Maayarka Caasimadda Oo Beeniyay Jiritaanka Qorshe Xilka Lagaga Qaadayo

0
482

Hargaysa (DAWAN)-Duqa Caasimada Hargaysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), ayaa gaashaanka ku dhuftay  warar lagu baahiyay warbaahinta gudaha qaarkood, kuwaasi oo sheegayay in khilaaf soo kala dhexgalay golaha deegaanka Hargeysa. khilaafkaasi oo sida la soo weriyay sababay kala qaybsanaan golaha dhexdiisa  ku timid  iyo in uu goluhu  laba qaybood u jabay.
Maayarka caasimada  iyo Xildhibaan ka tirsan golaha deegaanka Hargaysa   oo shalay si wada jir ah shir jaraa’id  u qabtay  waxay sheegeen in aanu jirin wax khilaaf ah oo u dhexeeyaa.  wararkaasina ay yihiin kuwo   been abuura oo sal iyo raad toona lahayn.
Duqa caasimadda oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Wararkaas aan warbaahinta ku arkayay wax ka jiraa ma jiraan, wax allaale wax khilaaf ah oo soo kala dhex-galay golaha deegaanka Hargeysa ma jirto, xildhibaanadda  ay leeyihiin labada garab  ayay kala wateen waa xildhibaan Qowdhan oo waa kan aanu wada joogno, markaa  waxaan u soo jeedinayaa inay ka waan toobaan saxaafaddu waxay qorayaan ee aanay waxba ka jirin.”
 
Dhinaca kale xildhibaan Qawdhan  ayaa isna dhiniciisa deedifeeyay wararkaasi  lagu sheegay in uu khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo duqa caasimadda Waxaanu yidhi  “Wax khilaaf ah  oo soo kala dhex galay golahayaga ma jiraan iyo waliba garabyo aanu u kala jabnay oo ay sheegeen in aan aniga iyo maayarka (maayarka caasimada Hargeysa) aanu kala hogaaminayno, warbaahinta wararkaas qortayna waxaan u soo jeedinayaa inay ummada jaah-wareerka ka daayaan .”
By: Yoonis M.Jaamac
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply