Israa’iil Oo Dishay Saraakiil Xamas Ah

0
524

Gaza (Dawan)- Ururka Xamas ayaa qiray in saddex ka mid ah saraakiishooda ay ku dhinteen duqeyn ay Israa’iil u geystaya guri ku yaalla Qaza.
Saraakiisha oo magacyadooda lagu sheegay Maxamed Abu Shamala, Maxamed Barhoum iyo Racid al-Catar ayaa ka mid ahaa lix qof oo ku dhintay duqeyn loo geystay guri ku yaalla magaalada Rafax ee marinka Qaza.
Colaada Qaza ayaa dib u bilaabatay kaddib markii ay dhinacyada Falastiiniyiinta iyo Israa’iil ay ku guul dareysteen wadahadal nabadeed oo uga socday magaalada Qaahira ee dalka Masar.
Israa’iil ayaa wacad ku martay in ay wadi doonto duqeymaha ilaa iyo inta ay ka xaqiijineyso ammaankeeda.
Colaada Qaza ayaa ilaa hadda waxaa ku dhintay 2,036 qof oo Falastiiniyiin ah, kuwaas oo u badan dad rayid ah, iyada oo ay Israa’iilna kaga dhinteen 64 askari iyo 3 rayid ah.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply