Farriintii Madaxweyne Siilaanyo Magaaladda Bebera Uga Diray Madaxda Taangiyadda Saaran Ee Soomaaliya

0
520

Hargeysa (DAWAN)- Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa shalay duhurkii dib ugu soo laabtay magaaladda Hargeysa, ka dib markii uu muddo laba maalmood ah socdaal ugu maqnaa magaalo xeebeeda Berbera ee xarunta gobolka Saaxil.
Socdaalka madaxweynaha ee Berbera oo iskugu jiray nasasho iyo shaqo waxa uu mudadii uu ku sugnaa magaaladdaas uu  Booqday xarumaha laamaha dawladda oo ay ugu muhiimsanaayeen xarunta marsadda Berbera, Dawladda Hoose iyo xarunta taliska ciidanka ilaaladda xeebaha, goobahaasi oo Madaxweynuhu ka dhagaystay masuuliyiinta Hayadahaasi waxqabadka  u hirgalay iyo qorshaha wax-qabad ee mustaqbalka dhow ay higsanayaan.
Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu indhihiisa ku soo arkay mashaariic badan oo horumarineed oo xukuumadiisu fulisay afartii sanadood ee la soo dhaafay.
 
             Madaxweyne  Siilaanyo Oo  Lug Ku Dhex Maray Berbera
Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu  Isniintii  socod ku maray faras magaalaha Berbera, isagoo shacbigiisa dhex lugeeyay Dekadda illaa xarunta dawladda Hoose ee Berbera oo isku jira masaafo aad u badan oo aan hal km ka yarayn,waxaanay dadweynaha oo waddooyinka hareerahooda taagnaa ay si weyn ugu faraxsanaayeen inay arkaan madaxweynahooda oo dhex lugaya shacbiga iyadoo aanu wadan ciidammo ilaalo ah oo aad u badan, taasina ay tahay nimcooyinka nabadgelyadda cagaha adag ku taagan ee geyiga Somaliland lagaga naaloonayo.
Waxa kale oo socdaalka madaxweynaha ee Berbera uu calaamad buuxda u ahaa sida madaxda Somaliland oo aan wax war-war ah ka qabin shacbigoodu ay ku soo nasan karaan magaaladda ay doonaan ee  ku taalla Somaliland, iyadoo madaxda dalka aynu dariska nahay ee Soomaaliya ay ku badbaadi   la’yihiin xaruntooda madaxtooyadda oo ay ku ilaalinayaan ciidammadda nabad-ilaalinta midowga Afrika ee AMISON isla markaana aanay suurto-gal u ahayn inay konton tallaabo dibada uga baxaan  xarunta madaxtooyada iyagoo aan taangi ciidan saarayn, taasina ay tahay farqiga dhabta ah ee u dhaxeeya labadan dal ee jaarka ah.
 
Qalabaynta Iyo Horumarinta Ciidanka Xeebaha
 
waxa ka mid ahaa mashaariicda waaweyn ciidanka ilaaladda xeebaha oo loo bineeyay xurun balaadhan oo si weyn loogu qalabeeyay. Ciidanka ilaalada xeebaha waxa loo iibiyay 10 doonyood oo casri ah oo ah kuwa ay kaga hawl-galaan xeebaha, taasi oo ka dhigaysa tiradda doonayahooda 12 doonyadood, waxaanay dawladda Madaxweyne Siilaanyo dhalatay iyagoo ciidankaasi haysta laba doonyood oo qudha.
“Waxaanu soo iibsanay doonyo oo tiradoodu gaadhayso 10 doonyood, kuwaasoo aynaan hore u haysan, waxaanay ka mid yihiin waxqabadka xukuumadda, waxa hadiyo jeer dhici jirtay in qalabka ay ciidamaddu ku hawlgalayaan ay dayacmaan, waxaanu ballan-qaadaynaa inaanu daryeelno, si qalabkaasi uu u noqdo mid aynu ku sugno nabadgelyada ciidamaddeena,”ayuu yidhi Taliyaha ciidanka Ilaaladda xeebaha Somaliland Sareeye Guuto Axmed Aw-Cismaan.
 
 
 
Mashaariicda Laga Fulinayo Dekadda Iyo Haamaha Shiidaalka
Maareeyaha Dekedda Berbera Eng  Cali  Cumar Maxamed (Xoor Xoor)  ayaa Isniintii Madaxweyne Axmed Siilaanyo uga xog-waray xaaladda dekadda Berbera iyo mashaariicda waaweyn ee ay doonayaan inay ka hirgeliyaan.
Maareeyuhu waxa uu tilmaamay in qorsheyaasha ay awooda saarayaan ay ugu horayso samaynta dekad yar oo badeecadaha ka soo dega dekadda la dhigo, taasi oo ay iska kaashanayaan dekadda iyo Wasaaradda maaliyadda Somaliland, waxaanu xusay in dekadaas yar ay ku bixi doonto  lacag dhan shan milyan oo Dollar. Waxa kale oo Maareeye Cali Xoor-Xoor Madaxweynaha u bandhigay inay doonayaan in dekaddu yeelato qalabka lagaga gaashaanto oo lagu hawl-galo haddii ay marsadda ku gadoomaan maraakiibta ku soo xidhataa.
Madaxweynuhu waxa uu hadal kooban oo uu ka jeediyay halkaasi ku bogaadiyay masuuliyiinta dekadda horusocodka ay marsaddu samaynayso, waxaanu ku baraarujiyay inay halkaasi ka sii wadaan dedaalka loogu jiro in dekadu noqoto mid casri ah oo daboosha baahida dekadeed ee dalka, waxaanu balan-qaaday inaanay xukuumaddu waxba kala hadhi doonin qorsha  horumarinta dekadda.
Waxa kale oo madaxweynaha waxa uu shalay booqday xarumaha haamaha shiidaalka Berbera, halkaasi oo uu warbixin kaga dhegaystay masuuliyiinta xaruntaas.
Maareeyaha Haamaha Shidaalka Berbera Sheekh Saleebaan Siciid Cali, ayaa sheegay inay balaadhinayeen Haamaha Kaydka shiidaalka, isla markaana ay keeneen qalab badan oo kor loogu qaadayo balaadhinta Haamaha Shiidaalka. “Waxaa Madaxweyne inoo socda 5 Haamood oo aanu ku bixinay qandaraas  laba kun afar boqol iyo lix iyo sodon Kun oo Dollar. Waxa kale oo aanu wadnaa mid ah Wadadii ay haamahan loo mari lahaa oo ay lacag badani ku baxayso,” ayuu yidhi Maareeye Saleebaan Siciid.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa ku bogaadiyay mashaariicda ay wadaan Masuuliyiinta Haamaha shidaalka iyo ciidanka Ilaaladda Xeebaha, wuxuu yidhi  “Aad iyo aad baan idiinku hambalyeynayaa hawlaha aad wadaan, Allena ha idinku garab galo oo ha idinku guuleeyo. Markaa hawshaa halkaas ka sii wada, meel fiicana waad marinaysaane Alle ha idin la qabto.”
 
 
 
Soo dhawayntii Berbera Illaa Hargeysa
Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa si diiran loogu soo dhaweeyay jidka u dhaxeeya magaalooyinka Berbera iyo Hargeysa oo ay dadweynuhu oo sufuuf u taagnaa u gacan haadinayeen madaxweynaha iyagoo ku dhawaaqayay hal-ku dhigyo ay ku soo dhaweynayeen oo la xidhiidhay siday ugu niyadsan yihiin madaxweynahooda ay doorteen.
Madaxweynuhu markii uu soo gaadhay caasimadda Hargeysa oo ay shacbigu si diiran ugu soo dhaweeyeen ka sokow, waxa xarunta madaxtooyadda ku soo dhaweeyay Madaxweyne Ku xigeenkiisa Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), xubno tiro badan oo ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo xildhibaano ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka JSL.
Gabo-gabo:
Kormeerada noocan oo kale ah ayaa ah qaar madaxweynaha u saamaxaya inuu indhihiisa ku soo arko oo dabo-gal ku soo sameeyo mashaariic badan oo ay suurto-gal tahay in xukuumaddu ku bixisay dhaqaale badan si uu ugula xisaabtamo masuuliyiinta kala duwan inay u fuliyeen sidii qorshuhu ahaa iyo in la gacan bidixeeyay labadaba. Waxa kale oo uu ku darsi karaa siday u kala daran yihiin baahiyaha kala duwan ee bulshadu u baahan tahay.
By: Cumar M.Faarax
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply