“Rabshaddii Laascaanood Waxa Ka Dambeeyay Shaqsiyaad Aanu Raadinayno …”

0
447

Laascaanood (Dawan): -Maayarka degmada Laascaanood Cabdiqaadir  Jaamac Saalax,ayaa ka hadlay muddaharaad dorraad ka dhacay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool oo uu sheegay inay soo abaabuleen dad kooban oo dano gaar ah leh oo doonayay inay mijo xaabiyaan ammaanka gobolka.
Guddoomiyaha Golaha deegaanka  Laascaanood ahna duqa Magaaladaas  ayaa  sheegay in muddaharaadka ka dhacay Khamiistii magaalada Laascaanood in aanu ahayn sida loo sheegay mid lagu taageerayay Cali Khaliif,halka uu Maayerku ku sheegay in  uu ahaa mid ay soo abaabuleen shaqsiyaad dano gaar ah  leh oo doonayay in ay ammaanka magaalada Khal-khal galiyaan kuwaasoo uu sheegay in ay ahaayeen shaqsiyaad u dhashay deegaanka laakiin muddo ka maqnaa oo dibada kaga yimi.
Waxaanu sidaa ku sheegay Maayerka degmada Laascaanood waraysi gaar ah oo uu khadka tilifoonka ku siiyay Wargeyska DAWAN. isagoo ku sugan magaalada Laascaanood.
Ugu horrayn Maayarka Laascaanood oo la weydiiyay Muddaharaadka ka dhacay Laascaanood waxa sababay iyo khasaaraha uu geystay waxa uu yidhi  “Horta muddaharaadka ka dhacay magaalada Laascaanood muu ahayn mid  ka yimi bulshada reer Laascaanood ama fikir ay leeyihiin oo ay wax ku diidan yihiin laakiin waxaa uu ahaa mid ay soo abaabuleen shaqsiyaad dano gaar ah  leh oo ka xun nabadda iyo horumarka ay maanta marayso degmada Laascaanood iyo waxqabadka ka hirgalay kuwaas oo soo abaabulay dumar iyo caruur ay si khaldan wax ugu sheegeen,laakiin markiiba waanu ka hawl galnay oo ciidanka Booliska ee degmda Laascaanood ayaa dumarkii iyo carruurtii si nabad  ah u kala dareeriyay,annaguna maamul ahaan waanu u tagnay dadkii muddaharaadayay isla markaana waan la hadalnay markaan u sheegnay in la khalday oo dhibaato loo muddaaraada aanay jirinna way na aqbaleen oo xaaladu caadigeedii ayay ku soo noqotay.”
 
 
Maayarka Laascaanood oo ka jawaabay cida uu ula jeedo dad dano-gaar ah leh, waxa uu yidhi “Horta dadka rabshaddan soo abaabulay waa dad deegaanka u dhashay oo laakiin muddooyinkan dambe ku noolayn kana maqnaa isla markaana imika u yimi in ay nabadda waxyeeleeyaan  shaqsiyaadkaas oo ka xun wada jirka bulshadda reer Laas-caanood ee u dhaqaaqay wax wada qabsiga iyo wada jirka, imikana baadhistoodii ayaa ciidanka booliska u socota oo ka hor dhici maayo waana la soo qabaayaa oo hawl-galkii lagu baadi doonayay wuu socdaa.”
Maayarka oo aanu weydiinay waxa ka jira wararka sheegaya in muddaharaadka dorraad ka dhacay Laascaanood lagu taageerayay hor jooge Cali Khaliif oo kooxda nabad diidka ah ee la baxday Khaatumo u doorteen horjoogahooda cusub, waxaanu yidhi  “Arrintaa waxba kama jiraan Laascaanood-na cidi kama taageersana ninkaa cidla wareegga ah waxaanay dadka reer Laascaanood maanta u taagan yihiin dhanka horumarka iyo wax wada qabsiga waxaanay muddoba degmada Laascaanood ku jirtay  nabad iyo xaaladda ammaanka oo marba marka ka dambaysa sii wanaagsanaanaysa,markaa nin cidla jooga iyo koox yar oo nabad diid ahi toona dadweynaha reer Laascaanood uma joojinayaan waxay ku kalsoon yihiin dawladdooda iyo dalkooda Somaliland.”
Maayar C/Qaadir Jaamac Saalax oo ka jawaabay su’aal  nuxurkeedu ahaa  in Kooxda Khaatumo ay saamayn taban ku yeelan karaan ammaanka iyo xasiloonidda Laascaanood, waxaanu yidhi
“Wax saamayn ah deegaankan kuma yeelanayaan oo dadka iyo degmada Laascaanood kaligood lama abuurin ee waa deegaan iyo dad ka tirsan dawlad iyo qaranka  madaxbannaan ee Somaliland,  ninka iska tegayna Xaabsade  waa wax isaga ku  kooban oo isaga gaar ku ah.”
By: Faysal Xiis Weerar(Afgaab)
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply