Wasiirka Daakhiliga Oo Fasaxay Xayiraadii uu Hore Ugu Soo Rogay Fadhiyadda Xilka Lagaga Qaadayo Maayarrada Dalka

0
482

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade ayaa shaaciyay inuu dhammaaday mudadii uu xayiray fadhiyadda caadiga ah ee golayaasha deegaanka dalka. Cali Maxamed Warancade oo shalay warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu tilmaamay in wareegtadii uu ka soo saaray in aan goleyaasha deegaanka maayarradooda xilka laga qaadi Karin,  uu uga dan lahaa in wakhti la siiyo, isla markaana uu  wax ka xalin jiray khilaafaadka ka dhex oogma Goleyaasha deegaamadda dalka.  “Goleyaasha deegaanka way jirtay in aan wareegto ka soo saaray sannadka bilowgiisii, waxaanan amray in aan xilka laga qaadin oo aan Mooshinno lagu soo gole-joojin Karin Maayarrada dalka.Sababta aan uga jeedayna waxay ahayd had iyo jeer waxa innagu bilowda in marka la doorto goleyaasha deegaanka inay is-qab-qabsi bilaabaan oo niyad-jab ku dhaco dadkii soo doortay, markaa in la daayo oo wakhti la siiyo ayay iga ahayd wakhtigaana lagu ogaado ninka hawshiisa gabay, markaa wakhtigiina wuu dhammaaday wareegtadiina wakhtigaas ayay ku koobnayd,”ayuu yidhi Wasiir Cali Waran-cadde oo shalay Saxaafadda u warramayay ka dib kulan albaabadu u xidhnaayeen oo uu la yeeshay Guddida ilaalinta hantida qaranka ee aqalka Wakiiladda.
 
Wasiirku waxa kale oo uu tilmaamay in diiwaangelintii madaniga ahayd ay bilaabmi doonto bisha fooda innagu soo haysa September 2014-ka,  waxaanu yidhi “Meel wanaagsan ayay noo maraysaa hawshii diiwaan-gelinta madaniga ahayd dad badan ayaana u arkayay in aanay suurogal ahayn khaas ahaan, international community, imikana waxay maraysaa qalabkii oo dhan wuu yimi, lacagtiina waanu bixinay, waxaanan filaynaa in bishan soo socota awalkeeda inuu bilaabmo oo dhammaan laga hawl-galo meelihii dadka laga diiwaan-gelin lahaa, waxaanan ugu baaqayaa bulshada reer Somaliland in ay is-diiwaan-geliyaan waana tallaabadii u horaysay ee qofka u cadaynaysay inuu yahay muwaadin  Somaliland u dhashay, waxaanu kaga duwanaanayaa  dadka martida inoo ah, markaa cidii qaadan waydaa waxa ka soo gaadhi doona dhibaato badan oo ay adag tahay sida loo xaliyaa oo ay ka mid tahay in aan qofku iska soo gali doonin magaalooyinka haddii aanu Somaliland u dhalan in aanu waxba ka qaadan Karin bangiyada oo aanu Huteel seexan karin, markaa waxa aan leeyahay ha loo kala dheereeyo qaadashadda diiwaan-galinta madaniga ah.”
By: Khadar M.Dhako
Dawannews Hargeysa office
 

Leave a Reply