Kooxda MADASHA Oo Ku Guulaystay Inay Labada Xisbi Mucaarid Ka Saxeexaan Hindise Qayrul Dastuuri ah

0
442

HARGEYSA (DAWAN)- Labadda xisbi mucaarid ee WADDANI iyo UCID oo ay weheliyeen  urur-siyaasadeedka sharci darrada ah ee la magac-baxday Madasha wada tashiga oo ay ku bahoobeen koox ku saaqiday siyaasadda dalka  ayaa ku baaqay  hindise sharci darro ah oo la xidhiidha in la dhiso dawlad ku meel-gaadh ah haddii ay doorashada madaxtooyaddu dib u dhacdo kal-dambe, arrintaasi oo ah mid qayrul sharci ah oo aan shuruucda dalka meelna kaga oolin. Waxaanay axsaabta mucaaridku saxeexeen baaqan oo ay dhawr bilood ka hor soo jeediyeen ururkan sharci darrada ahi.
Labada xisbi mucaarid oo la mataanoobay urur siyaasadeed sharci darro ah, waxay sidaasi kaga dhawaaqeen bayaan ay shalay si wada jir ah u soo saareen oo ay xukuumadda Somaliland ku eedeeyeen inaanay daacad ka ahayn in doorashadda madaxtooyaddu xiligeedii ku qabsoonto.
Waxa kale oo ay ka been sheegeen xaaladda guud ee dalka oo ay sheegeen inay marayso meel halis ah oo u baahan in laga wada tashado.
Bayaankan oo  ay soo nashqadeeyeen kooxda la magac baxday madasha isla markaana ay qalinka ku duugeen labada xisbi mucaarid ayaa waxa xisbiga UCID u saxeexay Guddoomiyaha xisbigaas Faysal Cali Waraabe, Murrashaxa madaxweynaha  Jamaal  Cali Xuseen  Iyo Guddoomiye Ku xigeenka saddexaad  Cali Maxame Yuusuf, xisbiga WADDANI waxa u saxeexay Guddoomiyaha xisbigaa C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), Ku xigeenkiisa koowaad Axmed Muumin Seed iyo Ibraahim Jaamac Cali Rayte. Halka kooxda sharci darrada ah ee madasha ay u saxeexeen Guddoomiyahooda Xasan Guurre Jaamac, Maxamed Xaashi Cilmi Iyo Ibraahim Cabdilaahi Xuseen (Dhego-weyne).
 
Waxa aanu halkan ugu soo gudbinaynaa akhristeyaashayadda sharafta leh ajande xumadda xisbiyadda mucaaridka ah ee WADDANI Iyo UCID, ka dib markii ay ku dhaceen daban siyaasadeed oo kooxda Madashu u qoolaysay muddooyinkii dambe,  iyadoo war-saxaafadeed saddexdaas dhinac ay wada jir u soo saareen aad moodayso inay yihiin jabhado dagaal kula jira dawlad.
 
 
Annaga oo ka duulayna kana midaysan argtida ah :
·         In Jiritaanka jamhuuriyadda Somaliland ay saldhig ama asaas u yihiin “nabadda, tallo-wadaag,  dimuqraaddiyad iyo hannaanka Xisbiyada badan”  sida ku qeexan qod.3aad ee distoorka. Inay nabaddu ku xidhan tahay dimuqraaddiyadda. Mar kasta oo doorasdooyinku baaqdaan ama muddo-dhaafaan ay halis gelin karto nabadgelyada.
 
·         In  sidaas oo kale, dimuqraadddiyaddu ku xidhan tahay jiritaanka shuruudaha asaasiga ah oo ay ka mid yihiin:  ku-dhaqanka sharciga(rule of law, ) xorriyatul-qawlka, tartatanka xisbiyada badan iyo doorashooyinka muddeysan ee xorta iyo xalaasha ah.
·         In Himilada ugu weyn shacbiga Somaliland leeyahay ay tahay in la helo aqoonsi caalami ah, horuumar iyo nabad waarta, jidka keliya ee loo mari karaa yahay xoojinta iyo taabbagalka dimuqraaddiyadda. Sidaa darteed, mar kasta oo ay baaqdaan ama dib u dhacaan  doorashooyinku ay keeni karto inay sii fogaato himiladdi shacbigu lahaa.
·         In doorashooyinka iyo codbixintu ay yihiin xuquuqda distooriga ah ee dadweynaha iyo muwaaddinniinta,  iyo qaabka keliya ee ay ku muujin karaan doonistooda  ama ku dooran karaan madaxdooda. Iyada oo aanay jirin cid shacbiga wakiil uga noqon karta doorashada madaxdooda, oo ku iman karta oo keliya codbiixn xor iyo xalaal ah.
·         In xilka qabashada doorashooyinku uu waajib distoori ah oo saaran xukuumadda, muddo-kordhintuna ay sharci-darro tahay, marka ay maqan yihiin duruufaha ku xusan qod.83aad.faq.5aad iyo qod. 42aad. faq.3aad, kuwaas oo ah kara sababaha keliya ee sharciga ah ee dib u dhigi kara doorashooyinka.

Sidaa darteed:

ANNAGA oo ujeeddadu tahay xoojinta nabadda, taabbagalka dimuqraaddiyadda  iyo hiigsiga  aqoonsiga caalamiga ah iyo horuumarka;
ANNAGA   oo ka digtoon kana feejig tallaabo kasta oo wax-yeeli iyo hagar-daamo u keeni karta nabadda, dimuqraaddiyadda iyo midnimada dalka;
ANNAGA oo tixgelinaynna marxaladda adag e dalku maanta ku sugan yahay iyo duruufaha ku xeeran;
ANNAGA oo ka werwer qabna inaan Xukuumaddu u hagar-baxsanayn  inay doorashooyinku ku qabsoomaan xilligoodii;
Waxannu halkan isla qaadannay qodobbadan hoos ku qoran; annaga oo ka kooban: (i) Xisbiga Mucaaridka ah ee Caddaaladda iyo Daryeelka  (UCID), (ii)Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani iyo (iii) Madasha Wadatashiga oo ka kooban muwaadiniin isu abaabulay inay talladooda iyo aragtidooda ka muujiyaan siyaasadda guud ee dalka:
 
1.         Inay dalka ka jirto, guud ahaan, nabadgelyo taam ah. Taas oo muujinaysa in aanay jirin duruufaha ku xusan qod. 83aad iyo 42aad. Sidaa darteedna ay waajib tahay inay doorshooyinka Madaxweynaha iyo Golaha Wakiilladu ku dhacaan muddadii sharcigu u cayimay oo aaddan 26ka Juun 2015ka.
2.         Inay lamaga maarmaan tahay in la qabto diiwaangelintii cod-bixiyaha muddadii loo qorsheeyey, sidii ay horeba uga wada heshiiyeen, saddexda Xisbi Qaran, Xukuumadda iyo Guddiga Doorashooyinka Qaranku:
·         Si loo xaqiijiyo inay dhacaan doorashooyin  xor iyo xalaal ah,
·         Si looga hor-tago inay soo noqdaan gol-daloolooyinka ka soo baxay doorashadii Dawladaha Hoose ee 2012kii.
3.         Inay lama huraan tahay in xulashada iyo ansixinta xubnaha Guddiga doorashooyinka qaranka la dhammays-tiro bilaha Ogost iyo septembar gudahooda, mar, haddii muddo-xileedkii Guddiqani ku eeg yahay 29ka October.
 
4.         Inay lagama-maarmaan tahay in wax laga beddelo qaabka iyo shuruudaha xulashada iyo magacaabista xubnaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka:
·         laxaqiijyo Si loo hubiyo ama loo xaqiijiyo dhaxdhexadnimada Guddiga;
·         Si loo abuuro duruufo dimuqraaddi ah oo ay u siman yihiin  saddexda Xisbi  Qaran ee doorashada ku tartamayaa.
5.         Haddiiba, ay dhacdo inay doorashooyinku  xilligoodii ku qabsoomi waayaan:
·            Inay eeddeeda yeelan  doonto xukuumaddu, iyada oo ay waajibkeeda tahay inay qabato doorashada xilligeedii.
·            Inay waajib noqon doonto in wixii ka dambeeya 26ka Juun 2015ka la dhiso xukuumad ku-meel gaadh ah, oo loo dhan yahay, waajibkeeda koowaadna  yahay inay dalka ka qabato doorshooyin.
·            In haddii, marka la gaadho 31ka Diisambar 2015ka, ay muuqato ama caddaato inaan dalka doorashooyinkii ka dhacayn xilligii loo qorsheeyey, waxa la bilaabi doonaa sidii looga hawl-geli lahaa abaabulka xukuumadda ku-meel-gaadhka ah ee kor ku xusan.ALLAA MAHAD LEH.”
 
Geesta kale, kooda la baxday madasha ayaa duufsatay labada xisbi mucaarid si ay ula darjiidhaan sharci darrada ay iyagu laasimeen, waxaanay labada xisbi mucaarid ku fashilmeen inay kooxdan sharciga qardajeexaysa ku qanciyaan inay ku soo biiraan WADDANI iyo UCID, hase yeeshee waxa muuqata inay imika xisbiyada laftoodii la marinkii laga duway oo ay ka hor imanayaan sharciyadda iyo xeerarka dalka u yaalla ee ay xisbiyadda qaranka ku yihiin.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply