Guddida Ilaalinta Hantida Qaranka Ee Wakiiladda Oo Baadhaya Hay’adaha Dawladda

0
527

Hargeysa (Dawan)- Guddoomiyaha guddi hoosaadka ilaalinta hantida qaranka ee Golaha Wakiiladda Md. Maxamed Cali Xirsi  ayaa sheegay inay xog-waraysi  la yeelan doonaan masuuliyiinta laamaha dawladda Somaliland si ay u sameeyaan xog ururin la xidhiidha hantida qaranka. Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi waxa uu sidaasi ka sheegay kulan ay Gudidiisu  shalay  la yeesheen  Wasiirka Daakhiliga Cali Maxamed Waran-cadde.  “Gudida ilaalinta hantida qaranku waxa ay warbixintooda soo saari doonaan marka  ay dhameeyaan wareysiyada madaxda masuulka ka ah hay’adaha ku shaqeeya miisaaniyada qaranka Somaliland,”ayuu yidhi Guddoomiye Maxamed Cali Xirsi , waxaanu ka hadlay kulankii ay la yeesheen Wasiirka Arrimaha  Gudaha, waxaanu yidhi “Gudida ilaalinta hantida qaranka Somaliland iyo Wasiirka arrimaha Gudaha waxaa uu gudida xog-wareysi ka  siiyay hawlaha ay Wasaaradiisu qaranka u hayso guddi ahaan waxaanu Wasiirka  kula balanay in aanu ka wada shaqayno wixii qarankan Somaliland u dan ah, waxaanu Wasiirku gudida siiyay xog-waran balaadhan.”
By: Idiris M.Xasan
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply