Wasiirka Kalluumaysiga Oo Ka Digay Natiijadda Ka Soo Bixi Karta Shir Koox Qurbo-joog ahi Ku Qabanayaan Xiin-galool

0
537

Dhahar(Dawan):- Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Somaliland Cali Faarax (Buureed),ayaa ka war-bixiyay shir deegaanka Xiin-galool uga furmaya beeshiisa oo uu sheegay in uu yahay shir ay wataan dad qurba joog ah isla markaana aan ku iman tallo reer  isku af-garatay. Waxaanu sheegay  in laga fili karo in ay ka soo baxaan wax lid ku ah Qarannimada Somaliland.
 
Waxaa kale oo uu  tilmaamay in shirkaasi ay suura gal noqon karto in ay ka soo go’aado lidi ku ah qadiyadda qaranimadda Somaliland. Waxa kale oo uu  ka hadlay Cali Khaliif Galaydh oo uu ku masaalay nin cidla jooga.
 
Wasiir Cali Jaamac Buureed waxa sidaa ku sheegay waraysi gaar ah oo uu khadka Telefoonka  ku siiyay wargeyska  DAWAN xalay isagoo ku sugan magaalada Dhahar ee gobolka Badhan.
 
Ugu horrayn Wasiirka Kalluumaysiga oo aanu weydiinay  waxa uu kala socdo shirka beeshiisa uga furmaya magaalada Xiin-galool iyo ajandaha shirkaa lagaga wada hadlayo,waxaanu yidhi  “Horta shirkaa beryahan-ba waa la wad waday waxaana arrimihiisa wata oo uu gaar ku yahay koox qurba joog ah, magaalada lagu qabanayaana waan tagay dhawaan laakiin wax shirkaa ku saabsan oo wax nalagala  socod siiyay ma jirto siyaasiyiin ahaan,xukuumad ahaan iyo haddii ay noqoto Madaxdhaqameed-ba,  beeshuba markaa waxba kala socoto ujeedadiisa,mar haddii aanu ku iman wada tashi beeleed cid wax iska weydiisayna aanay jirin waa shir ku kooban koox qurba joog ah oo iyagu gaar  wax u wata.”
 
Wasiirka Kalluumaysiga oo ka jawaabayay su’aal ahayd haddii ay beeshuba wax kala socon shirkaasi in kooxda qurbo-jooga ah ee abaabulayaa ay suurto gal tahay inay wataan ajande halis ah, waxaanu yidhi  “Wax kastaaba way dhici karaan sababta oo ah ma ogin fikirka shirka keenay iyo waxa  lagaga wada hadlaayo,mana garan karno ujeedada ka dambaysa in shirkaa la qabto wax beeshu ka wada tashatayna maaha markaa way dhici kartaa in ay ka soo baxaan wax aan Somaliland dan u ahayn iyo mawqif dibada lagala yimi oo ka soo horjeeda Somaliland,waanay dhici kartaa in waxa ka soo baxaa ay noqdaan wax Somaliland dan u ah,laakiin ma garan karo imika kollayna waxay ila tahay haddii dan Somaliland ku jirto shirkaa siyaasiyiinta Beesha ee Xukuumadda ka tirsan iyo guud ahaan Xukuumaddaba talladiisa wax baa laga siin lahaa.”
Wasiir Cali oo ka jawaabayay sababta ay tallaabo uga qaadi waayeen haddii aan lagu kalsoonayn waxa ka soo baxaya shirkaa waxa uu yidhi “Arrintaasi tallo qaran ayay u baahan tahay mid aniga kaliday ii taallana ma aha wixii war bixin ahaa ee  aan hayayna Xukuumadda  oo uu ugu horreeyo Madaxweynuhuna waan soo gaadhsiiyay,waana  la iska arki doonaa kollay oo dawladda wax baa uga meel yaalla.”
Wasiirka oo aanu weydiinay sababta uu ugu sugan yahay deegaanka gobolka Badhan illaa dhamaadkii bishii Ramadaan,ayaa ku jawaabay.“Hawlo qaran ayaan u joogaa intaan deegaanka ku sugnaana meelo  badan ayaan soo maray wax yaabo badanina wey nooga qabsoomeen qaarna imika ayaynu  ku gudo jiraa,waxaaanu kulammo badan wada yeelanay wax garadka deegaanka,waxaan isku xidh wanaagsan u samaynay laamaha dawladda ee deegaanadda gobolka Badhan ka hawl gala,waxyaabo kale oo hawlo Qaran ah oo imika aanu dhaqaajintooda wadnaana  wey jiraan kollay markay ii soo dhammaadaan-na waan imanayaa.”
Ugu dambayn Wasiirka oo ka jawaabayay suaal aan ka weydiinay hanjabaad ka soo yeedhay Puntland iyo doorashada Cali Khaliif waxay saamayn ku yeelan karto deegaanka,ayaa yidhi “Horta Puntland waligoodba way odhan jireen xoog baan wax ku qabsanaynaa iyo deegaan baan soo ceshanaynaa laakiin hadal Garoowe laga yidhi Somaliland horena wax uma yeelin imikana waxba ka dhimi maayo dalkuna deegaan qabiil maaha ee waa Qaran,dhanka kale Cali Khaliif isagaaba cidla jooga oo ku sugan tuullo yar oo xadka aynu Itoobiya wadaagnaa maro cid uu wax yeeli karaana ma jirto dadka deegaankuna wey ogyihiin in maalinta uu dan leeyahay oo kaliya uu u yimaadaa,oo isagoo Raysal-wasaare ah ayay dadkiisu harraad u il-darnaayeen oo aanu waxba u tarin markaa waxaa tusaale ugu filan isagana halka uu joogo iyo 20 qof ee doortay.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply