Cali Khaliif Intii Uu Kolba Carari Lahaa Laba Qodob ha kala Doorto

0
557

Jamhuuriyada Somaliland waa dal nabadeed oo nabaddu tahay raasamaalka kaliya ee shacbi iyo dawladba ay si wada jir ah ugu tuntuunsadaan,  waxay diyaar u yihiin inay si miiska wada hadalka lagu dhammeeyo wax kasta oo tabasho ah oo ay qabaan ardaa, gobol iyo qof kasta oo reer Somaliland ah. waxaanu Madaxweyne Siilaanyo taas ku cel-celiyay dhawr jeer waana siyaasadiisa oo waxa ka faa’iidaystay arrintaasi siyaasiyiin waaweyn  oo uu ka mid yahay Wasiirka Caafimaadka Somaliland Mudane Saleebaan Ciise Axmed “Xaglatoosiye” ooh ore u ahaa aasaasihii iyo Hoggaamiyihii maleeshiyadii la odhan Jiray SSC.
Wada hadal iyo wada xaajood uu Somaliland la yeeshay ka dib waxa uu la isla qaatay heshiis buuxa oo uu ku qancay inuu dalkiisa u soo noqdo oo uu wax la qabsado bulshadiisa, waxaana loo magacaabay mansab Wasiirnimo .
Sidoo kale waxa hore u jiray in la qarameeyay 500 oo maleeshiyo beeleed ah oo beesha  Naaleeye Axmed ee gobolka Sanaag, markaas JSL ma diidayso inay wada hadal la furto cid kasta oo wax tabanaysa, hase yeeshee Cali Khaliif Galaydh uma soconayso inuu Somaliland dhexdeeda ka sheegto maamul maqaar saar ah oo uu doonayo inuu Soomaaliya kaga qadhaabto si uu xil looga dhiibo dawladda Federaalka Soomaaliya.
Waxaan ka xumahay in Dr. Cali Khaliif Galaydh oo ah nin siyaasiya oo mutacalin ah maalin walba uu kabaha ka cararo marka ciidanka qaranku hujuumo tuulo  uu  shirar qaran dumisnimo iyo dhaqanno nabad diidnimo ka soo agaasimo. Khamiistii oo u dambaysay waxa Cali Khaliif Galaydh oo iskii isku caleemo saarayay uu  fadalka tuuray oo uu orod miciinsaday si aan ciidanka qaranku gacanta ugu dhigin.
Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “ninkaan quusan naftiisa ayaa quus ah” ee waxa loo baahan yahay inuu ka fikiro inay kala badbaadaan baqo cararka isla markaana uu laba qodob uun kala doorto, kuwaasi oo kala ah:-
1-Inuu dadkiisa iyo wadankiisa u soo noqdo oo uu ka tanaasulo fikirka aan soconayn ee Xamar looga soo xambaariyay.
2- inuu Somaliland ka soo aflagaadeeyo Huteelada Muqdisho ama Nairobi, waayo uma suurto galayso inuu fikirka uu aaminsan yahay ee uu nabad-gelyada qaranka JSL ku waxyeelaynayaa kama shaqaynayso meel ka mid ah ciida Somaliland.
Cali Baaruud Sh. Cumar
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply