Madaxweyne Siilaanyo oo Shacbiga Ka Tacsiyadeeyay Geerida Mid ka mid ah waxgaradka Awdal

0
518

Hargeysa (DAWAN)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa shacbiga ka tacsiyadeeyay geerida ALLE ha u naxariistii Geerida Marxuum Xaaji Dayib Sheekh Muxumed Kaahin oo ku geeriyooday 28/08/2014 Magaalada Hargeysa, laguna aasay Degmada Dilla 29/08/2014.
Sidaasna waxa lagu sheegay dhambaal tacsi ah oo uu shalay soo saaray afhayeenka madaxtooyadda Axmed Saleebaan Dhuxul,kaasi oo u dhignaa sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed (Siilaanyo), waxa uu tacsi u dirayaa, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Marxuum Xaaji Dayib Sheekh Muxumed Kaahin oo ku geeriyooday 28/08/2014 Magaalada Hargeysa, laguna aasay Degmada Dilla 29/08/2014. Marxuumka oo ka mid ahaa Odayaasha waa weyn ee Gobolka Awdal kana soo shaqeeyey nabadayntii Beelaha Somaliland iyo dib u dhiskii dalka, waxa uu madaxweynuhu ALLE uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Dhammaan Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo. IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply