Wasaaradda Tamarta Oo Ka War-bixisay Dedaalo ay u Gashay Soo Saarista Khayraadka Dalka

0
789

Hargeysa (DAWAN)- Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland,ayaa ku hawlan sidii ay dalka uga soo saari lahayd khayraadkiisa kala duwan eek u dihin isla  markaana imika awooda koobaad saaraysa sidii  Somaliland dabaysha iyo cadceedda uga faaiidaysan lahayd ugana faaiidaysan lahayn sidii aynu uga heli lahayn laydh dalka oo dhan gaadha oo inooga jaban kan aynu imika shidanno ee mishiinada iyo shidaalka ku shaqeeya.
Afhayeenka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland Maxamuud Axmed Cali ayaa sharaxaad ka bixiyay deddaalo ay Wasaaraddu u gashay sidii kor loogu qaadi lahaa ka faa’iidaysiga tamarta qoraxda iyo sidii loo soo saari lahaa shidaalka  dalka.
Sidaasna waxa uu ku sheegay war-saxaafadeed uu  xalay  soo saaray oo uu kaga war-bixiyay wixii u qabsoomay Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta sannadihii la soo dhaafay. Waxaanu u dhignaa sidan:-
“Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Somalilanad waxay daraasad qoto dheer Iyo Wacyigalin badan ku sameysay tamarta Somaliland iyaga oo ka duulaya baahiyaha dalka ka dhiman iyo suququlka koranto ee dalka ka jirta ,iyadoo Somaliland tahay Wadanka Adduunyada ugu qaalisan dhanka Laydhka , 1 KW waa 1dollar halka Ethopia-da ina la jaarka ah  laydhkoodu yahay 1KW 10 cent $ taa macnaheeduna  waxaay Somaliland  ka jaban yihiin 90%.
Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland Md Xuseen Cabdi Ducaale waxaa uu xidhiidh la sameeyay Hayadaha Caalamiga , Bangiga Adduunka iyo Hayado kale oo uu ka codsaday in wax lagala qabto arrimaha Tamarta , kuwaasoo Nasiib ay u yeeshay inay kaalinta koowaad gasho Hayada USAID oo ay iskaashanayaan Wasaaradda Tamarta Iyo Macdanta Mashruucan oo noqday kii koowaad ee tamarta cusboonta kaas laga Hirgilyey Madaarka Hargeysa dab lagu qiyaaso 100kwt oo shan marawaxadood dabaysha ka dhalinaya laydh.
Wasiirku waxaa uu fahansiiyey Ganacsatada Somaliland in saliidda fudud ee dabka laga dhaliyo aaney ku habooneyn in loo isticmaalo korontada taasna lagaga bixi karo Tamarta Cusboonaanta ee Dabaysha iyo Solarta cadceeda dabiiciga ah ee ALLE inagu Manaystay , Ganacsatada Somaliland waxay fuliyeen arrinkaas iyagoo hadda dalka ay ka socdaan Sideed Mashruuc oo kuwa dabaysha korontada lagaga dhalinayo ah.
Waxaaney ka kala socdaan :
Boorama 450 kw Burco : 450 Kw
Barbera 60 kw Oog : 60 Kw
Ceerigaabo 450 Kw Baki : 450 Kw
Caynabo 60 Kw
Hargeysa 100kwt
Boorama oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Dhagax dhigay waxaa ay korntada Dabaysha laga dhalinayo oo la adeegsanayo Marawaxado ay Dabkoodu gaadhi karaan Dhowr kun oo guri ugu yaraan taasoo wax badan ka tari doonta isbedelka taban ee laydhka Somaliland.
Wasaaradda Macdantu waxay sidoo kale maalintii uu Wasiirku xilka qabtay Hargaysa dabka siin jiray shirkado aad u fara badan kuwaaso daankasto magaalada ah ka shaqeyn jiray ,iyago magaalada bilicdeedana kuhayey dhib faro badan , oo gurikasta iyo waddooyinka aad ka dheehanaysay tiirarka biraha laydhka oo mid ba meel ka taagan tahay balse Wasaaraddu waxay kulan iskugu keentay shirkadiihii oo markii danbe iskugu soo ururay Labba shirkadood oo qudha.
Waxay Shirkadaha ku dhiirigalisay inay isu tagaan si ay cudud u yeeshaan taaso keenaysa laydh jaban oo hufan oo badbaado leh ,iyagoo adeeg fiican macaamiishu helayaan isla markaana Bilicda caasimaduna hagaagayso.
Geesta kale Magaalda burco  waxaa iyana ka jiray shirkado Dhowr ah kuwaasoo laydhka siin jiray magaaladda waxaana wada tashi iyo shirar ay u qabatay Wasaaradda Tamartu ku guulaysatay in Caasimadda Labaad ee Somaliland ay noqoto mid yeelata Hal shirkad laydh oo qudha waxaanay la baxeen Magaca HECO. Wasiirka ayaa ah mid goor kasta ka fikira sidii dalkan loo horumarin lahaa taasoo dad aad u fara badan kula coloobeen , maadamo aan horu loo baran shaqsi daacad ka ah shaqadiisa iyo hawulaha qaranka loo qabto.
Su’aasha is waydiinta mudan ee mawduuceenan ,waxa weeye Maxay Somaliland Shidaalkii ay Bulshaddu u hanqal taagtay u soo saari wayday?
Dalkeenna Waxa lagu sheegay inuu jooliji ahaan u dhow yahay dal shidaal leh isla markaana ay isku saansaan yihiin dalalka Suudan iyo Yeman oo saliid wanaagsan leh , shidaalkii laynagu sheegay waxaa Somaliland sahammo iney ka bilaabaan kula heshiiyey Wasaarada Macdanta Afar shirkadood oo ajaanib ah kuwaasoo tii Koowaad markii-ba bilowday sahankii shiidalkaa waa Genel oo laga leeyahay labada dal ee England iyo Turkey.
Kolkii shirkadii Genel Bilowday Sahanka Saliida waxaa deegaamadii ay ka wadeen si badheedh ah loogu fidiyey warar aan sal iyo raad laheyn Fariimaha lagu shubayey Reer Miyaga Deegankuna waxay ahaayeen :“Qalabkan , Cagaf cagafyadan , gawaadhida ay wataan oo dhan waxay leeyihiin Magnad urursanaya Macdanta deeganka oo dhan “ qodhaa iyo xeradda nin reer miyi ah oo intaa loo sheegay ficilkuu sameynayo akhristow adba Filo … sidoo kale waxay qolyaha khayraadka dalka la dagaalantaa warxuma tashiilkoodii deegankii u sheegeen “waa Sun waxaas cad ee dhulka lagu daadiyey” , Hadda waa Nuuradii lagu calamadineyey dhulka.
Carqaladahaas is barkan ee kaga imanaya Somaliland Mucaarid iyo koofiyad bacle ka jecel khayraadka ceegaaga dhulkeena in la soo saaro afar shilin oo isagu qaato , taasi waxay keentay in sharaa`iga dalka u soo jeeday ay mar qudha dalbadaan in loo sameeyo ilaalo dhulka shidaalka iyo khubarada sahanka sameyneysaba.
Wararka Duulduulka oo qolyaha neceb horumarku sidoo kale waxay  ku fidanayaan Mareegaha waxaa ka mid ah in dalkeenu aanu taagayn waqti shidaal laga qodo , bilaahi caleykum maanta yaa inooga baahi badan in la helo khayraadka dhulkeena hoos ceegaga , yaa inooga baahi badan shaqooyin iyo fursada ay helaan dhalinyarta Somaliland ee maalinba maalinta ka danbeysa ka soo qalinjabinaya jaamacadaha . ma is waydiiseen hal mar Maxaynu Dalkeen u hurnaa ? waa maya …. Walee reerkan ogahey ma guuro!
Waxaynu u u baahan nahay miyi iyo magaalo caruur iyo ciroole hooyo iyo aabbo inta ay ka kooban yihiin qoys waliba ineynu wacyigalino dhigeena u sheegno waxaynu ku dhaano ee aynu ka ognahay Khayraadkeena soo dhaweyno cid walo jecel wanaaga taakuleyno keena raba inuu hurmar inagu soo kordhiyo .intaa hadii laynaga helo muddo kooban waxaynu ku arki doona isbadel weyn oo hilaac iyo cadceed u noqda himaladeena.
waxaa jira oo aan maqlay sido kale ciidanka ilaalada khayraadka shidaalka (OPU) Kuwaaso ilaalinaya shirkaddaha sahanka ka wada dalkeena iyo shaqalahooda , waa ciidan sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Guduhu loo tobabarayo masuuliyadda badka dhuleeed ee laga badhaayo khayraadka waa ciidan isku xidhaya fahanka shirkaddaha iyo dadka deegaanka sidii ay u wada shaqeyn lahaayeen . waa walaalka waa abtigaa waa adeerkaa waa somalilander meel kale laga keeni maayo.
ogsoonow hadii aad waliga jecelayd in Somaliland dowladaha jaarkeeda ah la jaanqaado barana dhaafiso waa inaad hesha khayraadkaaga soo dhaweysana wanaag falaha . ku dheeran maaye maanta waxaynu taaganahey meel fiican hadii isku xidhnaan iyo kala danbeyn isku tanaasul noqoto argtiideenu walaahi oo bilaahi waxaynu sameyn doona horumer meel walba gaadha.
waxaan ku raja weynaheyna ineynu  gaadhi karno , maadamo oo aynu horeba qacmaheena ku dhoob-dhoobanay Dowlad aan Haysan wax Taakula ah , ku talaabsaneyna Dimqraadiyad iyo nabad Waddamo badan oo adduunka ahi ay sirteeda ila waqtigan aad akhriyeyso maqaalkan.
Saliida Iyo Ictiraafka?
Waxaa hubaal ah saliida dhulkeena ku jirta hadii ay ifka u soo baxdo oo la soo saaro , waxay noqon doonta maalinta ay Somaliland adduunweynaha ka heleyso qiraalkooda ictiraaf ,waana wadada hadeer aan filayno in ay mustaqbal wacan ka heli karto Somaliland.
Dadka ku xeeldheer siyaasadda dhaqaale ee adduunka ayaa tibaaxa dalka laga helo kheyraadka dabiicaga ah in loo baratamo ,loona kala dheereeyo , saaxiib dhowna laga dhigto , maxaa yeeley caalamku maanta waxaa uu maraya heer la yidhaa kala danaysi (Interest) taasoo kaa dhigaysa dowlad miisankeeda dhaqaale iyo dadka ku nool isku dheeli tirmaan.”
By: Faysal Xiis Weerar(Afgaab)
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply