Xisbul Xaakimka KULMIYE Oo Jawaab Ka Bixiyay Baaq Sharci Darro ah oo Ka Soo Yeedhay Axsaabta Mucaaridka ah

0
429

Hargeysa(Dawan):- Xisbul-xaakimka Somaliland ee KULMIYE,ayaa jawaab adag ka bixiyay hadal shalay ka soo yeedhay mucaaridka Somaliland oo ay ku sheegeen in ay dhisi doonaan dawlad ku meel gadh ah haddii doorashadu ku qabsoomi weydo wakhtigeeda. Guddoomiyaha Golaha Dhexe  ee xisbiga KULMIYE Jaamac Ismaaciil Cigge (Jaamac Shabeel) ayaa sheegay in sharciyadda dalka aanay ku oolin in la sameeyo dawlad ku meel-gaadh ah, waxaanu tillmaamay in aanay dawlad samayn karin dad shicib ahi,sidaasna waxa uu ku sheegay waraysi uu xalay khadka Telefoonka ku siiyay wargeyska DAWAN. Mr. Jaamac Shabeel waxa kale oo uu ku dooday in xisbi ahaan iyo xukuumad ahaan-ba  ay ka go’an tahay in doorashaddu  wakhtigeedii la qabto oo aanu dib u dhac ku iman. Jaamac Shabeel oo ugu horayn ka hadlayay sida uu u arko war-saxaafadeedkii ay shalay soo wada saareen xisbiyadda UCID, WADDANI iyo kooxda Madasha wada tashiga, waxa uu yidhi “Horta dalku sharci ayuu leeyahay dawladnimaduna ma aha wax  nin suuqa iska  joogaa uu yidhaahdo anigaa dhisaya, xisbiyadda mucaaridka ahina wax  ay sharci u haystaan oo ay dhisi karaanna ma jirto, markaa waa hadal la iska yidhi oo aan loo  meel dayin warkoodu wax uu dalka siyaasadiisa  ka bedeli  karo ma ku soo kordhin karaana ma jiro, mar haddii aaanu sharci ahayn wax kasta oo lagu hadlaana waa waxba kama jiraan, mana garanayo anigu dawladda ay dhisayaan malaha Somaliland maaha  ee meel kale ayay ka hadlayaan ilayn nidaamka dawladnimo ee Somaliland shuruuc uu ku dhisan yahay ayaa jirta oo loo maray’e.” Guddoomiyaha Golaha dhexe ee KULMIYE oo la weydiiyay inay  dhankooda ay ka go’an tahay inay doorashada wakhtigeeda ku qabtaan, waxaanu yidhi  “Xisbi ahaan iyo Xukuumad ahaanba annaga wey naga go’an tahay in aanu doorashadda wakhtigeeda ku qabanno  oo aanay ku iman wax muddo dhaaf ah hawsheediina dawladdu way ku gudo jirtaa wax nagu baaqdayna ma jiraan.  Lama gaadhin wakhtigeedii  sabab looga sii hordhacana maba garanayo,annagu waxaanu wadnaa in dalka xiligeeda ay doorashadu ka qabsoonto kollay tii ALLENA maqan oo hadday taayada noqon weydo oo qadarka ALLE wax ka bedelana wuxuu sharcigu ka qabo ayuun bay noqonaysaa oo loo marayaa.”
Guddoomiye Jaamac oo aanu weydiinay haddii doorashadu wakhtigeeda ku qabsoomi weydo in ay ka xisbi ahaan wada tashi kala yeelayanaa asxaabta mucaaridka ah,waxaanu yidhi  “Horta waxa laga wada tashan karo ee la isaga yimaadaa waa marka ay dhacdo wax waddanka ku cusub isla markaana aan hore sharci uga oolin oo la yidhaahdaa arrintaas ayaa soo korodhaye maxaynu ka yeelnaa, laakiin haddii waxa ka yimaada ta doorashadu ay tahay wax hore dalka uga soo  dhacay isla markaana sharci ka yaallo oo leh sifo sharci oo loo maro waxa la marayaa oo kaliya sharcigu wuxuu qabo nin suuqa joogana sabab arrin sharci ka yaallo looga talo-geliyaa meeshaba ma taallo.”
By: Faysal Xiis Weerar (Af-gaab)
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply