Hargaysa (Dawan): Xildhibaan Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan), oo ka mid ah mudaneyaasha golaha Wakiiladda Somaliand ayaa ku baaqay in Ajandaha kal-fadhiga 25-aad ee golahaasi lagu soo daro xeerkii lagu anshax marin lahaa mudaneyaasha dambiga gala.
Xildhibaanka Cali Mareexaan, oo shalay warbaahinta kula hadlayay warbaahinta ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay in Ajandaha kal-fadhiga 25-aad ee golaha wakiiladda oo toddobaadkan aynu ku jirno gudihiisa furmay shir guddoonka goluhu ku soo daraan xeerkii lagu anshax marin lahaa xildhibaanadda.
waxaanu yidhi “Waxaan soo jeedinayaa in Ajandaha kal-fadhiga 25-aad ee golaha Wakiiladda lagu soo darro xeerkii lagu anshax marin lahaa xildhibaanadda golaha marka ay danbi galaan. markaa waxa loo baahan yahay in shir-guddoonka goluhu kal-fadhiga ku soo darro xeer hoosaadkii kama-danbaysta ah iyo wax ka bedelkiisii ee la isla qaatay. xeer hoosaadkaasina waa sharcigii goluhu ku dhaqmayay, waxaana loo baahan yahay in sharciga goluhu cadaaddo oo xubin kasta oo golaha ka mid ahi ay ilaaliso xeer hoosaadka golaha. ”
Xildhibaanku, waxa kale oo uu u soo jeediyay mudaneyaasha mucaaridka inay ka waan toobaan hadaladda Habaarka xambaarsan ee ay kaga dayrinayaan xaaladda uu dalku ku sugan yahay, “Waxaan leeyahay xildhibaanadaasi leh dalku wuu baaba’ay waar habaarka iyo hafarka ka daaya dalka” ayuu yidhi xildhibaan Cali Mareexaan.
By: Khadar Dhako
Dawannews Hargeysa office
Home Wararka Dalka Xildhibaan Dalbaday In Ajandaha Kalfadhiga 25-aad Ee Wakiiladda lagu Soo Daro Xeerkii...