Xukuumadda Iyo Xisbiyadda Mucaaridka Oo Guddi U Saaray Sidii Mowqif Midaysan Looga Yeelan lahaa Arrimaha Doorashooyinka

0
517

Hargeysa (DAWAN)- Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa kulan la yeeshay masuuliyiinta labada xisbi mucaarid ee WADDANI iyo UCID, waxaanay ka wada hadleen qaban qaabadda doorashooyinka iyo arrimaha la xidhiidha.
Ma jiro war rasmi ah oo ay dhinacyadu ka soo saareen kulnkaasi   hase yeeshee sida ay sheegeen  ilo-wareedyo aanu ka helnay kulankaasi   Madaxweynaha iyo Hoggaamiyeyaasha xisbiyadda UCID  iyo WADDANI  waxay iska xog-waraysteen arrimo ay ka mid ahaayeen  diiwaan-gelinta madaniga ah, diiwaan gelinta codbixiyeyaasha iyo guud ahaan sidii dalka ay uga qabsoomi lahayd doorashooyinku.
Warar xog ogaal ah oo aanu  ka helay kulnakaasi  ayaa  beenin u noqonaya  warar shalay lagu baahinayay qaar ka mid ah mareegaha Internet-ka oo sheegayay in kulankaasi lagu kala kacay ka dib markii madaxweynaha iyo masuuliyiinta axsaabta qaranku ay si weyn ugu kala aragti duwanaadeen  u diyaar-garowga doorashooyinka.
Warku waxa uu intaasi ku darayaa in Madaxweynaha iyo Hoggaamiyeyaasha axsaabta mucaaridku ay isku af-garteen in Guddi isku dhaf ah oo ka kala socda xukuumadda iyo labada Xisbi mucaarid ay si wada jir ah u soo faaqidaan una soo diyaariyaan  qoddobo ay ku heshiinayaan oo  la xidhiidha arrimaha doorashooyinka,  si loogu go’aan qaato  waxay isla meel dhigaan.
Waxa la sheegay in Madaxweynuhu uu dhincisiisa u  saaray   Wasiirrada Arrimaha Gudaha iyo madaxtooyadda inay masuuliyiinta xisbiyadda mucaaridka ah kala hadlaan sidii mawqif midaysan looga yeelan lahaa arrimaha doorashooyinka iyo waxa lagala hadlayo Wefti ka socda qaadhaan-bixiyeyaasha caalamiga ah oo lagu wado inay dhawaan dalka socdaal ku yimaadaan.
Guddigan isku dhafka ah ee ka kooban xukuumadda iyo Masuuliyiinta  labadda xisbi mucaarid  ayaa la sheegay inay isla xalay-ba bilaabeen kulankoodii u horeeyay.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply