Dad gaajo ugu dhintay magaalada Buulo-Barde

0
598

Buula-burde (Dawan)- Sida ay xaqiijiyeen dad jooga magaalada Buula-barde ee gobolka Hiiraan,maalmihii la soo dhaafay waxaa magaalada Gaajo iyo cuduro ugu dhintay ilaa 12 qof oo dumar iyo carur iyo waayeel isugu jira.
Degmada iyo hareereheeda oo abaaro ay ka jiraan,waxaa ugu biiray magaalada oo go’doon ku jirta 5tii bilood ee la soo dhaafay markii ciidamada dawladda iyo kuwa midowga Africa ay gacan ku haynta magaalada kala wareegeen xoogaga shabaab.xaaladdaasi waxay sababtay in dhowrkii bilood ee tagay dad gaaraya 50 qof ay magaalada ugu dhinteen gaajo iyo cuduro ay jadeecadu ka mid tahay.
Sida dadka degaanku ay sheegayaan shabaabku waxay magaalada ka xireen wixii gaadiid ah ee keeni jiray waxyaabaha daruuriga ah sida cunnada.
Qaramada midoobay ayaa dhawaan aad uga dayrisay xaaladda abaarta ee somalia oo caalamka u dirtay baaq deg deg ah si aanay u dhicin dhibaatadii 2011 markii macaluushu ka dhacday somalia.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply