Shir-weyne Lagu Soo Bandhigay Wax-qabadka Hay’adda ANPPCON-SOM & Qorsheyaasheeda Oo Lagu Qabtay Hargeysa

0
489

Hargeysa (Dawan)-Hay’adda Horumarinta Iyo Taakuleynta Caruurta ee ANPPCOM,ayaa qabsatay Shirweyne lagaga hadlayey qorshe hawleedkeeda 5-tii sanno ee hore  wixii u qabsoomay iyo Qorshaheeda 5-ta sanno ee soo socda waxa u qorsheysan iyada oo dhinaca kale ay  Hay’addu faahfaahin ka bixisay horumar balaadhan oo dhinacyada bulshada iyo Caruurta oo ay mudadii hay’addu arrimaha samafalka ka hawl-gelaysay ay wax weyn oo muuqda ka qabatay taakulooyinka ka geysatay.
 
Shirweynahan ay soo qaban qaabisay Hay’adda Horumarinta ee ANPPCOM,ayaa  shalay lagu qabtay Huteel Maansoor ee magaaladda Hargeysa,waxana lagu lafo guraayey  waxyaabahii u qabsoomay 5-tii sanno ee la soo faaadhay iyo waxa u qorsheysan 5-ta sanno ee soo socota,ayay Hay’adda Horumarinta ee ANPPCOM,waxana ka soo qeybgalay shirkaasi, Guddoomiyaaha Hay’adda ANPPCOM-Som Khadar Maxamuud Axmed,Wasiirka dhaliyarta Ciyaaraha iyo Dalxiiska Somaliland Cali Siciid Reygal,Wasiir Ku xigeenka Caafimaadka Nimco Xuseen Qawdhan,Wasiir ku xigeenka Qorsheynta,Madaxa Hay’adda Save The Children ee Somaliland Mustafe,Sahra Aadan oo ka socotay ururka Solnac iyo Masuuliyiin Wakiilo Muqdisho iyo deegaano kale ka socday oo Hay’adda Anppcom  ka tirsan ayaa ka soo qeybgalay shirkaasi.
 
Guddoomiyaaha Hay’adda ANPPCOM-Som Khadar Maxamuud Axmed oo ugu horeyn faahfaahinka bixiyey waxqabadka NGO-gooda waxa uu yidhi “Waxa daruuri ahaa inay ANPPCOM  la fadhiisato cid kasta oo daruuri ah hadii ay tahay Hay’addaha dawladda kuwa madaxa banaan ee Caalamiga ah iyo bulshaddaba si loofuliyo oo laysula jaanqaadi karo qorshayaasha mustaqbalka,qorshe hawleedkani waxa uu ku saleysan yahay sidii loo fulinlahaa qorshayaasha mustaqbalka waxana loogu talo galahay sidii uu u higsiga iyo aragtida mustaqbalka loo hirgelinlahaa,taasi oo ku saleysan sidii loo hirgelinlah daryeelka iyo horumarinta Caruurta guud ahaan”
 
Khadar Maxamuud Axmed  oo ka hadlaayey hawlaha taakulo iyo horumarineed ee dhinacyada Caruurta iyo Bulshada ee hay’adoodu ku kuwlan tahay iyo waxyaabaha u qorsheysan waxa uu yidhi “Waxa ay ANPPCOM  ka soo shaqeysay daryeelka hawlaha caruurta sida laga warbixiyey ee hawlaha Caafimaadkooda ee nafaqada iyo wixii la halmaala,waxa kale oo AMPPCOM waxka soo qabatay arimaha la xidhiidha   hawlaha difaacida iyo hawlaha Xuquuqda Caruurta kumana koobna baahida caruurtu intaas ee waxa hada qorshaha noogu jira oo aan hore waxba looga qaban sidii looga geysanlahaa taageero iyo kaalmaba dhinaca Waxbarashada,Ciyaaraha iyo kobcinta dhalinyarta waxana kale oo ka mid ah sidii kor loogu qaadlahaa nolosha dadka ay quseyso ee danyarta ah ama qoysaska ka soo jeeda dadka danyarta ee bulshadeena oo ah sidi hoos loogu dhigi lahaa heerka caafimaad daro ama dhimasho ee bulshadeena danyarta ah waxana qorshaha noogu jira Barnaamijyo ay ka mid yihiin Kobcinta xirfadaha,caafimaadka ,dhaqaalaha iyo barnaamijyo ku saabsan in loo helo bulshadeena fayo dhawrka nadaafada iyo caaafimaadka ee bulshadeena iyo ilaalinta deegaanka kuwaasi oo aanay Amppcom hore wax uga soo qaban”
 
Mr. Khadar Maxamuud Axmed  waxa uu intaasi raaciyey “Iyada oo ANPPCOM ka faa’iideysanaysa wixii hore ay u soo shaqeysay isla markaana ku dadaali doonta inay hesho kheyraad ka badan kuwii hore si loo fuliyo jawi ku haboon inay ANPPCOM-Som ku fuliso qorshahii ay u sameysay barnaamijyadeeda,marka aanu isku wada geyno qorshe hawleedkaygu waxa uu noqonayaa in la gelo dhaqaale gaadhaya 29 Milyan oo Dollar 5-ta Sanno ee soo socota,runtiina waa dhaqaale badan balse marka aynu eegno baahida bulshadeena ayaa ka badan iyo marka aynu eegno wixii ay ANPPCOM soo dhisaysay 5-tii sanno eeh hore waxana ay noqoneysa marka aanu eegno wixii aanu mudadaasi hore soo isticimaalay ama ku bixinay hawlihii aanu soo qabanay lacag saddex meelood oow meel ah oo gaadhaysa 7-Milyan oo dollar mudadii Shanta sanno ee hore aanu jirnay,oo qorshaha ku talaganka aanu imika 5-ta sanno ee soo socota sameynay waxa weeye mid 3 ama 4 jeer ka badan kii hore anaga oo ka duuleyna qorshaha cusub ee aanu ku qeexnay higsigaa iyo aragtida aanu ku qeexnay barnaamijkayaga mudada 5-ta sanno ee soo socota baahiyaha meelaha noo qorsheysan in aanu waxka qabano,waxana aanu aad ugu faraxsanahay taageeradda ay na la garab istaagaan dawladda hay’addaha caalamiga ah iyada oo aan gaar u xusaayo hay’addaha Save the Children,UNICEF,VA iyo Saaxiibo badan oo kale oo si weyn noo taageera .”
 
 
Sidoo kale waxaa isna halkaasi ka  hadlay Mustafe  oo ah madaxa Save The Children Ee Somaliland wax uuna yidhi  “meel kastoo caalamka ka mida waxa aanu ka mid nahay hay’adda sida fiican ula shaqeeya ururkan mashaariic waanu  wada wadnaa,waxa kale oo wada samaynaa in aanu xoojino tayada iyo awoodaha markaa waxaan aad  iyo aad ugu faraxasnay in aan ka soo qayib galo shirkan waxaan rajaynayaa in hadii Alle idhahaado  in wada shaqayn tayadu sii socon doonto imikan waxa aan ku heshiinay istarajiyad sadex sano ah in aanu sii wadno,kobcinta xuquuqad caruurta somaliland
 
Geesta kale wax halkaa ka hadlay Axmed Cismaan madaxa barnaamijyada ee Anppsan wax uun yidhi Anppsan –Som Review And Stakeholders oo ah urur u taagan ilaalinta xuquuda caruurata  hadaan ugu horayin ka bilaabo qayibta borodhak shan ka  inta inugu muhiimasan,sandkii tagay 2013 kii wax noo qabsoomay sahan la tashiyo barnaamij aanu ku dhiiri galinayno carurta howshaa wax ugu horeeyay ee aanu ku bilownay wax ay ahayd wada tashiyo waxa runtii si fiican noo cawiyay haayada Save The Children iyo talada xuquuqda caruurta Sansaf  iyo waliba bahweynta kale ee ka shaqaysa xuquuqda caruurta, wasaarado ha noqdaan ama meelo kale ha noqdaan .
 
Wasiirka Wasaaradda dhalinyarta Ciyaaraha iyo Dalxiiska  Md. Cali Siciid Reygal oo ugu dambeyntii halkaasi ka hadlay,ayaa ku dheeraaday amaanta Hay’adda ANPPCOM-Som oo ku tilmaamay hay’ad isku xilqaantay ilaalinta iyo horumarinta xuquuqda iyo daryeelka ubadkeena isla markaana dabooshay baayo badan oo dadka danyarta ah iyo gaar ahaan Caruurta tabaaleysani qabeen waxana uu ku booriyey inay ururkani halkaasi ka sii wadaan qorshayaayaashooda 5-ta soo socota iyada oo dhinca kale fariin u diray NGO-yada kale inay waxqabadkooda u muujiyaan sida hay’addan ANPPCOM-Som ee ka hawlgasha ilaalinta xuquuqda Caruurta iyo horumarintooda.
 
Waxana  ugu dambteyntii madasha lagu gudoonsiiyey Jahaadooyin dhamaan shaaqaalaha iyo madaxda wakiilada hay’adda ANPPCOM-Som  ee magaalooyinka Muqdisho, Hargeysa iyo  qaarka socday Putland iyada oo ay iskugu jireen Shaqaale ajaanib ah iyo kuwo Soomaali ahba.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply