“Waxaanu kala hadlaynay sidii loo fududayn lahaa hawlaha kastamada ee ay u baahan yihiin ganacsatadu”

0
493

Hargeysa (DAWAN)- Guddidii Wasiirrada ee diyaarinta Miisaaniyad sanadeedka Qaranka ee sannadka 2015-ka oo uu hoggaaminayay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland  Md. C/casiis Maxamed Samaale ayaa shalay socdaal ku tagay xarunta gobolka Saaxil ee magaalada Berbera, waxaanay kulamo la yeesheen  hay’adaha dakhli soo saarka iyo Ganacsatadda Berbera. Guddida Miisaaniyadda dawladdu waxay  Kormeer ku tageen marsadda Berbera, kastamka magaaladdaas iyo maxjarka, waxaanay darseen Ha’yadaha dakhli soo saarka. Wasiirka Maaliyaddu waxa uu sheegay inay kulamo la yeesheen Ganacsatadda Berbera, waxaanu yidhi  “Gudida miisaaniyadu waxay timi magaalada Berbera waxaanu runtii u nimid in  aanu eegno dekeda kastamka, waxaanu u nimid  in aanu eegno guud ahaan qaybaha kala duwan ee gobolkan sida maxjarada, haamaha iyo haddii ay tahay qaybaha kala duwan ee gobolkan ee shaqada u haga si gaara gudida miisaaniyadu waxay talo waydiinaysay ganacsatada gobolka Saaxil gaar ahaan magaalada Berbera, oo runtii talladaa ay waydiinaysay ay ugu muhiimanayd sidii dekedkeena loo weynayn lahaa ee wax looga qaban lahaa baaxadeeda iyo horumarinteeda.Sidoo kale waxaanu kala hadlaynay sidii  loo fududayn lahaa hawlaha kastamada ee ay u baahan yihiin ganacsatadu.” Wasiir Samaalle waxa uu ku dooday in afartii Sanadood ee xukuumadda uu ka tirsan yahay xilka haysay ay wax-weyn ka qabatay horumarinta dalka, isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Xukuumadda aan ka tirsan nahay intii ay tallada dalka  qabatay oo afar sanno ku siman qofka Illaahay ka baqayaana  uu ogyahay isbedelka Somaliland ka dhacay haddii ay Berbera tahay iyo haddi ay tahay dalka intiisa kale tahay-ba, waa la ogyahay waddooyinka Berbera gudaheeda ku yaala xad ma laha, isbedelka dekadda lama xisaabin karo, wadada Hargeysa iyo Berbera lacagta ku baxday qofka caqliga leh ayaa ka garaabaya, waxaanan ku faani  karnaa xukuumad ahaan in isbedelka dalka ka dhcay aad iyo aad u weyn yahay oo aanu  been ahayn.”
By: Khadar M. Dhako
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply