Agaasimaha Cusbitaalka Sallaxley Oo Beeniyay In Shaqaalahoodii Uga Dareereen Mushahar La’aan

0
551

Hargaysa (Dawan): Agaasimaha Cusbitaalka guud ee degmadda Sallaxley ee gobolka Hawd  Md.  Jawhar Sheekh Cali Jaamac ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar lagu baahiyay qaar ka mid ah shebekadaha wararka, kaasi  oo sheegayay in uu xidhmay cusbitaalka Salaxley, isla markaana ay shaqaalihii joogay ka dareereen  halka qaarna ay muddo dhawr bilood ah bilaa mushar yihiin.
Jawhar Sheekh Cali Jaamac, oo shalay  noogu waramay xafiiska wargeyska DAWAN, waxa uu sheegay in   boqor Raabi Yuusuf C/laahi oo ka mid ah madax-dhaqameedka ka soo jeedda deegaankaasi  oo ay wehelinayeen laba dhakhtar oo ka raacay Hargaysa ay   booqdeen  jimcihii hore  cusbitaalka degmadda Salaxley, ka dibna isaga oo aan boqorku la kulmin masuuliyiinta iyo guddida  cusbitaalka  uu warar been abuur ah ka qoray cusbitaalka.
Waxaanu tilmaamay in cusbitaalka degmadda Salaxley   uu shaqeeyo, isla markaana uu haysto daawooyin iyo qalab ku filan oo uu ku shaqeeyo, hase yeeshee warka uu boqor Raabi ka sheegay cusbitaalkaasi uu yahay mid aanay waxba ka jirin. Sidoo kale waxa uu agaasimuhu  sheegay in aanay shaqaalaha cusbitaalka ka tirsanayn gabadh uu sheegay boqor Raabi in uu iyada oo keliya ugu tegay markii uu booqday cusbitaalka, isla markaana ay uga war bixisay xaaladda guud ee uu haatan ku sugan yahay cusbitaalku.
Agaasimaha Cusbitaalka guud ee degmadda Salaxley ee gobolka Hawd  Md.  Jawhar Sheekh Cali Jaamac, oo ugu horayn warkaasi beeniyay waxa uu yidhi   “Waxaan doonayaa in aan beeniyo war laga qoray  cusbitaalka degmadda Salaxley, oo sheegayay  in  cusbitaalkaasi u dhawyahay imika  in uu xidhmo ama uu xidhmayba,  kaasi oo ay dhawaan tegeen ninka la yidhaahdo boqor Raabi iyo laba Dhakhtar oo la socday, waxaanay waraysteen  sida ay ku sheegeen qoraalkaasi  ay qoreen gabadh  aan  ka tirsanayn shaqaalaha cusbitaalka,  oo ah umuliso dhaqameed ay Wasaaradda Caafimaadku diiday in ay shaqaalaysiiso,  wasaaraduna marka ay shaqaalaha qoranayso waxay u baahan tahay qof aqoon u leh arrimaha caafimaadka,  sidaas darteed ka hadhay liiska shaqaaalaha caafimaadka ee la gudbiaay, markaa boqorkuna uu doonayay in ay gabadhaasi gasho liiska, isaga oo hore ugu dacwooday, iyada oo gabadhuna ay ka mid tahay dadka beeshiisa, sidaas darteed waxaan  halkan ka cadaynayaa, isla markaana aan iftiiminayaa,  in cusbitaalka Salaxley uu shaqeeyo,  yahayna cusbitaalka keliya ee bakhaar buuxa oo daawooyin  iyo qalab ahi u xidhan yahay, wasaaradda caafimaadka ayaana  og,  wasiirka caafimaadkuna wuu ka war qabaa,   wasiir ku xigeenka iyo agaasimaha guudna way la socdaan arrintaasi,   sidoo kale umadda uu u shaqeeyo cusbitaalku oo dhan ayaa og,  oo ah Toon, ilaa Higladda inta ka dhaxaysa  ee uu cusbitaalku u adeego”.
 
Isaga oo hadalkiisa sii watayna waxa uu yidhi  “Shalay (doraad) oo u danbaysay, waxa aan joogay Qool-caday  oo aan dadka  ugu shaqaynayay aniga oo Ambulance -kii wata,  cidii doonta in ay soo eegto iyo warbaahintii u baahanba waanu geynaynaa, cusbitaalku sida uu u shaqaynayo iyo qalabka yaala ee uu ku shaqaynayo,  iyo daawadda taalla,  tan kale ee uu boqor Raabi ka hadlay ee uu leeyahay shaqaaluhu bil mushaharkeed  ayay leeyihiin,  waxay tahay shaqaalaha qaybi way ka shaqaalaysan yihiin wasaaradda caafimaadka,  guud ahaan cusbitaalka lix qof ayaa ka shaqeeya,  oo isugu jira nurse, waashmaano iyo  dhakhaatiir,  tiradda kal-kaaliyeyaasha caafimaadku waa shan,  afar midwifery ah iyo laba nurse ah,  dhakhaatiirtu waa laba,  kuwaasi oo ku shaqeeya si tabaruc ah, oo iskood isku soo abaabulay, oo kharashkooda iyo wax kastaba iyagu isku qaba,  ayaa yimaada, waxaanay shaqaynayeen  bishii tobnaad ee sanadkii 2013-kii ilaa imika,  khamiis kasta ilaa sabtida way sahqeeyaan, markaa wasaaradda caafimaadkuna way og-tahay, umaduna way o-tahay,  waxaa yaala qalab aan oolin cusbitaaladda kale, Ultra sound-kii ayaa yaala oo lagu shaqeeyaa, CBC- ayaa yaala, qalabka waxaa noo keenay , horta dhismaha ugu horeeya ee cusbitaalka waxaa dhisay hablaha urur Gaaroodi,  qalabkana iyaga ayaa keenay, baabuurka ambulance-ka ah iyaga ayaa keenay, wasaaradda caafimaadka ayaanay ku wareejiyeen dhamaanba wixii ay keeneen,  wasaaraduna masuuliyiinta iyo maamulka cusbitaalka Salaxley ayay ku wareejisay”.
Waxaanu intaasi ku daray, oo uu yidhi “Wasaaraduna dadka qaarna way shaqaalaysiisay qaarna may shaqaalaysiinin, oo qorshaha ayay ku jiraan,  wasiirka waanu ka wada hadalnay, agaasimaha guud waanu ka wada hadalnay,  guddi ayuu leeyahay cusbitaalku imika maalgelisa, laydh la’aanta uu sheegay  boqor Raabi, waxa weeyi horta laydhka Hargaysa ma gaahdo Salaxley, waxa yaala  cusbitaalkaasi mishiin weyn oo laydh oo qaali ah,  malaha boqorku ma ogee saacadii loo baahdo  ee ultra soun looga baahdo ama dhibaato kale looga baahdo waa la shidaa,  laakiin ma aha mishiin aanu afar iyo labaatanka saacadoodba shiidaal ku shubno, waxaanu shaqeeyaa lix saacadood, wakhtigii deg-deg loogu baahdana waa la shidaa,  waxaana imika aanu hawshiisii wadnaa  oo uu gudoomiye ka yahay guddoomiyaha gudidda cusbitaalka Salaxley ninka magaciisa la yidhaahdo Keyse  Cali Geedi,  in aanu todobaadkan gudihiisa u samayno Solar Sysytem ama laydh ku shaqeeya cad-ceedda, si uu cusbitaalku afar iyo labaatanka saacadoodba u shaqeeyo”.
Agaasimaha cusbitaalka degmadda Salaxley, ayaa  u soo jeediyay  madax dhaqameedka Somaliland gaar ahaana boqor Raabi in aanu siyaasidaynin arrimaha cusbitaalka, maadaama oo  xarumaha caafimaadku ay yihiin  goobo loogu adeegayo bulshadda gaar ahaana dadka jilicdasan ee xanuunsanaya. “Ma  aha in siyaasad la geliyo cusbitaal umad u shaqaynaya, oo umadi leedahay,  cusbitaalkana waxaa loogu shaqeeyaa qof xanuunsanaya oo sakaraad ah, qofkaasi sakaraadka ah haddii siyaasad la geliyana wuu dhimanayaa, waxaana leeyahay cusbitaaladda iyo wasaaradda caafimaadkaba ha laga ilaaliyo siyaasadda ay la soo doonanayaan odayaal dhaqameedku. Markaa boqorku waxa uu tegay cusbitaalka maalin Jimce ah  maalinta jimcaha ahna wasaaradda caafimaadka oo dhami way og tahay, waxaa shaqadda gala  kuwa arrimaha deg-dega ah ama kal-kaaliyeyaashaa,  shaqaalaha inta kale oo dhami waa fasax, lixda subaxnimo ayay inta kale yimaadaan lixda kal-kaaliye ayaa shaqeeya, markaa lixda kal-kaaliye ayuu boqor Raabi ugu tegay cusbitaalka” ayuu yidhi agaasimuhu.
Jawhar Sheekh Cali Jaamac, Agaasimaha Cusbitaalka guud ee degmadda Salaxley ee gobolka Hawd, waxa kale oo uu sheegay in boqor Raabi Yuusuf C/laahi iyo xubnaha dhakhaatiirta ah ee la socdayba in aanay isaga ku soo war gelin in ay imanayaan maadaama oo uu isagu yahay masuul wasaaradda caafimaadka uga masuulka ah degmadda Salaxley iyo tuulooyinka hoos yimaadda.  “Gabadhan uu sheegay in uu boqorku waraystay shaqaale caafimaad  ma aha, waxa weeyi Umuliso dhaqameed, wax aqoon caafimaad ahna ma laha, shahaadana ma haysato haddii ay haystana ha keeno boqorku,  oo ha u keeno wasaaradda caafimaadka oo yidhaahdo gabadhaasi oo shaqaalaha ka mid ah ayaan waraystay,  markaa waxaan leeyahay boqorku wuu iska tegay Jimce isaga oo aan war hayanin, waxna wuu iska qoray,  Dhakhaatiirta la socotay boqorka iyaga waxaan leeyahay,  waxay ahaayeen dhakhaatiir aan soo marain hab sharci ah, waxay ahaayeen dhakahaatiir , horta wasaaradda caafimaadka ayaa ka masuul ah anaga iyo dhakhaatiirtaba, anigu waxaan wasaaradda caafimaadka uga  wakiil ahay  cusbitaalka Saalaxley,  aniga imaysoo marain, ilama soo hadal, wasaaraduna may soo dirin, waxay la socdeen uun boqorka,  taana waxaan u arkaa in ay yihiin dhakhaatiirtii boqorka u shaqaynaysay ama caafimaadkiisa ka shaqaynaysay,  laakiin haddii ay cusbitaalka imanayaan oo ay dadkooda u shaqaynayeen waan soo dhawaynayaa, gacmo furan, cubsitaalkuna wuu u baahan yahay cid kasta oo wax u qabanaysa, laakiin cusbitaalku uma baahna cid wax ka sheegaysa” ayuu yidhi Md. Jawhar.
Mar uu ka hadlayay baahiyaha ka jira cusbitaalka Salaxley, waxa uu yidhi “Baahida ugu weyn ee ka jirtaa waxay tahay, horta cusbitaalku wuu cusub yahay, mar haddii uu cusub yahayna, waxaad ogtahay dawladda sanad waliba waxa uu leeyahay miisaaniyad,  miisaaniyadii sanadkii hore ee wasaaradda caafimaadka shaqaale nooguma jirin, markaa sida aad og tahay meelo badan dadku waxay ku shaqeeyaan muddo badan tabaruc iyada oo aan lacag la siinaynin, qof sideed bilood tabaruc ku shaqaynayay ma aha in uu qayliyo,  cida uu u shaqaynayaa waa dadkiisii, anigaygan agaasimaha cusbitaalka ahi tabaruc ayaan ku shaqeeyaa,  markaa qofku marka uu shaqaynayo, waa in uu dadka ka horeeya ee wasaaradda u shaqaynaya eegaa”.
By: Khadar Cabdi Muuse
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply