“Anigu Somaliland intaan Noolahay Kama Tegayo Marka aan Dhintana Waa Halka La Igu Aasayo..” Fu’aad Aadan Cadde Waraysi

0
607

Burco (Dawan):- La taliyaha Madaxweynaha ee gobolada Barriga Somaliland Fu’aad Aadan Cadde,ayaa a hadlay halka uu ka taagan yahay qaddiyadda Somaliland iyo la soo noqoshada Madaxbannaanida Qarannimada Somaliland  oo uu  sheegay in aanay marnaba isaga suurogal  ka ahayn in uu Somaliland ka baxo ama uu  ka  noqdo gooni isu taagga Somaliland oo uu ku sugnaa tan iyo maalintii gooni isu taagga JSL  lagaga dhawaaqay magaalada Burco  18 May 1991-kii.
Fu’aad Aadan Cadde oo  shalay waraysi gaar ah  khadka telefoonka  ku siiyay wargeyska DAWAN, isagoo ku sugan magaalada Burco,  waxaanu beeniyay warar sheegayay inuu ka tagayo Somaliland, waxaanu tilmaamay inaanay isaga dhinaciisa ka dhacaynin inuu dalkiisa kaga tago qoddobo yar-yar oo laga wada hadli karo. La Taliyaha Madaxweynaha ee goboladda Barri ayaa sheegay in Somalilandnimadiisu tahay wax uu u dhashay ee aanay ahayn wax uu iska dhigi karo, waxaanu yidhi “Horta imika Burco ayaan jooga oo aan kaga hadhay Wasiirka Caafimaadka oo aanu wada soconay,muddona waxaan joogay degmada Xuddun oo Somaliland ah aniguna(Fu’aad) 23 sanno oo Somaliland jirtay marnaba kama bixin Somaliland-na waan u dhashay oo anigaa ah wax aan iska dhigayo ama isku dhejinayo ma aha waa dalkaygii hooyo.” Fu’aad Aadan Cadde waxa uu war-xumo tashiil ku masaalay warbaahintii dhawaan ka tabisay inuu Puntland u goosanayo, waxaanu yidhi “Warkaa cidda sheegtay waa cid war-xumo tashiil ah oo aanay waxba ka jirin anigana  Somaliland waan joogay waanan joogayaa intaan noolahayna kama noqonayo Somaliland oo dhulkayga ah nololna kagama tegayo marka aan geeridooyadana  waa halka la igu aasayo.”Fu’aad Aadan Cadde oo aanu weydiinay in ay jiraan wax uu diidan yahay oo uu ka cadhooday waxa uu yidhi  “Horta wax wey jiri karaan laakiin maaha wax iga kaxaynaya dalkayga iyo dadkayga,intay jirtay Somaliland ee aan joogay rag badan oo reer Somaliland ah ayaa qaarba meel u carareen laakiin anigu intaaba waan joogay imikana nin qarannimadiisa ka tegaya ma ihi wixii tabasho jirtana waa laga wada hadli karaa,kollayna inta la nool yahay tabasho wey jiraysaa,  waana laga wada hadlayaa, intaan Xuddun joogayna waxaan  u joogay uun arrimo reer iyo dilal deegaanka ka dhacay oo aan xallintooda ku jiray, cid I hor joogtay oo iga celinaysay in aan Puntland tagaa may jirin,  laakiin qarannimada dalkayga nin wax laga wada hadli karo uga tegaya ma ihi.”
By: Faysal Xiis Weerar(Afgaab)
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply