Maayarka Caasimadda Oo Dhagax Dhigay Garoon Ciyaareed Oo Laga Dhisayo Hargeysa

0
543

Hargeysa(DAWAN)- Maayarka caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelko), ayaa dhagax dhigay garoon  kubadda cagta ah oo laga dhisayo  degmadda  Axmed Macalin Haaruun ee xaafadda New Hargeysa.
Garoonkan cusub oo ah mid balaadhan kuna yaalla barriga magaaladda Hargeysa ayaa ay mushaharkooddii iyo gunooyinkooddii ugu deeqeen Maayarka Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid, Xildhibaan Maxamed Warsame Caalin i Timacadde iyo Xildhibaan Xasan Shahar, kuwaas oo
sheegay inay gunooyinkoodda ugu deeqeen sidii loo dhisi lahaa garoonkaasi.
Maayarka Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco) ayaa sheegay inay ka dawlad hoose ahaan qaybtoodda dhisi doonaan, isla markaana uu isna shan boqol oo dollar oo jeebkiisa ah ugu deeqayo garoonkan bulshada xaafadaasna ugu baaqay inay gacan ka gaystaan hirgalinta dhismaha garoonkan waxaana hadaladiisa munaasibadaasi ka jeediyay ka mid ahaa, “Dhulkan aanu ugu tallo-galay in aanu ka dhigno garoon ay yeelato Macalin Haaruun, waxaanu u ballan qaadaynaa in aanu dhisno, isla markana qaybta u badan ka qaadano, waxaana mushaharkayga ugu deeqay
dhismaha garoonka shan boqol oo dollar, waxaana dadweynaha xaafadana leenahay waa inaad ka qayb-qaadaan dhismaha garoonkan weyn oo aanu sugnay dhulkiisa, waadiga arkaya in lagu soo durkay waxaana ku tallo jirnaa in sida ugu dhakhsiyaha badan u dhisno garoonkan.”
Xildhibaan Maxamed Warsame Caalim (Timacadde) ayaa reer Macalin Haaruun ugu baaqay in sida xaafadaha kale u dhisanayaan garoomadda u dhistaan, isla markaana maanta laga bilaabo ay sugayaan xadka garoonkan si aan loogu soo durkin.
“dad badan ayaa lahaa garoonkii waa la iibsaday iyo si kale loo isticmaalyaa waxaan leeyahay waakaa saaka la dhagax dhigay, waxaana loo baahan yahay in dadweynuhuna ka qaybqaataan dhismaha garoonkan oo ah mid aad u balaadhan, waxaana ugu deeqayaa saddexda boqol ee gunaddayda ah maadaama oo aanan anagu wax mushahar ah ka qaadan dawladda hoose”ayuu yidhi Xildhibaan Timacadde.
Xildhibaan Xasan Shahar oo ka mid ah xildhibaanadda golaha deegaanka Caasimadda Hargeysa,isla markaana sheegay inuu degan yahay xaafadan, ayaa ku yaboohay in saddex boqol oo dollar oo gunaddiis ah inuu ugu deeqay dhismahan garoonkan, waxaanu dadka xaafaddan ugu baaqay inay ka
qaybqaataan dhismaha garoonkan.
Nuur Muuse Shiraaqle oo ka mid ah ganacsatada xaafadan ayaa ugu deeqay Garoonkan kun dollar, halka Cabdi Mataan Xirsi oo ka mid ah odayaasha xaafadda uu isaguna ugu deeqay shan boqol oo dollar.
Geesta kale, Duqa caasimada waxa uu soo kormeeray wadadda isku xidhaysa Xaafadda Daami iyo Goljano oo dhismaheedu socdo, taas oo gabogabo ku dhow, waxaanay dadweynihii xaafadahaasi maayarka uga mahad naqeen wadadan laamidda ah ee loo sameeyey.
By: Yoonis M.Jaamac
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply