Ciidanka Qaranka Oo u Dhirbaaxo ku Dhuftay Maleeshiyadda Khaatumo

0
498

Dabataag(Dawan):- Ciidanka Qaranka Somaliland ee jiidda hore,ayaa  shalay galinkii dambe kala wareegay maleeshiyo nabad-diid  deegaanka lagu magacaabo Dabataag oo 40KM u jirta magaaladda Saax-dheer ee fadhiisinka u ah kooxda khaatumo. Maleeshiyada nabad-diidka ee uu hor joogahau yahay dagaal ooge   Cali Khaliif  Galaydh ee la baxday Khaatumo ayaa fadhiisin ay ku lahaayeen  deegaanka lagu magacaabo dabataal oo 53 KM u jirta  magaalo madaxda gobolka Sool ee Laascaanood ka dib markii ay ciidanka Qaranku hore ugu ruqaansadeen deegaannada hawdka ee gobolka Sool. Ciidanka Qaranka Somaliland,ayaa dagaal muddo kooban qaatay oo shalay galab ku dhex maray maleeshiyada nabad diidka ah ee uu hor joogaha u yahay dagaal ooge Cali Khaliif waxay kula wareegeen deegaanka tuulada Dabataag oo  u dhaxaysa magaalo xuduudeedka Saaxdheer iyo Laascaanood. Ciidanka Qaranka,ayaa kala eryay maleeshida nabad diidka ahayd ee isku uruursatay Dabataag waxaanay u kala firxadeen Saaxdheer iyo dhulka miyiga ah,dagaalka ayaa dhacay shalay galabnimadii waxaanay wararka laga helayo jiidda hore ee Ciidanka Qaranu ay  intaa ku darayaan in ay maleeshida gaadhsiiyeen khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh in kasta oo aan tiro sugan la hayn, waxa kale oo ay ciidanka qaranku gacanta ku soo dhigeen dhawr maxbuus oo laga qabtay kooxdaas nabad-diidka ah. Wararka  laga helay  deegaanka Dabataag ayaa intaa ku daraya in ay ugu yaraan ku dhinteen afar ka mid ah maleeshida kooxda Cali Khaliif wakhti kooban oo uu dagaalku socday halka ay ciidanka Qaranka ka soo gaadheen hal askari oo ku dhaawacmay dagaalkaas. Deegaanka Dabataag ee dagaalku ka dhacay ayaa magaalada Laascaanood u jirta 53 KM oo dhanka Saaxdheer ah halka ay magaalada xadka ay Somaliland iyo Itoobiya ka wadaagaan gobolka Sool ee Saaxdheerna u jirto 40 KM. Ciidanka Qaranka Somaliland ayay ka go’an tahay in ay sugaan dhammaan xuduudaha dalka Somaliland uu la wadaago waddamada  dariska ah.
By: Faysal Xiis Weerar(Afgaab)
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply