ahaan iyo qaabka maamulka dawliga ahba.
 
M/weyne Silaanyo waxa uu go’aansaday inuu la yimaado Siyaasad cusub oo fur-furan oo ku dhac iyo ku dhiirashoba leh taasoo dalka iyo dakaba ka saartay go’doonkii iyo garbaduubnaantii ka haysatay xagga Siyaasadda Arrimaha Dibedda iyo Xidhiidhka ay JamSomaliland la lahayd Beesha Caalamka. u horseedi karta wax kasta oo magac, mansab, maamuus iyo manfacba u leh. Sidoo kale waxa uu arkay sida ay lagama-maarmaan u tahay inuu la yimaado Siyaasad ay ka go’antahay inay ka dhiidhido wax kasta oo wax u dhimaya magaca, milgaha iyo meeqaamka dalka iyo dadkaba. Hadafka iyo Himilada min-qiyaaska u ah Siyaasadda Arrimaha Dibedda Jam.Somaliland wuxuu ku salaysan yahay wada-shaqayn, iskaashi iyo wax-isdhaafsi. Siyaasad aan sugayn in keliya dunidu iyada ay fahanto oo ay iyada (Somaliland) wax la taro, balse siyaasad diyaar u ah inay iyaduna dhankeeda dunida wax ku soo kordhiso oo ay ka shaqayso xilka iyo masuuliyadda ka saaran danaha ka dhexeeya mandaqadda iyo beesha caalamkaba dhan kasta oo ay tahayba.
 
Xukuumadda M/weyne Ahmed Silaanyo waxay go’aansatay inay Gar-naqsato si ay Beesha Caalamka Garowshiiyo uga Hesho. Arrintani waxay horseeday Weji Cusub oo Diblomaasiyadeed oo ah in Jam.Somaliland ay fagaarayaasha caalamka ee lagu gorfeeyo siyaasadda Dunida ku soo bandhigto qadiyaddeeda, si dhiirran oo aan gabbasho lahayna ka sheegato garteeda iyo xaqa ay ummadda Jam. Somaliland u leeyihiin inay noqdaan qaran xor ah oo xaq u leh inuu helo aqoonsiga beesha caalamka.
 
4.        Bixinta Derajooyinka Dal-jirka iyo Difaacayaasha Qaranka!!
Madaxweyne Ahmed Silaanyo wuxuu ka rumeeyey arrin muddo 22 sannadood ah u muuqatay Riyo iyo Male-awaal aan weligeed rumoobi doonin. Wuxuu ku dhiiraday  arrin ay ku dhici waayeen oo ay ka maageen 3 Xukuumadood oo talada iyo hoggaanka dalka uga soo horreeyey. Wuxuu muujiyay hal-adayg iyo tayo hoggaamiyenimo oo uu si cad oo xaq ah u diiday fikir qaldan oo ay dadka qaar aaminsanaayeen kaasoo odhanayey: “Bixinta Derejada Ciidamada ha lagu saleeyo beelnimo, madaama ay dhici karto in beeluhu ku kala sed-bursadaan qaybaha Ciidamada. Fikirkaa qaldani waa ka muddada 22-ka sano ah ka hor taagnaa Qaybaha Ciidamada Qaranka (oo ah Daryeelayaasha Nabadgelyada Qarankaiyo Difaacayaasha cadowga) inay helaan derejadii iyo dallaacaaddii ay xaqa u lahaayeen ee ay muddada 22-ka sano ah u soo samrayeen. Madaxweynuhu markii uu si cad u diiday inuu qaadato fikirkaa qaldan,wuxuu u hiiliyay inta xaqa-ku-taagan iyo Halyeyga Dal-jirka ah ee difaaca dalka duurka ugu jira! M/weyne Axmed Silaanyo markuu ku dhiirraday inuu bixiyo derajada ciidamada, wuxuu si qoto dheer u fahansanaa muhimadda ay derejooyinku u leeyihiin qaabka shaqo, gudashada xilka iyo masuuliyadda, hawl-galka iyo awaamiirta qaybaha kala duwan ee ciidamada Qaranka. Waxa kale oo uu M/weynuhu dareensanaa saamaynta ay derajadu ku leedahay niyadda, hammiga, hiigsiga iyo rajada mustaqbal ee askariga dal-jirka ah.
 
Guntii iyo gabagabadii, Ummadda JSL way ka daaleen dibin-daabyo, darxumo iyo dhib intaba. Waxayna dedaal dheer u soo galeen inay helaan: Degenaansho, Dugsi iyo Nabad, Dhisme Dawladnimo, Distoor lagu dhaqmo iyo Dimoqraadiyad, Hoggaamiye daacad ah oo ummadda daadihiya, maamulka isku-dubarrida oo dhaqaalahana daryeela. Dedaalkaa midaysan ee horu-marinta dalka hooyo ee rag iyo dumarba loo guntaday, ma aha mid u baaqanaya ama ay hor istaagi garaan Cadawga JSL ee gudaha iyo Dibedda iyo shakhsiyaad iyagu dan gaar ah leh, oo iyagu been iyo dacaayad aan sal iyo raad toona lahayn intaa dunida ku faafinaya.
 
(La soco Qaybta 2-aad ee Maqaalka INSHA ALLAH)
 
|W/Q: Eng. Hussein Adan Igeh| Hussein Deyr| |UK|
 
ALLAA Mahad iyo Mudnaanba leh, Wa Billaahi Tawfiiq
 
Jam.Somaliland Ha Noolaato,

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here