Xildhibaan Dalbaday In Ajandaha Kalfadhiga 25-aad Ee Wakiiladda lagu Soo Daro Xeerkii Lagu Anshax Marin lahaa Mudaneyaasha Dunuubta Gala

0
425

Hargaysa (Dawan): Xildhibaan Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan),  oo ka mid ah mudaneyaasha golaha Wakiiladda Somaliand ayaa ku baaqay in Ajandaha kal-fadhiga 25-aad ee golahaasi  lagu soo daro xeerkii lagu anshax marin lahaa mudaneyaasha  dambiga gala.
Xildhibaanka Cali Mareexaan,  oo shalay warbaahinta kula hadlayay warbaahinta ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay in Ajandaha kal-fadhiga 25-aad  ee golaha wakiiladda oo toddobaadkan aynu ku jirno gudihiisa furmay shir guddoonka goluhu ku soo daraan xeerkii lagu anshax marin lahaa xildhibaanadda.
waxaanu  yidhi “Waxaan soo jeedinayaa in Ajandaha kal-fadhiga 25-aad  ee golaha Wakiiladda lagu soo darro  xeerkii lagu anshax marin lahaa xildhibaanadda golaha marka ay danbi galaan.  markaa waxa loo baahan yahay in shir-guddoonka goluhu kal-fadhiga ku soo darro xeer hoosaadkii kama-danbaysta  ah iyo wax ka  bedelkiisii ee la isla qaatay. xeer hoosaadkaasina waa sharcigii goluhu ku dhaqmayay,  waxaana loo baahan yahay in sharciga goluhu cadaaddo oo xubin kasta  oo golaha ka mid ahi  ay ilaaliso xeer hoosaadka golaha. ”
 
Xildhibaanku,  waxa kale oo uu u soo jeediyay mudaneyaasha  mucaaridka inay ka waan toobaan hadaladda Habaarka xambaarsan ee ay kaga dayrinayaan xaaladda uu dalku ku sugan yahay, “Waxaan leeyahay xildhibaanadaasi   leh dalku wuu baaba’ay waar habaarka iyo hafarka ka daaya dalka” ayuu yidhi xildhibaan Cali Mareexaan.
By: Khadar Dhako
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply