Madasha Wada-Tashiga? MISE waa Madasha Kala-Tashiga!!(Qayb. II-aad)

0
583

Haddaan Diini Qabanayn, Sharci kaa Dabbaalayn, Dabar kaa xajaa jirin, Dadku waa belaayee!” [Cabdi Adan Xaad, Cabdi-Qays]
Waqtigan xaadirka ah, waxa si cad u muuqda in qaybo badan oo ka mid ah bulshada JSL uu Qabiilka iyo Maan-dooriyaha Qabyaaladdu ay u noqdeen Halbeegga iyo Min-qiyaaska jiheeya qaabka fikirka bulshada. Arrimahan waxa horseed ka ah xagga dambana ka riixaya kuwii la is lahaa dalkan abaal iyo taariikhba wey ku leeyihiin, kuwii la is lahaa juhdi iyo naf-hurid bay u soo galeen oo cidina iyaga dalka iyo dadkaba ugama lexejeclo badna.  
 
Nasiib darrada waqtigan xaadirka ah muuqata waxay tahayHaldoorkii iyo Marjacii garaadka bulshada, Indheer-garadkii Maan-hag iyo indhaba ummadooda u noqon lahaa, ayaa halkii ay ka fikiri lahaayeen danta guud eebulshada nolol-wadaagta ah iyo danta iyo maslaxadaha Qaranka, waxay mudnaanta iyo muhimadda koowaadba siinayaan sidii uu qof ama qabiil wax u noqon lahaa. Arrintani waxay halis iyo hagar-daamoba ku tahay hadafka horumarka bulshadaiyo dareenka wadajirka ee ummadnimo. Waa arrin horseedi karta in Hanka, Hiigsiga iyo Himilada bulshadeenuba ay hoos u dhacaan. Waa xaalad keeni karta inuu lumo dareen-wadareedka waddaninimo, waa xaalad u hiilin karta oo kobcin karta Qabyaaladda, Hunguriga iyo Dareenka dan-shaqsi ka fikirka. Waa arrin si weyn u wiiqi karta Midnimada iyo Wadajirka Bulshada oo ah sida keliya ee lagu xaqiijin karo, laguna difaaco karo jiritaanka iyo xaqa ay ummadi u leedahay inay noqdaan Qaran jira oo madax-bannaan oo ka mid ah lagana tix-geliyo bulshada caalamka.
 

  1.   Indheer-Garad Indhow-Wax-ka-arka!!

Madasha Wada-Tashigu  waa Gole ay ku bahoobeen Niman Odayaal ah oo hadda ka hor la is lahaa waa haldoorka Mujaahidiinta aan iyaga cidina dalka iyo dadkaba uga lexejeclo badnayn. Nimankan odayaasha ah ee Madashu, waxay si walba uga maageen inay ku biiraan oo ay ka mid noqdaan Golayaasha Siyaasadda ee Distoorka Qaranku jideeyey (3-da Xisbi Qaran); taasoo awood iyo xuquud sharciba u siin lahayd inay Xukuumadda iyo Goleyaasha kale ee Qarankaba si dhab ah u daba-galaan ulana xisaabtamaan. Waxay ka doorbideen inay samaystaan Madal Qayrul Sharci ahoo salka ku haysa sidii ay nimankaa odayaasha ahi u heli lahaayeen Awood, Magac iyo Mansab aan Sharci iyo Shacbi midna iyaga u igmanin!!
 
Nasiib darro Golahan sita magacan Quruxda badan leh, waa madal kulmisay Rag bulshadu u haysatay Indheer-Garad, balse iyagu haatan Indhow-wax ka arka. Waa Madal hadh iyo habeenba ku mashquulsan abaabul iyo kicin bulsho oo wata ujeedooyin lidi ku ah wada-noolaanshaha bulshada. Waxa wax laga xumaado ah in rag dalkan ku leh abaal iyo taariikh mugweyni ay iyagii haatan duullaan ku yihiin oo ay dib u masaxayaan juhdigii, nafhuruddii iyo taariikhdii ay lahaayeenba. Hab-dhaqanka noocan ah wuxuu tusaale fool-xun u yahay jiilka iyo da’yarta iyagu ku indha-barraqsatay xornimada iyo madax-bannaanida ay Odayaasha Madasha laftoodu horseedka ka ahaayeen.
 
ALLAH (sxwt) ayaa Awoodda, Magaca iyo Mansabkaba bixiya. Distoorka iyo Shuruucda dalka ka jira iyo weliba Codka Shacbiga ayaa iyaguna muwaadinka magac, mansab iyo awood sharciba huwin kara ama u igman kara. ALLAA inna lehe bulshadu way kala han-weynayd in Odayaasha Mujaahidiinta ahi ay sifo-qaldan ku raadiyaan Awood, Magac iyo Mansab aan Sharci iyo Shacbi midna iyaga u igmanin!! ALLAA inna lehe bulshadu way kala han-weynayd in Odayaasha Mujaahidiinta ah ay ku sifoobaan Niman Siyaasadda ku Saaqiday oo ku Guuldarraystay macnaha iyo martabaha ay Siyaasaddu leedahay. ALLAA ina lehe bulshadu way kala han-weynayd in Odayaasha Mujaahidiinta ahi ay u-xuub-siibtaan indheer-garad indhow-wax-ka-arka. ALLAA ina lehe Mujaahidiintu may ahayn raggii uu haatan garaadkooda iyo hankooda siyaasadeed uu dib u soo siqiiri-lahaa ama kuwii miciinba ka dayi lahaa Maan-dooriyahaQabyaaladda iyo Annagoo Reer-Habar-Heblaayo ah.
 
Magaca Madasha Wada-Tashiga iyo Toosintu ma aha magac si dhab ah uga tarjumaya macnaha ereyada quruxda badan leh ee uu xambaarsan yahay. Xaqiiqada iyo ujeedada dhabta ah ee ka dambaysa asaaska Madasha Wada-Tashiga iyo Toosinta waa mid ay ku hoos jiraan Qorshe iyo Qandaraas ku wajahan jaah-wareerinta iyo iska horkeenka UmmaddaJSL ee samaha iyo wanaaggaba ku sifoobay. Waa magac u taagan Gole Qayrul Distoori ah, oo ay isugu habar-wacdeen kuwii la is lahaa dalkan abaal iyo taariikhba wey ku leeyihiin oo juhdi iyo naf-huridba way u soo galeen oocidina dalka iyo dadkaba ugama lexejeclo badna, balse haatan iyagu duullaan iyo khatarba ku ah wadajirka, nabadda iyo wada-noolaanshaha Shicibka xalaasha ah ee JSL.
 
Ujeedada dhabta ah ee ka dambaysa jiritaanka Madasha Wada-Tashiga iyo Toosintu taasoo haatan u xuub-siibatay(Madasha Kala-Tashiga iyo Tafa-raaruqa Bulshada) iyo ajendaha ay leeyihiin Nimankan Odayaasha ah waxa lagu soo koobi karaa arrimahan soo socda:
 
1)    Raadin Awood Qayrul Sharci ah oo Distoorka Qaranka aad u baal marsan.
2)    Raadin Magac, Milge iyo Mansab Siyaasadeed oo aan sharcigu u jideynin shacbiguna aanay u igman.
3)    Raadin Dhaqaale iyo Dheef si qaldan loo raadinayo.
4)    Aargoosi siyaasadeed oo ku salaysan nacyb Qof ama Qabiil  oo aad u qoto dheer.
5)    Bulshada nolol-wadaagta ah oo laga dhaadhicinayo sawir qaldan oo odhanaya: “Reer baa Awooddii dawliga ahayd iyo tii distooriga ahaydba haysta, dalkuna bedbaaduu u baahan yahay.”
6)    Abaabul Aafo-Qaran oo salka ku haysa iska horkeenka Xukuumadda iyo Shacbiga, si uu u dhaco kacdoon bulsho oo dhiig iyo dhagarba wata, dabadeedna Xukuumaddaba sidaa lagaga takhaluso!! 
 

  1.  Gabagabo:

 
Madasha Wada-Tashiga iyo Toosinta, wuxuu haatan isu rogay: Madasha Kala-Tashiga iyo Tafa-raaruqa Bulshada JSL. Ma aha Gole ay ujadadiisu tahay Taban-taabo iyo Toosin Maamul balse waa Gole u xuub-siibtay xumaan oo xusul-duub ugu jira inay aloosaan AAFO-QARAN iyo arrimo lidi ku ah Nasteexada Ummadda, danta Bulshada iyo Maslaxadda Qarankaba. Ma aha Gole ay ka muuqato  Lexejeclo iyo Tudhaale Bulsho waxana ku hoos jira dano gaar ah iyo ajenda ay leeyihiin shakhsiyaad iyo kooxo iyagu isu baahaystay carqaladaynta Horumarka Ummadda, xag-xagashada iyo xajiimaynta Xukuumadda M/weyne Axmed Silaanyo.
 
Nimanka Odayaasha ah ee isu baahaystay Madasha Wada-Tashiga iyo Toosintu ha ogaadaan in Shacbiga JSL uu garaadkoodu ka koray in maalin walba koox dano gaar ah lihi ay shaadhka Qabiilka iyo ka Siyaasadda isu bed-bedelaan, Bulshadana ka dhex abuuraan jaah-wareer iyo waxyaabo aanay Shacbiga wax dan ahi ugu jirin. Bulshada JSL waxay guddoonsadeen inay nabad iyo degenaansho ku wada noolaadaan, horumarka dalkoodana ka wada shaqeeyaan. Nasiib wanaag, Shacbiga JSL maanta maaha mid garaadkooda la qaldi karo amaba caaddifad lagu kala dhex abuuri karo. Waxay ogyihiin marxaladaha iyo duruufaha qadhaadh ee ay u soo mareen si ay u xaqiijiyaan jiritaanka Qaranka JSL kaasoo ay maanta guushiisii, gobannimadiisii, dawladnimadiisii iyo dheeftiisiiba hadhsanayaan.
 
Guntii iyo gaba-gabadii, Nimanka Odayaasha ah ee Madasha Kala-Tashiga iyo Tafa-raaruqa Bulshada waxaan odhan lahaa: “Kollay si walba ISU-MAAX-DUMISE oo ISU-BIYO-DHIIJISEE, balse Cimrigiina tagay Ceeb ha ku sagootiyina. If iyo aakhiraba waxaad wanaag iyo ajarba ka helaysaan markaad ka shaqaysaan wanaagga, horumarka iyo wada-noolaanshaha Ummadda. Bulshadiinna aad naftiinna u soo hurteenna, magac, dheef iyo dha-dhamo aad si qaldan u raadinaysaan ha u burburinina. Ummaddiina u tudha, oo ka daaya tafaraaruqa iyo hadalla turxaanta leh ee aad hadh iyo habeenba warbaahinta la hor fadhidaan!!
 
Jam. Somaliland HA NOOLAATO
 
Allaa Mahad iyo Mudnaanba leh,
 
W/Q: Eng. Hussein Adan Igeh (Hussein Deyr) |Birmingham, United Kingdom|
 
 
 

Leave a Reply