Badhasaabka Gobolka Xaysimo Oo Ku Baaqay In Wada Hadal Lala Furro Cali Galaydh

0
555

Hargaysa (Dawan): Badhasaabka cusub ee gobolka Xaysimo Md. C/rashiid Maxamed Axmed (Xiir), ayaa  sheegay in aanay  wax faa’iido ahi ugu jirin bulshadda deegaanadda Sool iyo Xaysimo siyaasadda guracan ee uu waddo Cali Khaliif Galaydh, isla markaana dadka deegaankaasi ku dhaqani aanay u baahnayn  dagaal iyo dhibaato hase yeeshee ay xiligan u baahan yihiin cid wax u qabanaysa.
C/rashiid Maxamed Axmed (Xiir),  oo shalay waraysi gaar siiyay wargeyska DAWAN isaga oo ku sugan magaaladda Hargaysa ayaa sidoo kale  xukuumadda Somaliland u soo jeediyay in  wadahadal lala  furo maamulka Khaatumo, isla markaana wada xaajood iyo si nabad ah lagu dhameeyo arrimaha.
waxa kale oo uu sheegay Md. Xiir  in uu madaxweynaha Somaliland uga mahad celinayo magacaabista  uu Axadii todobaadkan ugu magacaabay in uu ahaado badhasaabka gobolka Xaysimo isla markaana uu si kal iyo lab ah u soo dhawaynayo, maadaama oo sida uu sheegay uu ku dhashay waxbarashadiisana ka bilaabay magaaladda Taleex oo ah xarunta gobolkaasi.
Badhasaabka oo arrintaasi ka hadlayayna    waxa uu yidhi “Waan soo dhaweynayaa, waxaanan u arkaa deegaankaasi in ay ku haboon tahay magacaabista la ii magacaabay, sababta oo ah waa deegaankii aan ku dhashay waxna ku bartay,  aad ayaanan uga mahad celinayaa madaxweynaha Somaliland iyo xukuumadiisaba magacaabista la ii magacaabay gobolkaasi. Gobolkaasi waa gobol cusub, waana gobol ay siyaasado badani ku furan yihiin, waa gobol mudadda 23-ka sanno ah ee ay dawladii dhexe ee Soomaaliya burbursanayd  wax raad  maamul  ah oo ka jiraana aanu jirin, waa gobol adeegii bulshadda oo dhami uu dhulka yaallo, waa gobol amnigiisu aad u liito, oo weliba colaad xagga beelaha ahi  ay  ka jirto, oo ay weliba imika dhib weyni  ka  dhex jirto,  waxaanu u baahan yahay Wax-qabad  Kaamil ah.
Guddoomiyaha gobolka Xaysimo, ayaa sidoo kale tilmaamay in dadka ku nool  gobolkaasi iyo deegaamadda hoos yimaadda aanay wakhtigan ku lug lahayn ama aanu jirin maamul xukumaa, isla markaana hanashadoodda dhinaca Soamaliland  ay ku xidhan tahay hadba sida ay xukuumaddu  Somaliland ugu hagar baxdo iyo horumarka ay ka samayso deegaamadaasi.  “Dadka halkaa degani dad hadda maamul  kale ama cid kale uu ku lug leeyahay ma aha, oo hadda halkaasi ka taliyaa ma jiro,  in dadkaasi la hantaana waxay ku xidhan tahay wax-qabadka ay dawladda Somaliland ka qabato ayay ku xidhan tahay raadka siyaasadeed ee ay Somaliland ku yeelan doonto gobolkaasi, waxaanan rejaynayaa in aan  ku guulaysan doono haddii ay dawladdu  u hagar baxdo,  oo ay sideeda wax uga qabato” ayuu yidhi Md. Xiir.
Badhasaabka oo aanu weydiinay  arrinta ugu muhiimsan ee uu doonayo in uu wax ka qabto ama halka uu doonayo in uu hawlaha ka bilaabo, waxa uu yidhi “Horta Badhasaabka masuuliyadiisu  waxa weeyi waxa  uu dawladda uga wakiil yahay nabad geliyadda iyo siyaasadda, waxa aan doonayo in aan wax ka qabto,  diyaar ayaan anigu u ahay shaqsiyan, laakiin waxaa aan qabanayo iyo wixii aan  doonayo in aan  wax ka qabto waxa uu ku xidhan yahay  sida ay dawladu  diyaar ugu tahay in ay wax ka qabato,  waxana uu gobolkaasi u baahnayniba ma jiro, wax kasta oo  muhiim ahba wuu u baahan yahay,  amaan ma jiro oo dhulka ayuu yaalaa,  adeeg bulsho ma jiro, caafimaad ma jiro, waxbarasho ma jirto,  inkasta oo dhinaca waxbarashadda deegaankaasi ay ka jiraan, sida   dugsiyo ay jaaliyaddu   gacanta ku hayaan, tusaale ahaan  Taleex oo kale dugsi hoose  dhexe wuu ka jiraa, degmooyinka kalena qaar way ka jiraan, laakiin waxay u baahan yihiin in la tayeeyo sida in macalimiinta la tababaro, tiradoodana la kordhiyo, in mushahar iyo guno loo sameeyo, waxay u baahan yihiin taageero xagga  agabka iyo wixii kale ee ay u baahan yihiin ah”.
Waxaanu intaasi ku daray “Xagga caafimaadka hadda Taleex waxaa ka jiray cusbitaalka TB-da iyo MCH labaduba way xidhan yihiin, caawa haddii qof xabadi ku dhacdo meel furan oo dhiig joojin looga helayaa Farmasii  ma ahee  meel kale oo dawladeed ma jirto,    deegaankuna waa deegaan aad u balaadhan,  waa deegaan xuduud ku yaalla  waa deegaan  is-taraatiji ah, waa deegaan khayraadkiisa dabiiciga ahi uu aad u badan yahay, waa deegaan ay aad iyo aad muhiim u tahay in siyaasadda Somaliland ay gaadho, markaa waxaan codsanayaa in dawladda Somaliland ay u samayso  qorshe gaar ah, taasi oo ah in wax alla wixii laga qaban karo oo hagar la’aan ah  laga qabto” ayuu yidhi guddoomiye Xiir.
 
Badhasaabku mar uu ka hadlayay faro gelinta maamuladda Puntland iyo Khaatumo ay ku hayaan deegaamadda bari ee Somaliland gaar ahaana Sool iyo Xaysimo, waxa uu yidhi  “Farro gelin joogto ah ayuu  maamulkaasi  deegaankaasi ku hayaa, oo kama madhna, wixii aan ka qabanayaana waxa ay ku xidhan tahay juhdiga iyo dedaalka ay dawladu geliso,  laakiin anigu waxaan diyaar u ahay in aan  siyaasad cad, daacadnimo, cadaalad  iyo hufnaan  aan ku maamulo”.
Sidoo kale guddoomiyaha oo aanu waydiinay sida uu urko  in  wax looga qabto maamulka Khaatumo ee uu hogaamiyo Cali Galaydh oo dhibaato deegaankaasi ka wada, waxa uu ku jawaabay. “Annigu  waxaan ku talin lahaa dawladda Somaliland-na aan u soo jeedin lahaa   in wada hadal lala furo Cali Khaliif, oo wada xaajood lala gallo ayaan ku talin lahaa,  runtii dadku waa isku  dad, waa isku  dal, oo Cali Khaiilf dadka uu odayga u yahay ama siyaasiga u yahay, waa dadka deegaankaasi, isaguna dadkaasi ayuu ka mid yahay,  laakiin maxay  maslaxaadoodu ku jirtaa xiligan hada la joogo?  umma arko anigu in ay maslaxada dadkaasi ku jirto siyaasadan uu hadda Cali Galaydh wado, dadkaasina waxay hada u baahan yihiin amni, waxay u baahan yihiin  waxbarasho, waxay u baahan yihiin  caafimaad, waxay u baahan yihiin horumar iyo wax alla wixii adeeg bulsho ah oo deegaankii laga fuliyo,  cid alla cidii ka fulinaysa oo aan hada filayo in ay dawladda Somaliland diyaar u tahay  in ay ka qabatan dadku  taasi ayay u baahan yihiin, markaa  taasi darteed ayaan u arkaa in aanu   Khaatumo wax raad ah  ku  yeelaynaynin, haddii halkan (Somaliland)  diyaar looga yahay in wax laga qabto.”
 
By: Khadar Cabdi Muuse
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply