Wasaaradda Caafimaadka Oo Bilawday Qorshe Laga Hortegayo Xanuunka Ebola

0
774

Hargaysa (Dawan):- Wasaaradda caafimaadka ee Somaliland ayaa  shaaca ka qaaday in ay bilawday qorshe lagaga hor tegayo xanuunka loo yaqaano Ebola, oo wadamo badan oo ku yaalla galbeedka qaaradda Afrika ay dad badan ugu dhinteen.
Sidaasna waxa sheegay  Agaasimaha guud ee wasaaradda Caafimaadka Dr. Cismaan Xuseen Warsame, oo shalay waraysi gaar ah siiyay wargeyska DAWAN, waxaanu tilmaamay inkasta oo aan weli Somaliland lagu arag dad uu ku dhacay ama qaba xanuunka Ebola in hadana ay wadaan talaabooyin lagaga taxadarayo xanuunkaasi.  Waxaanu yidhi “Waxaanu  si joogto ah u baadhna daawooyinka xagga xanuunka Ebola, waxaa nooga qorsheysan oo aanu shirar badan la galnay hay’ado badan iyo hay’ada caafimaadka aduunka ee WHO, waxaananu  soo saarnay qorshe aanu wax kaga qabanayno, oo aanu kaga hortageyno xanuunkana weli inamuu soo gaadhin ee waa in taxadar laga gala. ugu horeyna waa in aanu sameynaa qaybihii dadka lagu baadhi lahaa, waxaanu isla garanay in aanu goobo calaamadino si agabkii iyo taandhooyinkii iyo wixii loo baahnaa aanu u dirsano oo aanu u keeno iyo qalabkii kale. Hadduu yahay qalabkan  oo loo isticmaalo iyo dharka la qashanayo. waxa kale oo aanu sameynaynaa tababaro waxaana hore u  jiray 62 goobood  oo aanu ugu talogalnay ama ay yihiin qaybaha laga soo galo Somaliland, 62 goobood o ku kala yaala Somaliland dacaladeeda oo dhan oo markii horena aanu ugu talogalay inay yihiin  HIV control meelaha laga kaantaroolayo xanuunka HIV/AIDS-ka. Shaqaalaha  goobahaas joogana aanu siin doono tababar kuwaas oo  la siin doono wixii qalabayn  u baahan yihiin marka taxadar aad u weyn  ayaanu ka galnay madaarka magaalada Hargeysa-na waxaanu ka sameynay goobo caafimaad oo aanu markii hore ugu talogalay in lagu baadho dadka xujaajta ah iyo dadka kale ee dhoofayaba, kuna siino medical cards-kii iyo talaalkii.”
 
Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadku waxa uu sheegay in ay dhawaan bilaabayaan qorshe aad u balaadhan oo ay doonayaan in ay bulshadda kaga wacyigeliyaan sidii ay uga dig-toonaan lahaayeen siyaabaha uu ku faafo iyo sida look ala qaado ama calaamadaha lagu garto cudurka Ebola.
Waxaanu tilmaamay ay doonayaan in barnaamijyo wacyigelineed oo aad u balaadhan in ay warbaahinta uga gudbiyaan bulshadda iyo sidoo kale in ay meelaha soohdimaha dalka laga soo gallo sida madaaradda iyo meelaha kaleba in ay ka samaynayaan dhakahatiir  dadka dalka soo gelaya si loo baadho.
“Waxaanu qorshahayaga wacyigelineed yahay in aanu meeshaas ka siino oo maqal iyo muuqaalba umada ugu gudbino anagoo u adeegsanayna warbaahinta Radio Hargeysa, TV Qaranka iyo Dawan-ba. Dadkana waxaanu leenahay sidaas  ha qaadina oo ha iska shakiyina uun ee  is hubsada. Sidoo kale kan wax daaweynaya iyo ka la daweynayaaba ay  og yihiin sida loo kala qaado iyo siduu yahay intaba wacyiglinta aanu ugu talogalay waxa ay tahay in aanu qoraallo  faro badan u sameyno, waxaananu ku rajo weynahay in qalabka aanu ugu talogalay in dadka lagu baadhana uu noo uyimaado Axada kana soo dego madaarka, Hargeysa una qaybino goobihii loogu talogalay tababaraduna aanu bilowno. Shirkan aanu sameynayna hay’ada caafimaadka adduunka ee WHO qaybtay ka tahay iyagoo talo iyo tusaaleba soo gudbiya kuna soo dira websitekooda. Waxaanay sameeyaan hab iyo hanaan looga hortagayo xanuunkan waaney nala shaqeeyeen waxaana uu rajaynaynaa inay sida ugu dhakhsiyaha badan wax noogala qabtaan noona furan tababarada.Dadka jooga baraha kaantarool ee wadanka iyagana waxaanu u sheegaynaa in  la siin doono tababar ku aadan xanuunkan iyo sidii looga hortagi lahaa kuna tababari doono calaamaddaha cudurkani leeyahay iyo sida uu cudurkani dadka u saameeyo waxaana uu dhawaan isugu yeedhayna shaqaalaha ka shaqeeya 62 goobood si tababar loo siiyo dadka baxaya ee airportkana, waxaanu leenahay digtoorada oo taxadira oo yaan sas la qaadin” Ayuu yidhi Dr. Cusmaan.
Waxa kale oo uu Dr. Cusmaan ka waramay waxyaabihii u qabsoomay wasaaradda caafimaadka, waxaanu yidhi  “Sida aad ka warqabtaan waxaanu dardargelinay, hawlihii wasaaradda caafimaadka  inay koow ka yihiin qaybihii caafimaadka, in la eego tayada iyo cududa shaqaalaha xoogana aanu saarno waxyaabaha imika aanu xooga saarno ee aanu dardargalino waxa ka mid ah  in aanu ka guuro magacii la odhan jiray MCH, waayo mother child  ma aha kaliya oo ma saameeyo waxaanu saameeya caasimado dhan iyo bulshada oo dhan. Waxaananu u bixinayna xarumaha caafimaadka, waxaanu doonaynaa  xarumahan caafimaadka inay ka hawlgalaan shaqaale, aanu u soo tababaray eegi doonana dadka dhaawac fudud iyo inay bixin karaan daawooyin ka fudud, waxaanu eegayna inay meeshaas, joogaan qaybaha talaalka maadaama caruurtu yihiin  laf-dhabarta koowaad ee dalka u soo koraya.
 
Dhinaca kale waxa  uu sheegay Dr. Cismaan in ay kor dhiyeen tiradda waaxyaha ee wasaaradda, isla markaana ay qaar cusub ku soo kordhiyeen.  “Waxa kale oo jira waaxyaha wasaaradu waxa ay ahaayeen shan laakiin imika waxanu ka dhignay lix. Lxidaa waaxood o kala ah:   qaybta quudinta shaqaalaha, qaybta iibinta dawooyinka,  qaybta qorsheynta maadaama wasaaradu tahay qaybta ugu muhiimsan,  public health caafimaadka guud,  qaybta maamulka iyo lacagta,  qaybta qorshaynta iyo siyaasada wasaarada, qaybta caafimaadka qoyska.Dhab ahaantii anagoo ka duuleyna lixdan qodob waana sidii aanu adeega caafimaad u tayeyn lahayn. Sidii aanu cududa shaqaalaha u hagaajin lahayn, sidii xogta caafimaadku joogto u noqon lahayd sababtoo ah marka xoog la helo talo la helaa” ayuu yidhi agaasimaha guud ee caafimaadka.
By: Khadar M. Xaashi
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply