Prof Reer Japan ah Oo Mashruuc Waxbarashada Casriga ka Bilaabaya Somaliland‏

0
411

Hargeysa (DAWAN)-Waxa dalka Somaliland booqasho ku yimid Prof. Seiichiro Yonekura [ Ph.D ] oo u dhashay dalka Japan, kana hawlgala oo wax ka dhiga meelo kala duwan sida, Machad la yidhaa (Institute of Innovation research oo ku yaal magaalada Tokyo ee dalka Japan. Sidoo kale Prof. Yonekura casharro ka bixiyaa Jaamacad ka mid ah kuwa dalka Koonfur Afrika oo lyana la yidhaa [ Gordon Institute of business Science ] oo ku taala magaalada Pretoria.
Mar uu ka warramayey Professor-ku ujeeddada booqashadiisa ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu sheegay in dalka Japan yahay dagaalkii labaad ee duniuda wixii ka dembeeyey dal nabad ah, isla markaana uu dhinaca dhaqaalaha ee adduunka kaga jiray kaalinta labaad ka hor intaanu dalka Shiinuhu soo gaadhin kaalmahan. Waxa uu intaa raaciyey Khabiirkan xagga Waxbarashada ee reer Japan, in sideedaba nabada iyo badhaadhaha dhaqaale ee la gaadho ay aasaas u tahay Waxbarashadu, sidaa darteedna u yihiin kuwa wada socda.
 
Professor Yonekura waxakale oo uu daboolka ka qaaday in dalka Japan uu dunida u furay albaabada dhinaca Waxbarashada 1868kii, sidaa awgeed waxa uu xusay inuu aad u qaddarinayo una qiimaynayo nabada ka jirta Somaliland, sidaa darteedna ay ujeeddada kowaad ee ay u yimaadeen isaga iyo ardaygiisa la socdaaba inay Waxbarashada maalgelin ku sameeyaan, isagoo xusay inuu la kulmay Agaasimaha Guud ee Tacliinta Sare ee JSL, kaasoo uu ka xogagaal wareystay qaababka waxbarasho ee dalka, gaar ahaan Dugsiyada Dawladda iyo kuwa gaarka ahba.
 
Waxa uu sheegay Professor Yonekura inuu ardaygiisa la socdaa oo haatan Waxbarashadiisa heerka Shahaadada Master-ka ku jira, waxna ku barta habka E-education-ka uu dalka Bangaladesh ka bilaabay waxbarashada E-learning, gaar ahaan qoysaska carruurtoodu awoodi waayeen Waxbarashada lacagta, isagoo u isticmaalaya waxbaristooda DVD, waxaanu intaa ku daray in Somaliland la mid tahay dalkaas oo uu ka hirgalay barnaamijkan waxbarasho, sidaa awgeed ay bisha Sep/2014 ka bilaabayaan tijaabo Arday kooban  oo ay la wadayaan C/samad Axmad Ducaale oo isku soo duway ardaydaa tijaabada oo inta sannadka ka hadhay aanay tiradoodu ka badan doonin 5 arday, balse mustaqbalka illaa heer Jaamacadeed gaadhsiin doonaan hannaankan casriga ah ee Waxbarasho.
 
Gebagebadii waxa uu Professor-ku sheegay inay booqasho ku tageen Jaamacadda Adms ee Hargeysa, waxanu xusay inay qorshaynayaan bilaabidda hannaanka Ganacsi oo marka hore qofka la siinayo lacag amaah ah oo uu ku bilaabi karo hawl Ganacsi, si loo badhi taageero dan-yarta, sidoo kalena loo yareeyo shaqo la’aanta, taasoo lagaga reysan karo in mar walba wax laga sugo deeq bixiyayaasha caalamka, laguna beddelo in la shaqeysto oo wax lala soo baxo.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply